“Sweden waxay u baahantahay 100 000 soo galooti ah sanad kasta”

9

Agaasimaha Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa sheegay in Sweden ay u baahantahay 100.000 oo qof sanad kasta si wadanka uu barwaaqo ugu socdo. Mikael Sjöberg ayaa sheegay in haddii tirada soo galootiga ay intaasi ka yaraato ay Sweden soo wajihi doonto dhibaato xaga dhaqaalaha ah.

– Haddii aan hoos u dhigno tirada soo galootiga, waxaa sidoo kale hoos u dhacaya dhaqaalaha mustaqbalka.

Warbixinta oo ay Arbetsförmedlinge u gudbiyeen dowlada ayaa lagu sheegay in sanad walba ay 22 000 Swedish ah shaqada ka fariistaan, iyadoo loo baahanyahay cidii badali lahayd dadkaasi. Maadaama qoysaska Swedishka aysan dhalin caruur badan ayay taasi keenaysaa in dadka shaqada ka fariistay ay badalaan soo galootiga.

ilaa sanadkii 2006 ayaa soo galootiga shaqayn kara ee Sweden soo galay warbixinta lagu sheegay in ay ahaayeen 304.000 qof. Tirada soo galootiga shaqeeya ayaa ku xiran heerkooda waxbarashada, iyadoo dadka heerka jaamacadeed gaaray ay shaqo helaan halka kuwa kale ay dhibaato ka haysato suuqa shaqada.

Warbixinta Arbetsförmedlingen ayaa lagu sheegay in Sweden ugu yaraan ay baahantahay 65 000 soo galooti ah, balse ay wanaagsantahay ilaa 90 000 kun sanad walba. Taasi haddii la waayo ayaa dhaqaalaha canshuuraha ay hoos u dhici doonaan, taasoo saamayn weyn ku yeelanaysa guud ahaan wadanka, waxbarashada, daryeelka dadka waaweyn, caafimaadka iwm.

Mikael Sjöberg ayaa sheegay in dooda ku saabsan soo galootiga ay ku salaysan tahay qarashka oo keliya balse dadka siyaasada ku jira aysan eegin muhiimada soo galootiga ee mustaqbalka iyo dhaqaalaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here