Swedish u doodaya in la aqoonsado Somaliland

Ka dib markii ay dowlada Sweden ku dhawaaqday in ay aqoonsanayso wadanka Falastiin ayaa waxaa isa soo taraya Swedishka u doodaya in sidoo kale la aqoonsado Somaliland isla markaana la barbardhigaya Falastiin. Isbuucii hore ayaa wargeyska SvD waxaa ninka lagu magacaabo Per Gudmundson ku qoray mowduuc uu ku doodayo in Somaliland la aqoonsado halkii laga aqoonsan lahaa Falastiin.

Ninkaas oo ah nin lagu yaqaano naceybka Islaamka isla markaana si joogto ah u qora mowduucyo ka dhan Islaamka iyo ajaanibta ayaa ku dooday in Falastiin aysan buuxin shuruudaha dowladnimada, Islamarkaana haddii dowlada Sweden ay aqoonsanayso wadan Muslim ah waa in ay aqoonsataa Somaliland.

Sidoo kale ninka lagu magacaabo Mikael Torstensson oo ah nin ganacsade ah isla markaana u shaqeeya dowlada Somaliland ayaa shalay mowduuc kale ku qoray SvD kaasoo ugu magacdaray “Sirta ugu fiican afrika ee la xafiday”. Mowduucaas ayuu kaga hadlay horumarka ay samaysay Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland ay xaga dimoqraadiyada ka horayso wadamada dariska la ah. Ninkaas ayaa si qoto dheer u soo bandhigay taariikhda Somaliland iyo sida ay ku noqotay wadan isla markaana in aysan Somalia marnaba ka mid ahayn. Ugu dambeyntii ayuu dowlada Sweden ugu baaqay in ay qaado talaabada lagu aqoonsanayo Somaliland iyo in shirkadaha Swedishka ay wadanka maalgashadaan.

Mikael Torstensson ayaa shaqadiisa ay tahay in uu amaano Somaliland isla markaana uu ka dhaadhiciyo Swedishka in ay tahay wadan madaxbanaan. Waxa uu la taliye u yahay dowlada Somaliland isagoona ka faa’iida dhaqaale ahaan. Ninkaan ayaa qabanqaabiya xaflado la xiriira Somaliland, isagoo xitaa tagay wadanka Shiinaha oo uu calanka Somaliland ka taagay Darbiga weyn ee shiinaha (Great Wall of China). Dowlada Somaliland ayaa u muuqata mid ay ka go’antahay sidii ay sumcad ugu yeelan lahayd wadamada reer galbeedka iyagoo taas u maraya in ay shaqaalaysiiyaan dadka cadaanka ah.

Sidee u aragtaa baaqyada Swedishka ee ku aadan in la aqoonsado Somaliland? Iyo dadaalka ay dowlada Somaliland ku bixinayso sumcad abuurista? Ku darso fikradaada…

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

40 Responses

  1. Fuaad says:

    Viva Somaliland

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 20 Thumb down 17

  2. maxamed cisman says:

    waxas waa riyo somalia waa al bro

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 19 Thumb down 17

  3. Somalilander says:

    kan webka iska leh waxaad Ka xanaaqday Viva Somaliland ee Fuad yidhi Walee xaasid noocaaga oo kale ah Somaliland way leedahay. lixdameeyadii inaan ahayn dal aduun waynaha kamida oo Somaliland LA yidhaahdo’ taas ma ogtahay oo Engriis Gumaystay hadii aadan ogayn aabaha soo waydii. anakaa somalia calankayagii ULA tagnay kana goosanay hada wax kale in Aan idhaahdo ma rabo’ taydana hidden garee sida Fuaad tiisa aad fikradiisa ula dhicin ileen anakaa webkaagii kugu soo doonanaye Cuqdadbaa kaa buuxdee dadka kalee cuqdadu ka buuxdo waxaan leeyahay Somaliland way tashatay ee tiina u duceeya intaad dad isku duba dhacay oo wax qabsaday xaasidaysaan.. Somaliland ha Nolaato. Somaliland Sinda Baad. Ilaahow Cadwgeeda Jabi Somaliland

