Taariikhda biladaha Nobel iyo ninkii aasaasay

Maanta ayaa la shaaciyay cida ku guuleysatay bilada Nobel Peace Prize oo qeyb ka ah biladaha Nobel ee la siiyo dadka aduunka ku soo kordhiya nobelwaxyabaaha muhiiimka. Bilada nabada ayaa sanadkaan waxaa la gudoonsiiyay urur ka shaqeeya burburinta hubka kiimikada oo lagu magacaabo The Organisation For The Prohibition Of Chemical Weapons (OPCW) oo xaruntiisa tahay magaalada The Hague,  ee wadanka Netherlands.

Biladaha Nobel waa kuwo aad caan uga ah caalamka, oo loo aqoonsanyahay bilida ugu qiimaha badan caalamka. Laakiin maxaad ka taqaanaa ninka abuuray biladan? Alfred Bernhard Nobel waxa uu ku dhashay Stockholm, Sweden 21-kii Oktoobar 1833. Waxa uu ahaa nin Iswiidhish ah oo ahaa Saynisyahan, Injineer, Hal Abuure, Nin hubka sameeya iyo asagoo alifay maadada laga sameeyo qaraxyada.

Waxa uu ahaa milkiilaha shirkada Bofors oo ahayd shirkad wayn oo hubka sameysa, taas oo uu horey uga soo badalay warshad sameysa birta.

Dardaarankiisii ayuu ku dalbaday sameynta Biladaha Sharafka Nobel Prize taas oo asaga loogu magacdaray.

Alfred Nobel waxuu Maraykanka waxbarasho u tagay markuu jiray 18 sano isagoo bartay maadada Kimistiriga. Aabihiis nin warshad leh ayuu ahaa, markuu ku soo laabtay Sweden oo ay burburtay warshadii aabihiis, Alfred waxa uu waqtigiisa siiyay barashada qaraxyada. Qarax weyn oo ka dhacay warshadiisa 3 bishii september 1864 ee ku taalay Heleneborg  oo ka tirsan Stockholm ayaa waxaa ku dhintay 3 qof oo uu ku jiro walaalkiis.

Alfred Nobel ayaa sidoo kale ku hadli jiray 6 luuqadood oo kala ah Iswiidhish, jermal, Faransiis, ruush, iyo talyaani.

Alfred Nobel ayaa go’aanka in uu sameeyo Biladaha Nobel gaaray ka dib markii walaalkiis ku dhintay Faransiiska, ayadoo 170px-AlfredNobel_adjustedwarbaahinta Faransiisku qoreen in uu ganacsadihii dhimashada geeriyooday.

Aasaaskii bilad sharafka Nobel Prize waxa uu ahaa 1895, ayadoo Alfred Nobel uga tagay dhamaan dhaqaalihiisii oo gaarayay ilaa 250 milyan oo dolar .Ilaa 1901 bilada ayaa waxay sharaftay rag iyo dumar aad horumar uga sameeyay xaga Fiisigiska, Kimistriga, luuqadaha, nabada iyo hada oo lagu daray dhaqaalaha.

Qofkasta ee la siiyo bilada ayaa waxa la siiyaa bilad dahab ah, shahaado iyo lacag khadar keedu kala duwan yahay. Lacagta la bixiyo sanadkasta waxay ku xirantahay lacagta soo gasha Hay’ada Nobel, sanadkii 2009-ka waxaa la bixiyay 10 milyan oo karoon (1.4 milyan oo dollar).

Biladaha Nobel ayaa waxaa bixiya machadyo kala duwan sida Machadka Sayniska ee Boqortooyada Sweden (Kungliga Vetenskapsakademien) oo bixiya Biladaha Fiisigiska, Kimistiriga iyo Dhaqaalaha.  Jaamacada Karolinska ayaa bixisa Biladaha Caafimaadka, sidoo kale Akadamiyada Sweden (Svenska Akademien) ayaa bixisa Bilada Luuqadaha. Bilada Nabada ee Nobel Peace Prize ma bixiyaan machadyada Sweden ee waxaa bixiya Gudiga Nobelka ee Norway.

Sida uu amray Alfred Nobel xubnaha Hay’ada Nobel ayaa la doonayaa in ay ka koob naadaan 5 qof oo Iswiidhish ah ama Norway u dhashay, xafiiskeeduna waa in uu nokhdaa Stockholm.

ilaa 3000  kun oo qof ayaa loo doortaa in ay ka qayb noqdaan musharaxiinta biladaha Nobel sanadkiiba. Dadka loo magacaabo musharaxnimada looma sheego in ay musharax yihiin, magacoodana lama sheego. Doorashada qofka helaya bilada ayaa waxaa cod u qaada macaahida ay quseyso iyadoo qofka codka ugu badan hela uu helo bilada.

Xaflada bixinta biladaha ayaa ka dhacda magaalada Stockholm 10-ka diseembar sanadkasta. Xaflada bixinta bilada Nabada ee Nobel Peace Prize ayaa waxay ka dhacdaa magaalada Oslo ee Norway, ayadoo la qabto inta badan 10-ka diseembar sanadkasta.

