Swedishka oo noqday dadka ugu soo galootiga jecel guud ahaan qaarada Yurub

7

Afti ururin laga qaaday shacabka ku nool wamada Midowga Yurub ayaa lagu soo bandhigay in shacabka Sweden ay yihiin kuwo aragtida wanaagsan ka qaba soo galootiga. 72% shacabka Sweden ayaa muujiyay in ay aragti aad u fiican ka haystaan soo galootiga ka imaanaya wadamada ka baxsan qaarada Yurub.

Swedishka ayaa u muuqda in ay yihiin kuwo si qaas ah uga diwan shacabka kale ee Yurub, iyadoo wadamada kale ee ugu dhow aragtidaan ay yihiin wadamada Croatia iyo Spain oo shacabkooda 48% ay muujiyeen in ay soo galootiga aragti fiican ka haystaan.

Isku celcelis shacabka Yurub ayaa muujiyay in 57% ay ka soo horjeedaan soo galootiga. Aragtida guud ee shacabka Yurub ayaa u muuqata mid ka soo horjeeda soo galootiga balse Swedishka ayaa iyagu ah kuwo fikrad kale ka haysta. Sababta ka dambaysa aragtida wanaagsan ee Swedishku ka haystaan soo galootiga ayaa waxaa sharaxday Marie Demker oo siyaasada ka dhigta Jaamacada Göteborg.

“Waxaan la qabsanay soo galooti fara badan, waxaana aragtay faa’iidada ay leeyihiin. Qaxootigu marnaba ma noqon arin weyn oo dood ka abuurta siyaasada Sweden” ayay u sheegtay wakaalada TT.

Shacabka wadanka Latvia ayaa noqday kuwa ugu soo galootiga neceb guud ahaan qaarada Yurub. Iyadoo 16% oo keliya ay muujiyeen aragti fiican oo ku aadan soo galootiga.

Hadaba su’aashu ayaa ah in la aamini karo aftidaan maadaama sanadihii dambe ay Sweden ku soo bateen cunsuriyiinta isla markaana dooda ku aadan soo galootiga ay cirka isku shareertay. Haddii ay saxtahay aftidaan ayay tahay arin dhiiri gelin leh balse waxaan ka cabsi qabaa in Swedishku aysan xaqiiqada ka sheegin fikradooda iyadoo ay dhacdo in Swedish badan ay fikrad wanaagsan muujiyaan marka wax laga waydiiyo soo galootiga, si ay uga fogaadaan in lagu tilmaamo cunsuri balse qalbiga ay uga jidho fikrad kale. Sidee u aragtaa adigu?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here