    Fikrad lala dhacay Thumb up 26 Thumb down 17

  4. cawi says:

    waxan leyaahay waa guul usoo hoyatay somaliland iyo shacabkeda iyo dawladeeda wayo geed hadii aad berto oo uu soo ufo waa farxad waxanan leyayay halkaa kasii wad hana ka dalin cadogu isaga ayaa jabayee

    Fikrad lala dhacay Thumb up 26 Thumb down 16

  5. a says:

    Maxaa xigi dono taas putland iyo inta kale ayagane waa jaanta rogay shekadas

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 13

  6. ismail says:

    Manshalah waa guul nooso hoyatay lkn anigu waxan aad ugu mahadnaqayaa ninka iska leh page kan waayo sxp waxad uhadashay si bilaa naxli ah hadday siddas oo kale somalidu ahaan laheed lays ma naceeenba

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 10 Thumb down 10

  7. aniga says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 10

  8. Faai.id says:

    Anigu wax Somaliland la yiraahd ma garanao. Waxaan garanayaa oo aqaanaa goboladda Waqooyi ee Jumhuurayadda Soomaaliya bes. Midanina meel gaarimeyso socon weynee aanu orodno weeyaan. Soomaalidu waa mid lixdankii ayaana midownay, hadii xasuuq lagu sameeyeyna ayagaa hada xasuuqa dadka gobolka Sool.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 14 Thumb down 15

  9. waryaa says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

  10. somane says:

    war adeer hadii ninki cadaan ahba uu mamul goboleed somaliyeed ee somaliland uu tagayo kadibna gabdha yar yar ee masakinta ah oday walan oo siyasadi madax martay sinayo gabadh kadibna oranayo gabadh ayan ku sinaye noo dood oo somaliland u dood tas waxan u arkaa in gabadha somaliyed sumcadoodi meel looga dhacay ,waxa cadeen ah nin jarmal ah aya sas oo kale u yimi hada gabdhi fara xumeyey kala badh waliba film ayuu ka duubay inkastoo qolyihi wadada aha ku kaceen oo la dhahay naga bax hada wuxu ku dodayey waxa kow ka aheed sow maydan oran wadankan waa xoriyad marka somaliland iyo cadan laheyne wadankina kamid ahada sida puntland ,galmudug ayad la mid tihiin

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 13

  11. muwadin somaliyeed says:

    maamulka somaliska.com wan idin taageersan nahay hoosha ad noohesan. tan labaad dadka sheegta Somaliland , an idin xasuusiyo ashuun ayad ka aadamesan maxa yeelay wadankan somali ban nahay isku dhiibtan, markad Nagu dhaxjirtan na Somaliland ban nahay sheegatan, labo isqaadata ma ahan. gaal waxba kuma taraayo inu ku lu,gooyo ma ahe ee dadkiina meel ka raaca

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 9

  12. muwadin somaliyeed says:

    noocaaga , taariikhda qaldan lagu shubay, hadaa is dhaheeso somalida kale idin leysay oo ad gooni isutaag ku doonesan, taasi wa been an lugo. laheyn maxaa yeelay dowlada ad somali land ku sheegtan iyadaba shacab masaakin taangiyo iyo hub waweyn ku garaaceso, taasi meynan ka dhigneen xasuuq…hadaad dimoqraadi sheegatan meynan ceeb idinku ahen inaad gtobolada sool iyo Sanaag ad udiidan inay codkooda iyo maamulkooda iyaga go,aansadan miyeenan ceeb idinku aheen…..jaahiliinta noocaaga ah allow wadada saxda ah tus

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 6

  13. somalimuryoley says:

    Walahi somali wa dag is hel tanke ben luska Sheen way somali waca qali att dalade adiga kor ka masul an hadan Lis civil walesiska magar somali la wan sid Sudan maxa u vira galt way hostat lakan kuvas wa galopp somali kan utopi tant gud kugg rinna felaktig driva Wikipedia ka jirata farten waye adiga lakan somali wa mild somali Gordon aminosyror la gen xun tas an ayatan wa sir waxan ansiktet majoren adiga Somalia ad Dagny wiki garnera somali inte mild tajt aminosyror ma mula falken San han lakan makalöst go kornet idé fula handha dan besvara calanka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  14. nabadjecel says:

