“Sweden waxaa badbaadinaya soo galootiga”

Sidaa waxaa yiri wasiirka qorsheynta mustaqbalka Kristina Persson oo ka hadlaysay dhibaatooyinka shaqada ee ku soo fool leh Sweden. Wasiirka oo booqasho ku tagtay magaalada Karlskrona ayaa u sheegtay dadkii dhagaysanayahay in soo galootigu ay yihiin kuwa badbaadinaya mustaqbalka Sweden, maadaama dad badan ay waayeel noqonayaan oo ay shaqada ka fariisanayaan isla markaana ay u baahanyihiin daryeel.

Aragtida wasiirka ayaa muujinaysa qorshaha Sweden ee ku aadan soo galootiga iyo rajada ay ka qabaan dadka maanta qaxootiga loo qaabilayo in ay 10 ama 20 sano ka dib ay noqdaan kuwa iyagu wadanka waxtaraya. Wasiirka ayaa sheegtay in 20 sano gudahood ay shaqooyin badan suuqa ka bixi doonaan oo ay la wareegi doonaan kombutarada isla markaana ay dad badan hawl gab noqon doonaan. Maadaama Swedishku aysan dhalin caruur ku filan in ay badalaan waalidkood ayaa taasi muhiimad wayn siinaysaa soo galootiga.

Wasiirka ayaa sheegtay si Sweden ay uga faa’idaysato soo galootiga loo baahanyahay in ay suuqa shaqada degdeg ku galaan iyo in shahaadooyinkooda la qiimeeyo si ay faa’iido ugu noqoto mustaqbalka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. Adem says:

    Arintaan waa run. Waagii hore waxaan qabay fakar kaas ka duwan. Lkn hada waxaan ogaaday in Sverige aysan waxba noqon karin soogalooti la’aantiis. Bilowgii bishaan ayaa waxaan tababar ku tagay Hospital waxaana kula kulmay wax iga yaabiyay. Dadkii aan la kulmay waxay u badnaayeen ajaanib aad wax u bartay sida dhakhtar, kalkaaliso/kalkaaliye. Lkn waxaan aad ooga xumadaay wax somali ah kuma arag meesha. Waxaana ogaday in dulqaadka wax barashadu nagu yaryahay.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 0

  2. Ustaad says:

    SWEDEN soo galooti kama maarmaan maxaa yeelay yaga ayaa Ubadka ay dhalayaan Yareeyay haday ogaadeen dhibka ay leedahay ubad yaraantu, Gaalo waxba ma garato ilaa ay dhibkeeda aragto.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1