Sweden waxay ka leexatay wadadii dhexdhexaadka

Warbixin ka hadlaysa dhoofinta hubka ee Sweden oo lagu qoray bogga TheLocal ayaa looga hadlay sida ay isku badashay siyaasada dowlada Sweden ee ku aadan cida laga iibin karo hubka ay sameeyaan shirkadaha Swedishka. Iyadoo sanadihii dambe ay dowlada Sweden hub ka iibisay dowlado ay maamulaan dikteetaro. Xitaa Xarakada Al-shabaab ay helay hubka Sweden.

Sweden ayaa lagu eedeeyaa in ay ka leexatay wadadii dhexdhexaadka ee lagu yaqaanay iyagoo sanadihii dambe xooga saaray sidii ay u iibin lahaayeen hub badan. Sweden ayaa bilowday in ay hubka ka iibiso dowladaha ay xukumaan dikteetarada sida Sacuudi Carabiya iyo wadanka Myanmar. Iyadoo lacagta keliya muhiimada la siinayo. Siyaasiyiinta Sweden ayaa ku dooda in badbaadinta shaqaalaha Sweden ay muhiimada leedahay.

Qoriga garabka laga rido ee lagula dagaalamo taangiyada ee lagu magacaabo Carl Gustaf ayaa gacanta u galay Al-shabaab. Sida Al-shabaab ay ku heleen hubkaan ayaan ahayn mid waadix ah. In Al-shabaab ay haysato hubkaan ayaa ahayd xaqiiqo la ogyahay iyadoo sanadkii 2010 ay Al-jazeera soo bandhigtay ciidamada Al-shabaab oo soo bandhigaya Carl Gustaf oo ay samaysay shirkada Saab Bofors Dynamics. 

Siyaasada Sweden ee ku aadan hubka ayaa wadanka ka noqotay mid aan laga hadlin iyadoo ay u muuqato in xisbiyada inta badan ay isku fikrad ka yihiin sidii ay u dhoofin lahaayeen hub badan oo lagu laayo masaakiinta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Abubakr says:

    Horta hadaan ka hadlo fikirkeyga ku aadan arintan ayaa ah, wadamada warshadaha leh oo soo saara hubka waxay u sameysteen hadaysan ku dagaalameynin ama aysan iibineynin, kow ? hadii laga iibiyo shabaab iyo wax la mid ah iyo dowlada Sucudiga, Sucudiga lacag ayay haystaan Sweden na lacag ayay u baahan tahay ama shidaal. kuwa kale sida shabaab. shabaab waxaa abuuray America iyo Yurub ayagaana lacagta iyo hubkaba siiya. marka waxaan dhihi lahaa maqaalkan ma ahan mid macno weyn ku fadhiya. waxaan ka fiicnaan leheed iyo maqaal dadka faa’ido u leh in lasoo qoro. mahadsanid

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. youtube.Com says:

    I’ve been browsing online more than 3 hours today, yet I never found any interesting article like yours.
    It’s pretty worth enough for me. In my opinion, if all webmasters and
    bloggers made good content as you did, the web will be much more useful than ever before.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Good way of explaining, and nice paragraph to obtain facts concerning my presentation subject matter, which i am going to present in institution of higher education.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0