Swedish badan oo aaminsan in soo galootigu faraha ka bateen [Video]

2

Baaritaan ay samaysay shirkada afti ururinta SIFO ayaa lagu soo bandhigay in dadka Swedishka ah ee aaminsan in tirada galootiga ay faraha ka baxday ay sii siyaadayso. Sanadkii hore ayaa 37% dadka Swedishku waxay aaminsanaayeen in qaxootigu ay bateen balse tiradaas ayaa sanadkaan gaadhay 44%.

Tirada Swedishka aaminsan in tirada soo galootigu ay tahay mid la aqbali karo ayaa ah 39% halka 10% shacabka Sweden ay aamisanyihiin in loo baahanyahay in la kordhiyo tirada qaxootiga ay qaabisho Sweden.

Swedishka ayaa sidoo kale la waydiiyay xisbiga ay u arkaan in uu leeyahay siyaasada ugu fiican ee ku aadan soo galootiga, iyadoo cododka ugu badan 16% ay heleen xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD). Iyadoo uu kaalinta labaad galeen xisbiga Socialdemokraterna (S). Balse 47% dadka la waydiiyay su’aasha ayaa ku jawaabay in aysan aqoon xisbi ku fiican arintaan.

Aftidaan ayaa muujinaysa sida aragtida Swedishka ee ku aadan qaxootiga isku badashay sanadihii dambe iyo sababta ay u kordhayso taageerada xisbiga SD oo doonaya guud ahaan in uu joojiyo qaabilaada qaxootiga isla markaana celiyo soo galootiga wadanka ku nool.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here