    Qabiil ma noqdo qaran tas hala ogaado isaaqow umada idinla deganna ka daaya cabutinta

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 6

  15. noo somaliland lama aqonsanayo says:

    Tas cid ka ogolaneso malahan somaliya bey ka tirsantahay somaliland

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 6

  16. omar says:

    Waan ku faraxsanahay horumarka dhanka nabada iyo nidamka ka jira Somaliland ama waqooyi Somalia.
    Dad badan ayaa waxaad moodaa inay waxbadan isaga qaldanyihiin. Somalia Waa dal waligiis jiray, umadda somaliyedna waxay degtaa dhul aad u baaxad weyn oo kuyaal geeska Afrika.
    Dadka garaadkoodu tusiyay in Somalia ay aburantay 1888 oo ah markii ay gumaystihii cadaanka reer Yurub soo galay dhulkeena. Kadinba iska samaystay xuduudyo aan jirin oo jeebkiisa kala soo baxay oo lagu soo maleegay Berlin dalka Jarmalka. Taasoo ahayd qeybi oo xukun. Nasiib darra se way ku guulaysteen fikirkoodii
    maadaama hada dad somaliyeed ku doodaayaan caqli xumo meel laga gaadhay ay leeyihiin Somaliland wadan gooni bay ahayd oo Ingiriiskii ayaa inoo sheegay inoo sameeyana xuduuda.
    War balo kugu dhacdee dalka ma Ingiriis baa leh. Wuu yimid Wuuna baxay.
    hadii ay Somaliland go’aysana waxay utaaalaa dadka somaliyed. Aqoonsigana somalida dhexdeeda ayuu kabilaabanaya.
    Kama xumi laakin sida hada waxloo wado maahan wado wanaagsan. Wada jir ayaana ka quruxbadan kala go’a.
    Intaasi waa fikirkayga.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 8

  17. omar says:

    Yaa cadaw u aragtaa waa su’aalee?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  18. ahmednour says:

    Viva sonaliland. Isaaq waa rag badheedha. Waa nimankii afweyne barre oo somali ka wada baqato gaadhsiiyey in Negeria malaria ku disho. Waa niman nabadna yaqaan dagaalna yaqaan…… waa ninmanka duhur cad hindisay kala goynta somalia……. kuwa la dagana waxay qasab ku liqsiiyeen calanka somaliland…. hadaad jeceshiin iyo hadaad necebtihiinba isaaqu waa powerka somali. Waana 90% in somaliland. Waxay rabaan uunbaa soconaya. Aragtaye maxaad odhan. Ma ishaad wax kaga tari…….

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  19. somaliweyn says:

