Swedishka oo ka barakacay xaafadaha soo galootiga

Cilmi baaris ay sameeyeen quburo ka tirsan Jaamacada Uppsala ayaa lagu soo bandhigay in dadka dhaladka Swedishka ah aysan jeclayn in ay degaan xaafadaha soo galootiga.

Cilmi baarista oo uu sameeyay Machadka Cilmi baarista guryaha iyo magaalooyinka (Institutet för bostads- och urbanforskning (IBF) ayaa lagu sheegay in xaafadaha ay soo galootigu ku bataan in Swedishku ay bilaabaan in ay isaga guuraan, isla markaana ay ka dheeraadaan xaafadaha ay soo galootigu ku badanyihiin.

Arintaan ayaa dhalisa kala qeyb sanaan bulshada ah taasoo keenta in xaafadaha soo galootigu ay ku yaraadaan shaqooyinka, adeegyada bulshada iyo xitaa waxbarashada. Caruurta ayaa iskuulada ku liidata xaafadaha soo galootiga sida lagu sheegay warbixinta.

Iyadoo soo galootiga lagu eedeeyo in ay bulshada iska soocaan ayaa cilmi baaristaan laga dheehan karaa in Swedishku ay masuul ka yihiin abuurida xaafadaha dhibaatada badan ka jirto ee soo galootiga sida Rinkeby iyo Rosengård maadaama ay iyagu isaga guureen.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Saredo says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 10

  2. Killen från Borlänge says:

    Marti ayaan Dalkaan ku nahay waxaana nala gudboon , in aanan bulshadaan MARTIDA u nahay aanan dhibin.

    Xaafaha soo galootiga haddaad dhex marto waxaa arkee , mararka qaar , ilmo banooni/ kubad ku dheelaa badhtanka LAAMIGA .
    Waxaa arkee , dad xayn xayn u taagan jidadka waana laga habboonya . Qof laga yaabo inuu CEER ku noolya inuu sidaa u dhaqmo, xitaa iska daaye soomaalida weliba raga waxaa arkee , maqaayado Swedhsih leeeya inta la tago iyadoo lagu sheekaysanaa oo SIYAASAD laga dadkii ayaana KURAASTII laga BUUXINAA , oo maqaayadii ayaa la beec xiraa , xitaa waxaan arkay maqaayado sidaas sidii rag soomaaliya ugu wadeen , miiska in la fariisto waqti cayiman ka dhigay oo dhahay 30 minut ka badan ma fariisan kartid meeshaan !!!

    Xaqiiqdii CEEBAHEENA haddaan dib u eegno , in nagala ag GUURO gar ayaa loo leeya , waxaa arkee mararka qaar guriyaa dhalinyaro soomaaliyeed isugu imaanee , waa saq dhexe waa maalin lama kala OGA , BUUQ ayaa lagu jiraa , jaran jarada haddii laga sii degaa , midka daba sedexaad saaran kan koowaadka sii maraa ayuu la hadlaa iwm.

    Ma yara qaladaadkeenu ee aan isi saxno , InshAllah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 1

  3. ismail says:

    aniga waxeey ila tahay in aan wax iska sheegin waayo dhibaatada na haaysato mahn mid aan inta ku bilaawnay waayo meelkasto aan joogno sidaan ayaa naloo dhibsadaa waxaan leeyahay ilaah haloo dhawaado oo hana leeysku duceeyo in uu ilaah nawada hadiyeeyo hadeeyno nahay somaali

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  4. KHAYR SHEEGE. says:

    WAXAABA TAA KA DARAN, DADKEENA SOMALIDA MA FAHANSANO, WAXBA DADKAAN ISWIIDHISHKU WAA DAD AFGABAN OO AAN BUUQA IYO HADALKA BADAN JECLEEN, KA DARANE WADANKAN WAXA U BADAN DUMAR WAXA SHAQEEYO, MAALIN DHOWAYDA WAXA DHACDAY MAGALADAN DAGANAHAY AYAA WIIL DHALINYARO AH SOMALI U TAGAY ISBITAAL GABADHII, ISBITAALKA HADAY SOO DHAWAYSAN U QOSOSHAY INAY RABTO AYUU U FAHMAY, AKHIRKII GABADHII WAXAY U SHEEGTAY INAY LEEDAHAY BOY FRIEND LAKIIN AY ULA QOSLAYSAY MADAMA UU PATIENT YAHAY INAY NIYADA U DHISTO, MARKAA WAA KADEED RUNTII, WAXAAD ARKAYSAA SOMALI TELEFOON KU HADLAAYA WADADA DHEXDEEDA OO AAD MOODO INUU KU HADLAAYO FOOMIYE QAYLADA. YAAB.COM

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. Somali dhab ah says:

    Calaa ayi xaal somali hadaan nahay aan wax iska badalno oon ku dadaalno inaan laqabsano wadankaan aan ku noolnahay oon dhexgalno inagoon diinteena iyo dhaqankaba ka tagin taasna waxaa ugu horaysa luuqada oon si fiican u barano war hooy ka faa’iidaysta waa fursad qaali ah wax barasho bilaash ah ogowna inaad safiir ka tahay wadankaada waxad samaysana uu magac u noqonayo bulshada oo dhan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. zamzam says:

    soomaali yeey is widhish ka daayee aniga xitaa wan ka carara meel soomali joogto waayoo soomaali da waxa kujira dad wax ma garato ah oo aan xush mad leheeyn xitaa markaan guriga jaranjaradii sa kusocono waxan nahay kwo iska buuqaa inagu malihin sverige amaba swedan ee aan is qabano koleey waa iga waano midaas ra, yi ahaan teedaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. Masago says:

    Kaguuro ma.ahee yaan waagu idiinkugu baryin,gurya la,aan aaba nadishe e tolow guryaha mafuqsadonaan mase

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. same says:

    masago) xawayaan adoo kalaa dadka ku dhex jira ee illaah adiga iyo noocaaga somali haka saaro whyo qofka xalaashaa dariska waa xaqdhowraa dadkad leedahay wagu yuusan idiin baryinna wadanka ayagaa leh ee ivanderarayahow dadka wadankooda qaska kala bax kaagad soo gubtoo moryan ku aheede illaahay ku cadab aqira iyo aduunba dufoow

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. farhan says:

    qoaxxonti ayad ahaydeen kadib idinki aya hada is nacay waa yaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Massago Till Same says:

    Saas ooo dhan xaad iigu canaanahee eboow xaan ba,shay kaftan lee kawaday ee wax lahar sxboow tan kale wadanka lama kala leh Wa,ardulaahi Waasicatun Ayaaa allah yiri waaloosoo kala horeeyay ee lama kala leh. Invandrara,raha wax soo galsho aya uga xaq leh kan u dhashay oon waxba u qaban wadanka marka waxaan aaminsaahay 100 u dhalatay oo ka liidato soo galootiga aa jirto waa qofba say iska dhigto ee dhilka hanagu jiidin adugu. Lkn boorta maha ku qoran waxaw tilmamaaaa Ringeby halah dagan ayna u taal sheekada ee anya adiga aan kadhax baxno hadaana daganeeyn xaafadaas asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. mohamed osman says:

    saas maha xaad malaha e skadhafa wa ceeb saas ma aha
    wa ardulaahi waasican

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0