“Sweden waxay noqonaysaa wadanka ugu fiican qaniisiinta”

12

Wasiirka Isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa maanta mowduuc uu ku qoray wargeyska Dagens Nyheter waxa uu ku dhawaaqay in dowladu ay doonayso in Sweden ay noqoto wadanka ugu fiican soo dhaweynta qaniisiinta. Wasiirka ayaa sheegay in Sweden ay horumar fiican ka gaadhay sidii loo dhowri lahaa xuquuqda dadka qaniisiinta ah, hadana ay doonayso dowladu in wadanka Sweden uu noqdo kan aduunka ugu horeeya marka laga hadlo arimaha qaniisiinta.

Wasiirka ayaa maanta shir u qabtay dad badan oo ka kala socda hay’adaha dowlada kuwaasoo warbixin laga siiyay sidii ay u gaari lahaayeen hadafka cusub ee dowlada. Waxyaabaha dowladu ay doonayso ayaa waxaa ka mid ah sidii loola dagaalami lahaa cunsuriyada ka dhanka ah dadka qaniisiinta ah iyo sidii loo siin lahaa xuquuq dheeri ah oo la mid ah dadka aan qaniisiinta ahayn. Sida caawimaadaha ay helaan lamaanayaasha iyo waalidiinta caruurta leh.

Wasiirka ayaa ku faanay in Sweden ay hadaba tahay wadamada ugu horeeya arimaha qaniisiinta, isagoo ka dhawaajiyay in Sweden uu sharci ka yahay isguursiga ragga iyo in loo ogolyahay in ay caruur korsadaan. Xitaa Sweden ayaa guurka qaniisinta waxaa lagu qabtaa kaniisadaha.

Intaa keliya ma ahan, ee wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay doonayso in ay wadamada kale ee aduunka kala shaqayso horumarinta xuquuqda qaniisiinta. Iyadoo la ogyahay in dowlada Sweden ay joojisay caawimadii ay horay u siin jirtay dowlada Uganda markii wadankaasi uu dhaqan galiyay sharci ka dhan ah qaniisiinta. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in bisha May uu casuumay wasiiro badan oo ka kala socda wadamada Yurub si looga hadlo arimaha qaniisiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here