Swedishka oo doonaya in uu boqorka is casilo

1

in ka badan 63% dadka Swedishka ah ayaa doonaya in boqorka dalka Carl XVI Gustaf uu is casilo oo u boqornimada ku wareejiyo gabadhiisa Victoria sida ay soo bandhigtay afti uu aruuriyay wargeyska Aftonbladet.

Aftida ayaa la qaaday ka dib markii uu waqti dhow soo baxay buug ka sheekeynaya nolosha boqorka oo lagu soo bandhigay in uu la tuman jiray haween da yar.

Gabadha Victoria ayaa ah mida ugu weyn uguna caansan qoyska boqortooyada Sweden.

Ka sakoow dalabka dadka ee ah in uu boqorku is casilo, hasayeeshee dadka Swedishka ah ayaa taageero weyn u haya boqortooyada lafteeda oo aan dooneyn in guud ahaan laga taqaluso. Ayadoo ay tahay wax ay ku faanaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here