“Sweden waxaan u maleeyay wadan amaan ah”

Habeenkii Axada waxaa  magaalada Göteborg qarax lagu dilay wiil Soomaali ah oo 8 sano jir ah ka dib markii qolkii uu jiifay lagu tuuray bambaanada gacanta. Wiilka yar oo lagu magacaabo Yuusuf ayaa booqasho ku joogay Göteborg isagoo ka yimid magaalada Birmingham ee Ingiriiska.

Wargeyska Expressen oo wareystay aabaha wiilka ayuu u sheegay in uusan dhacdadaan ka filayn Sweden.

“Waxaan u maleynay Sweden in ay tahay wadanka ugu amaanka badan aduunka, wadan wanaagsan.” ayuu yiri Abdiwahid Warsame oo telefoonka kula hadlay wargeyska isaga oo wali ku sugan Birmingham.

Dhacdadaan foosha xun ayaa argagax ku abuurtay dadka reer Göteborg, iyadoo ay nasiib ahayd in ay ka badbaadeen qoyska intiisa kale. Qolka uu jiifay wiilka yar ayaa waxaa sidoo kale jiifay hooyadiis iyo walaalihis balse Yuusuf oo keliya ayay bambaanada dishay.

“Somalia dadku way ku dhintaan qaraxyo balse tan kama filayn Sweden.” ayuu hadalkiisa ku daray Abdiwahid Warsame.

Booliska ayaan ilaa haddi soo qaban cidii ka dambeysay qaraxa, iyagoo warbaahinta u sheegay in aysan wali aqoonsan cid la tuhmayo. Magaalada Göteborg ayaa sanadihii dambe waxaa ku soo batay dagaal u dhexeeya kooxo gaangiistaro ah, oo ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Saafi says:

    Ina lillah wina ilaah rajacuun. Walaahen wiilka dhalay waxaan ilaah uga baraya inu samiir iyo imaan siiyo aamiin aamiin inshaa Allah. Bedeel kalo qeyr qabana Allah hasiiyo cunagaane saqiir oo ahaaye ilaah jannatul fardoowsa allah ha geeyo yaa raabi.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 0

  2. nuurtomacalin12 @hotmail. com says:

    Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicoon Waalidkiisa ilmaha 8 jirka shaficul aqiro Allah ha idinka dhigo qalbigiina Allah ha idin qaboojiyo insha Allah meel walba waa lagu dhiman lakiin waa geeri naxdin leh

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  3. luul says:

    inaalliaahi wa inaa ileyhi raajicuun kulu nafsi daaiqitil moowd waa geeri xanuun badan walaalaha wiilka dhalay illaahey samir iyo iimaan saadaq ah ha ka siiyo gacanti sababtayne illaah ha ka jaasiyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  4. cabdi bile says:

    Sweden hadii ay tarxiisho qofkii danbi galo amniga wuu hagaag xataa hadii uu heesta dhalashada sweden ha laga ceshto wasaqda qurunka ah .

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  5. Ali Naser says:

    Ilaahay hanaga sabar siiyo wiilka. Teeda labaad malakul mowt ka meel walbo oo kuugu haleeli karaa ama joog sweden ama soomaaliya. Balae ogow warbixin la soo saaray in ey tahay Sweden aduunka meesha ugu nabda badan Kanad aa labaad ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Ali Naser says:

    Teeda kale wabsitka xoogaa waxaa moodaa in uu negativka kaliya soo qoro bal soo qora warka wanaagsan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. mariamaskin says:

    inaalliaahi wa inaa ileyhi raajicuun

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0