    yan lagaa maMaqlin isaaq iney siyad bare kursiga ka ridey war iska ba daa iney isaaq siyaad Barre rido xitaa makhir meydan gaarin markaasaad anaga nala iimaneysaa war siyaad umada soomaaliyeed oo dhan ayaa wada nacbaa ayagoo dhan ayaa wada ridey hadana wey ixtiraamaan waayo waa geesi aan marna kasii jeesan cadowga idin naas nuujiyey oo xabashaka itoobiyaanka ah oo markey aragtey awooda ciidamadeena xooga dalka oo aan ku amaanaayo mudada yar ee soomaali galbeedka Kala wereegeen iyo qibrada eey lasoo baxeen waar siyaad bare kahor calankaasi mooyee dadka soomaliyeed sharaf aduunka Kama leheyn waar nin aad ku tilmaameysaan afweyn waa ninka afrika oo lagumeysanaayey Kala bar xureeyey oo dhaqaale iyo ciidamo ugu deeqey waa ninka dadka soomaaliyeed sharaf iyo karaamo ukeeney waa ninka madaxweyne dhan oo afrikaan ah oo weliba daadaasan jirey oo dhul balaaran ka heesteey ee dhulka NFD madaxweyne siyaad bare lugaha hoostiisi ku dul ooyey weliba oo ku yiri hadaadba dhulkaaga ugu balaarneed oo lagaa heestey mudo kooban ka soo ceshatey boqortooyo intaasoo sano ah dhisneed anaguna dagaal la’aan ayaan dhulkaaga isla had a kuu saxiixeynaa war dadkiinaa halka qabiil ku kooban ee taariiqa qaldan LA barey aaan idin sheegee soomaaliya 500sano ka hor boqortooyo ayaa ka talin jirey weliba soomaaliya oo dhan muqdiisho ayaa laga maamulan jirey taariikhdaasi waxaad ka heli doontaan waaba hadaad taariikh soomaaliyeed oo mideysan dooneysaan waxaa laga helaa 3wadan OK Kala ah masar turkey iyo China waana damada isticmaali jirey badweynta hindiya iyo bada cas waana wadamada ganacsi xoogan kulahaa walaalayaaloow dadkeenaan reer waqooyi galbeed waxaad ku qaraabataan siyad waa uu nalayay hadaa ma adinkaa Somali galbeedka oo weliba iyagoo dhulkooda ka cararey OK so galey waqooyi galbeed soomaaliya dadkaasi aad leyseen dad doomaaliyeed miyeynaan eheyn war xuduudaha beenta ah ee jarmal laga soo maleegey hadaad Dan moodeysaan adinkey idintaalaa lkn waxaad ogaataan dad muslim ah oo wllo is dhashey weliba a an Kala maarmin waaa dadka ugu xun aduunka iyo aakhiro ba hadiina lakala tegaayo ingriis iyo taliyaani ayaa nakala gumeestey laba wadan ayeynu Kala nahay midaasi waad ku qaldantihiin iskaba daaya adinka oo dadkiina ka go’eeysaan qaaradihi ayaa isku iimanaya waxaadna tusaale usoo qaadataan midowga urub iyo ruusha wadan ka ey isku heestaan oo midba dhahaya waa dhul ruushaan ah midna oranaya waa dhul yurubiaan ah marka walaaleyaal Kala goynta soomaaliya 1888kii ayaa laso maleegey waa inaad midaasi ogaataan mida kale waa inaad taariikhda madow ee leydin ku beerey niyadiina ka saarataa sida qabiilada kale we waqooyiga somalia degan oo aan marnaba aaminsameyn Kala goynta somalia ooo dhowr wado loosoo marey mida koowaad waa taa lugu guuleestey oo LA qeeb ka mid ah xabashada iska heesta midna calankiisa goiniga ah sita hada waxaa loosoo jeestey labada qeeb we isla jooga sidoo lookala jari LA somaliya alah umaqan horta siyaasi soomaaliyeed oo masiirka dadka iyo dalka ka fekerayaa ale ha inoosoo diro oo saamaaliya mideeya ilaahow adiga ayaan kaa Megen galnee allow dadkeena xumaatada iyo naceebka kawada saat

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  20. Mandella says:

    Asc walalayaal hadii somaliland aqoonsi heleyso maxaad ugu diideysaan. Looma baahno xaasidnimo somaliland meel dab ka shidan yahay any time ilama ahan ineey wax ku darsaneyso. Marka adigu wax noqon weysaye sii daa walaalaheena hadeey wax noqonayaan.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  21. MUUNA says:

    VIVA SOMALILAND KII DII DAYOW DILAAC WAA DAL JIRA RUNTII ……………………………..

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  22. said says:

    ahmednour,,,,,sotii afweynahad shegeysid dumar badan o isaq ciyaal kadaley xita adiga siyad bare ayaa kudaley ,nijas ayaa tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  23. said says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  24. samaroon waa aqoonyan nabad yaqaan says:

    AFLAGAADO WAA LA TIRAY: MAAMULKA SOMALISKA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  25. ahmednour says:

    Wixii cay ah waa xagiina…. anigu nin isaaq ah baan ahay oo dhaqan leh. Dhulka aan ka imid la isma caayo hadiise ragu is fahmi waayo rasaas baa afka la iska galiyaaa. Rag wax loo yeedhiyo kama dhalan. Damacayagu waa in u hirgalaa lamana hor istaagii karo. Kiii ina galeyr ee aad soo dirteen diric iyo googorad baan u xidhnay intaan saaxdheer ku qabaney……….. aaabow dooli cunow dad nool maa daahaaa……. raggii afweyne barre cuney baad kastuuumo wasakh badan oo galeyr xidhanyahay usoo dirteeeen….

