Swedishka oo la sheegay in ay yihiin dadka ugu farxada badan qaarada Yurub

2

Cilmi baaris uu sameeyay ururka Midowga Yurub (EU) ayaa lagu soo bandhigay in dadka Swedishku ay yihiin dadka ugu nolosha farxada badan qaarada Yurub. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay in Swedishku ay aaminsanyihiin in soo galootigu faa’iido fiican u leeyihiin dalkooda.

Macluumaadka oo laga soo ururiray dhamaad 28 wadan ee ka tirsan Qaarada Yurub ayaa dadka Swedishka 97% waxay ku jawaabeen in ay noloshooda si fiican ugu qanacsanyihiin. Halka 91% ay ku jawaabeen in soo galootigu faa’iido fiican u leeyihiin Sweden.

Swedishka iyo waxa ay kala jeedaan in ay noloshooda ku qanacsanyihiin ayaan ahayn mid waadix ah maadaama wadankaan uu yahay mid xirxiran oo dadku aysan sidaa u furfurnayn balse quburada ayaa ku tilmaamtay in ay tahay guud ahaan heerka nolosha iyo in dadka Swedishka ay aaminsanyihiin in qofkasta uu noloshiisa masuul ka yahay. oo haddii uusan noloshiisa ku qanacsanayn uu isaga eeda leeyahay.

Dhinaca fikradaha ku aadan soo galootiga ayaa Sweden tahay wadanka ugu aragtida fiican marka laga hadlayo waxtarka soo galootiga. Wadanka Luxemburg ayaa 2 ah kaasoo dadku ay 79% aaminsanyihiin in soo galootigu faa’iido leeyihiin, halka wadamada kale ee Yurub ay tiradu isku celcelis tahay 48%.

Maadaama wadanka Sweden ay ka jidho shaqo la’aan ba’an oo haysata soo galootiga iyo cunsuriyada oo sii kordhaysa ayaa ah mid lala yaabo in Swedishku ay aragti wanaagsan ka qabaan soo galootiga. Taasi ayaa lagu micnaynkaraa mid afka keliya ah oo aan uurka jirin maadaama aysan doonayn in lagu tilmaamo cunsuri.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here