Alfred Nobel ayaa geeriyooday 10-kii December 1896, isagoo ku sugnaa xaflad ka dhacaysa magaalada Sanremo, Italy.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. liibaan says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  2. salmaan yare says:

    sweden ka guur

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  3. dahir says:

    marka hore waan idiin salaamey salaan kadib dhamaan aqyarta webwaan idin salamey salan ka bacdi walaalkey liiban waa sidaas waayoabiil qaado iyo maxkamed waqti ayey kugu qadane fon cusub xareysoo ayaan ku dhihi lahaa teeda kale anigana talo ayaan asxaabta webka somaliska ugabaahnaa waxaan DNA marey mishii 6 ilaa iyo hada wax jawab ah maheeyo markasta aan waco DNA wuu islahadey lakin go aan lagama gaarin ayuu waqti badan iiga lumiyey sidas ay tahay maanta wuxuu ii keeney kiiskada qofkale ayaan ku waree jiyey qofkaas la xiriir qofkii lanbarkiis isii yey telfon ka oo dhan wuu dhacaa marka danbe wey daminee asxaabey maxaa talo ah ayaat isiin kartii taalo wa tii rabi waxaan ubaahanahay waa taladiina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. yaraan says:

    asc dhamaan muslimiinta meel kasto ay jogan qofka wata magaca salman waxan ku dhihi laha mar hadii aadba isku daydey inad fikirkaga ku cawaiso walalka waxa haboon in naftada waxa ay jaceshahey aad la jeclaato walalka wixii wanaagsan intaas ayan uga gaabsadey mida kale walalkey daahir waxa ila wanagsan inaad waydiiso sababta lagaga aamusan yahey migrationsvrktka si ay ku siiyan jawab aad ku qanacdo adoo xaq u leh in aad ogaato asbaabta keentay in jawab waqti intaas la eg sugto mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. cabaas says:

    asc aqyarta sharafta leh oo webkaan kukulma marka hore wan idin salamey bacdo salan sxb kiy daahir waxaa kugu talin lahaa bal in aad weydiiso sida wax ujiraan waayo jawaab intaas lasugo majirto sida aan umaleynaayo waayo dhiiga hadii isyeesho ugolaanshaha wuu la socdaa tan kale qofka labaad liiban sxb wax yar in aan ku weydiiyo ayaan rabaa DNA ma martey adi iyo xaaskada iyo caruurta hadii su aashada haa tahay abiil ka qaado maxkamada udirso ilaah ayaa wax bixiya hadii DNA aadan marin mid cusub soo xareyso inatas ayaan kugu talin lahaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. ar sxb anaga waxba nagama gaaliin ee maad noga warantiid siyabaha cunusiyad iyo siyabaha somalida wax ugu qabsomayaan intas wax an laa garanmyna baad ka shekaysaaye sxb cadi iska dhiig ban ku iodhi nagavdaa europe waxba nagama galine ka sheke bas wax muhimka no ah anaga bas sida dadka laa isku ogalanayo wax maamnuca ah plz websitka waa websit babaruujin raba ninkan ad ka shekaynaysana waa gaal so mahan galada naga islaamka ka sheke sida tarikhihi rasulken c.s.w ka sheke wax gaalo ah baad shegta intase ama muxadiro so qoro baa kaga ajar badan sxb meshanawax wax ku sheega waa wayday ee naga daa waxas ado akhiro dadka qurbaha ku halabay xasuusiya baa kaga si fcn tas xata sxb mahadsaniid inaad fikir kayga wax kafahantaad filayaaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. mowliid says:

    asc 2sano xaalku waa xun yahay ilaahay ha sahlo dahir migrationka kiiskaaga haya waa magaaladde halkeewse adiga lagaga soo xidhiidhaya anaa arintaasi igu dhacday tali ku siin laaha facebookgaaga soo qor mahadasnid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. daahir says:

    asc sxb mowliid waad mahat san tahay waxaan lee yahay fecabook cinwaan key waa daahir yare sxb meesha igala soo xiriir

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. liibaan says:

    dhamaantiin waad mahadsantiin daahir yaraan iyo cabaas talada wanaagsan ee aad iseeseen sxb yaal ninka salmaan isku magacaabay sxb guuritaanka aad sheegeysid noo biloow xoogaa yar ayaan kaa danbeeyneeynaaye waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  10. salmaan yare says:

    saxibow ciil ayaa iga keenay aan sweden u qabo bis xaaskega ii dedin marka inaa ka guro waaba ii qorsheysantahay sweden maxaan ku sameynaa dad caruur isku leh waa isku diden dadki singalka wa kaas xaalkooda allah wadankeeni nabad hanooga dhigo isagaa u danbeeynaa hantiyeey macaan waa mid aan hoy laga oran ilove my home

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. maandeeq says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7