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  26. Hassan Osman says:

    Walal taasi waa arin wanaagsan oo waxa kaliya ee Somaliland kamaqaniba waa aqoonsi, waxaan se ku mahadcelinayaa labada nin ee swedish ka ah ee iyagu isku xilqaamay inay somaliland qadiyadeeda udoodan oo ay dowladooda aqoonsi uga raadiyaan laakiin, midbaa iyaduna jirta waa inay somaliland madaxdeeduna kala qaybqaadataa oo ay lakulmaan parliamentary ga sweden kadibna ay ladoodaan oo ay ka dhaadhiciyaan in somaliland la aqoonsado kadibna ay shirkadohooda iyo baanankooduba iyo safaaradohooduba ka hawlgalaan somaliland, waa inuu madaxwayne siilaanyo iyo wasiirka arimaha guduhuba ay hawshaas hada ku dhaqaqaan oo intaanay kaba soonoqon shirka london inay soomaraan oo ay lakulmaan raiisal wasaaraha wadanka sweden iyo barlamaanka wadankaasi,,,,,,,,

    Alaaa mahadle

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  27. Abaas says:

    Aqoonsi haduu saas ufudud yahay waa la argi donaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  28. Abubakr says:

    Asc wr dhamaan dadka jecel kuna faanaya iney Somali yihiin uuna Illaahay u doortay iney Somali ahaadaan waliba dad Muslimiin ah. waxaan dardaar usiinayaa ineysan hilmaamin Islaamniadooda hadii walaaltinimadii Somali la diiday !!!!!! balse waxaan ka baqanayaa inaad calan LAND LAND ku qoran tahay lasoo baxdaan maalinta QIYAAMO.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  29. abdi s s k says:

    Markaad sweden ama yurubta kale iska dhiibaysaan yaa soomaliya ayaad dhahdaan markaad cabaar joogtaana somaliland ayaad la soo istaagtaan waryaa aan kala xishoono soomali ayaan wada nahaye hadiii kale guri kaste bolis ayaan idinkugu keenaynaaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  30. ahmednour says:

    Abdi ssk…… somalinimadu waa u dhalasho. Waad ogtahay djabouti. Kililka 5aad iyo nfd intuba waa somali.hadana waa wadan gaar ah. Sida raga u hadal. Anagu somalilanders baan nahay boolis baad sheegeysaaye habar yartaaa noo keen. Xataa raisal wasaraha swdeden noogu yeer. Askar baan yeedhi rag kaa dhicin meyso soo baro afsomaliga. Dooood la imow.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  31. Real Somali Man Who Love All Somalis says:

    JIMCAALE waxaad garan wayday cadaawada aad u qabto Somaliland si aad usoo bandhigto oo kale Ninkan ma necba Muslim hadii uu u doodayo in Somaliland la aqoonsado taa micnaheedu maha inuu neceb yahay Muslimka. Jooji Wajiga Puntlandese-ka ee aad la soo baxdo marmar sxb. anagu waan naqaaanaa swedishka waana aqrinay wuxuu soo qoray Somalilandna way ka mudan tahay in la aqoonsado falastiin. Wax kale iska daa ee Doorashooyinka ka dhaca somaliland ayaa cadayn u ah. falastiin madaxweyne si xor ah loosoo doortay ii sheeg??

