Swedishka dhaladka ah oo cunsuriyad darteed isaga qaxay xaafadaha soo galootiga

Wargeyska Expressen ayaa warbixin dheer ka diyaariyay cunsuriyada lagu hayo dadka dhaladka Swedishka ah. Inta badan cunsuriyada marka laga hadlayo waxaa xooga la saaraa dadka soo galootiga ah ee ay cunsuriyeeyeen Swedishka balse sheego kasta labo dhinac ayay leedahay, iyadoo wargeysku uu soo bandhigay in ay jidho cunsuriyad weyn oo dadka soo galootiga ah ay ku sameeyeen kuwa Swedishka ah.

Wargeyska ayaa tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah dadka ku nool xaafada Seved ee magaalada Malmö, halkaasi oo Swedishkii deganaa ay isaga qexeeen  maadaama ay u adkaysan waayeen cunsuriyada iyo naceybka joogtada ah ee lagu sameeyo. Dhibaatooyinkaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyaan dhalinyaro careysan oo soo galooti ah, kuwaasoo erayo aflagaado ah iyo gacan ka hadal intaba ku sameeya dadka Swedishka ah.

Qaar ka mid ah dadka Swedishka ah ee la wareystay ee wali ku nool xaafadaha soo galootiga, ayaa sheegay in ay si joogto ah ula kulmaan naceyb ka dhan Swedishka, isla markaana xitaa qaarkood ay bilaabeen in ay iska dhigaan soo galooti si aan loogu malayn in ay Swedish yihiin.

Ficilada ay ku kacayaan dhalinyarada soo galootiga ah, ayaa lagu micneeyay mid ku dhisan carro ay ka qaadeen dowlada Sweden iyo xaaladooda guud ee shaqo la’aanta iyo in aysan haysan fursadaha ay haystaan dadka Swedishka ah.

Xaafadaha soo galootigu u badanyihiin ee sida Rinkeby Stockholm, Angered Göteborg iyo Seved Malmö ayaa ah kuwo Swedishkii deganaa ay isaga guureen taasoo ay soo galooti badani cabasho ka muujiyeen balse marka aad akhrisato mowduuca ay Expressen ka qoreen arintaan ayaa la fahmi karaa sababta ay dadkaasi isaga guureen maadaama lagu sameeyay naceyb aan loo adkaysan karin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Matii says:

    Umada aad la nooshihiin buuqa iyo qalalaasada halaga joojiyo hala sabro

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  2. Ahmed gurey says:

    Waa arin dhab ah in dadka so galootiga ahi ay dadka wadankan faquuqaan waxa kale oo dhab ah in dhaladkuna so galootiga faquuqaan lakiin waa labo waji oo kala duwan dadkeena qaxootiga waxaa nagu badan gacan ka hadalka dulqaad yarida aqoon la,aanta iyo af xumada halka iyagana ay ku badanyihiin so galooti eersiga hadii nolosho ku qawadantu isir nacaybka iyo qabka iyo dad la milan yarida guud ahaan dhibaatada ugu weynina waa kala hida duwanaanta

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  3. Abdikadar says:

    Swedishku waa dad Aad u wanagsan inta badan nooguna soo dhaweyay gacmo furan markaas waxan ku baaqayaa in ixtiraam gaar ah loo mujiyo loona dulqaato kuwooda cunsuruyiinta ah sababto ah waxaa ka badan intooda wanagsan
    Dhalinyarada soogalootiga ah een ka midka ahayna waxaan ugu baaqayaa wax walbood tabanaysaan dariiq loo maro ayuu leyahay ee ficilkiina cunsurinimo haku muujinina

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. luul says:

    asc
    wargeyska laftiisa ayaa cunsuriyada wada mar marsiimo looma baahna weligood ayey swedishka ka guuri jireen xafadaha soo galootigu ku bataan sababtuna wexey tahay jir naceyb iyo in eysan ciyaalkooda u rabin in ey soo galootiga dhexgalaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  5. Abdiraxmaan says:

    Kkkkkkk
    Arintaas waa xaqiiq jirta oon la inkiri karin
    Horaa loo yiri rag is guraaya.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Hakaba says:

    Markey leeyhiin fursadaha dadka swedeshka heestaan anaga MA heysano maxaa ka mid ah fursadaha qofka swedeshka u gaar tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0