Swedishka oo ogaaday in Afrikaanka keliya aysan gabdhaha gudin

Gudi ay dowlada Sweden u xilsaartay in ay warbixin ka keenaan tirada gabdhaha la guday ee ku nool Sweden ayaa shaaciyay in ay ogaadeen in jinsiyadaha gabdhaha la guday ay ka badantahay midii horay loo aaminsanaa. Guud ahaan 42 000 oo gabdhood oo nool Sweden ayaa gudniinka lagu sameeyay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 47% ka mid ah gabdhaha ka soo jeeda wadamada Iraq, Iran iyo gobolka Kurdistan ay gudanyihiin. Gudiga ayaa sheegay in taasi ay tahay mid aan horey loo filayn. Swedishka ayaa u muuqda kuwo aaminsanaa in wadamadaas aan gudniinka laga samayn balse hada ayay ku soo baraarugeen arintaan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in waalidiin badan oo ka soo jeeda wadamada kor lagu xusay ay gabdhahooda soo gudaan inta aysan Sweden magangalyo ka dalban.

Gudniinka gabdhaha ayaa Sweden dambi ka ah ilaa sanadkii 1982. Balse ilaa iyo hada 2 qof oo keliya ayaa maxkamad lagu saaray dambiga gudniinka gabdhaha.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. MAXAA INALA GUDBOON? says:

    1. MA XALAALBA IN DUMARKA LA GUDO MISE WAA XAARAN?
    2. ILAHAY MA WAAJIB AYUU KA DHIGAY IN DUMARKA LA GUDO MISE INAMA FARINBA?
    3. CULIMADA DIINTA ISLAAMKU MAXAY KA QABTAA MA SHIRCIBAA MISE WAA SHARCI DARO?
    4. ILMAHA LA GUDO CAFIMAAD AHAAN MAXAA KASOO GAADHI KARA?
    5. MUSTAQBALKA SAMAYN INTEE LEEG AYAY KU YEELANAYSAA XANUUNKA GUDNIINKU?
    SU AALAHAAS OO DHAMI WAA MID U BAHAN IN LAGA FAKARO INTA ANAD ILMAHAAGA KULA KICIN FALKAN AH GUDNIINKA, WAA IN MARKA AAD SU ALAAHAS JAWAABTOODA AAD HESHO AYAAD OGAANAYSAA IN AY HABOON TAHAY INAAD ILMAHAAGA GUDO IYO INKALE.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1