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  32. hanad says:

    somaliland waa dal jira oo madax banaan dadkiisuna jecelyihiin dowladnimada ninkii dadaalaa meesha u hiigsanayo waa gaadhaa runtii shacab ahaan ma nihin dad calool xun oo xaasida dadka kale ee walaalahayo ahna waxanu jecelahay inay sidan oo kale noqdaan waayo horumarka turkigu ka wado somaliya kama naxno ee waa ku faraxnaa …weriyaha sxb sidaad hadalka u dhigtay hadaan eegay waxaad tidhi nin muslimka neceb ayaa u doodaya somaliland somaliland miyaanay muslim ahayn hadalkaaga sax

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  33. somaliland girl says:

    waa waar farxaad uleeh umada somalinaders kaa ah waana waxaay u shaqaysteen una samrayeen mudo dheer waxaan leyahaay umada reer somaliland halkaa kasi wada dadalka waxaynu hayna jiidkii aqonsige guul for ever somaliland

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  34. ahmed aden dacwo says:

    waa in laga hadlaa midnimada umada ee maaha in laga hadlo kala tag gaalna wax kuuma haayo ee halaga fikiro midnimada umada soomaliyeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. sumaya says:

    ascw horta anigu wan yabanahay weligay ma arag dad islam ah oo galnimo iyo yuhuud ooo alle nacaladay sheganaya waxan weydinaya dad kan isku shegaya somali land su aal islanimadi ma yuuhud ayad ka doraten sababta nin kan galka ah oo necayb ka islamku ku dhehanyahay u hadlayo wa tan ad shegaten oo tiriahden somali laand reer binu israel aya aqansatay hadana ad u shegaten in aad waloolo tihiin lakin taa waxan orankara wa nasiib daro uso hoyatay dad ka somaliyed nin umad sidaas ah ku jirto ma fileyn tan labad dhulkan ad sheganeysa wa ardi somal waayo micnaha wa dhulki somaliya walle dhulka somali aya iska leh somaliya somali ba leh somali nin ki didaya dibada ha uguro allena ha idin hadeyo somali land na wax mayalin ee iyagaba guryaha isku aas ee dhibta somali wa laqaban ee wan lashegey bo ooda wa qarsanaya sorry illahay shacabka somaliyed meel kasta u jogo ha ugar gaaro amiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  36. ahmed gio says:

    Somaliland rer binu isreal hadaa yihiin udoonta aqoonsi isreil waa caadiyee kkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  37. somalilanders says:

    asc marka hore mar labadka ninkii iska hadlay
    isagay u taala sxbayaal somaliland iyo somalia
    waa laba wadan oo kala ogay 24sanno ka hor
    somaliland alle iyo umadeeda ayaa ictiraafsan
    se laakin horta in lays caaya ma fiicna ninkaaaga somaliland
    ku sheegaya reer binu israil waa wax laga xumaado kelmadaas aad ku leedahay dad muslima
    oo aad diin dhaqan iyo afba wadaagtaan se anaku caaytami mayno
    ee somalia markay nabad soo noqoto ee iyaga dhexdooda soo
    heshiiyan ayaa talo taala ama wada hadal se somalia oo
    maanta wadankeedi ciidamo kale ilaalinaya oo wadankaagi lagu
    ilaalinayo inaad wadan isku filan oo horu mar gaadhay ciydaa waa wax lala yaabo
    mida kale mahmah somali ah baa waxay tidhaahda maroodigu takarta saaran ma
    arkee ta midka kale saaran ayuu arkaa markaa somalia markay taas ka soo
    baxdo ayuu hadal yaala inta ka horaysa iska hadla adeerayaal cidna somaliland dawladnimadeeda ma hor istaagi karto……….byy

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  38. macalin cali says:

    War hedha aniga land land ma iqano waxlacuno miya.aqoonsi ay kuwaalataa duurjoogta weydiiso kuwaasaa kuuhaayee.maxasa la aquunsadaa waa dad wadafaqriyeh.gobalada aysheegayaan 20sano nabad baa kajirtay hadana dadka biyo la aan cunta laan u dhimanaayeene .waa kuwaan meelwaliba tahribka uga jira meel walibana kudhibaateysan .jaad iyo qamri kaliya yaqanaan nt another yaa rumey kusheega aniga maba rabo walee kuwaa in dhalookeno whyo waxawaliba koofurta somali kuhaysanaa alx balse waxan ugahay inaad luguhina ku imaaneysiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. SOMALILANDER says:

    SOMALILAND WALIGEED SOMALILAND AYAAY AHANAYSA ISKA HADLOOW ISKA HADAAL

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  40. baarliin says:

    Muslim iyo islam, sunna. ayaan u arkaa cadow.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0