Taageerada xulufada dowlada oo aad hoos ugu dhacday

3

Haddii maanta doorashada Sweden la qaban lahaa ayaa xulufada dowlada si weyn looga adkaan lahaa. Afti baaris cusub oo ay samaysay shirkada SIFO ayaa soo bandhigtay in guud ahaan cododka ay helayaan xisbiyada ku mideysan dowlada ay tahay 36% oo keliya, halka mucaaradka ay taageeradooda gaadhay 52,8%.

Xisbiga Centerpartiet ayaa qaasatan dhulka galay iyadoo ay u muuqato in uusan baarlamaanka gali doonin doorashada soo socota. xisbiga ayaa helay 2,8% oo keliya, taasoo ah cododkii ugu yaraa ee ay helaan.

Taageerada hoos u dhacday ee xulufada dowlada oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada kala ah Moderaterna (M), Folkpartiet (FP), Centerpartiet (C) iyo KristDemokraterna (KD) ayaa muujinaysa sida aysan shacabka Sweden ugu qanacsanayn shaqadooda.

Dhinaca kale, xisbiga cunsuriga ah ee SD ayaa helay 9,5%.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here