Tacadiyada Ethiopia oo lagu soo bandhigay saxaafada Sweden

Ka dib markii xabsiga laga soo daayay wariyaashii Sweden ee mudada ku xirnaa Ethiopia, ayay saxaafada Sweden seefta galka kala baxeen. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa warbaahinta Sweden lagu soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah Soomaalida oo ay dowlada Ethiopia ka geysato dhulka Ismaamulka Soomaalida.

Telefishinka Sweden (SvT) ayaa soo bandhigay qisooyinka dad  ay kula kulmeen Kenya oo ka hadlaya jirdilkii ay u geysteen ciidamada Ethiopia. Waxay soo bandhigeen dumar si xun loo jirdilay isla markaana la kufsaday. Telefishinka ayaa soo bandhigay video xaqiijinaya arimahaas oo ka muuqdaan kuwa maamulka ka haaya gobolkaas.

Ma ahan telefishinada Sweden oo keliya balse telefishinka caalamiga ah ee Al Jazeera iyo BBC ayaa beryahaan dambe waday warbixino ku saabsan gobolka Ismaamulka Soomaalida iyo dhibaatooyinka lagu haayo dadka gobolkaas.

Labada wariye ee xabsiga laga siidaayay ayaa iyaguna balan qaaday in aysan arinta intaas uga hari doonin ee ay dadaal u gali doonaan sidii caalamka loogu bandhigi lahaa dhibaatoyinka lagu hayo dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Soomaalida Ethiopia.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Cabdirisaaq says:

    Adduunka waa ogyahay tacadiyada ay ku kacayaan WANYAALUHU/XABASHIDA maadaama dadku MUSLIMIIN yihiin waa argagixiso GUANTANAMO ayaa gurigooda ugu yimid ALLAHA xureeyo SOOMAALI GALEED & NFD.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  2. mucalim says:

    aad iyo aad ayaan uga xunahay tacadiyada lagu la kacayo shacabka aan waxba galabsan rer ogadenya makra lagaga owoodronaado gumaysatada etiopia goobaha dagaal ee ay jamhada wadaniga xoraynta ogadenya ee onlf iskaga hor imaan hayaan balse wax cusub mah markasta oo gumaysatada etiopia lajabiyo dad ka shacabka ah way kula kacaan tacadiyada nocan ookale ah guulaysta jamhada onlf iyo shacabka rer ogadenyaba iyo dhamaan umada somaliya melkasta ay jogan ba in sha alah waynu gulaysan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. Ababakr says:

    Asc wr JImcaaloow waxan ku dhihi lahaa inaadan ku reebin maamulka Somalida ee waxaa habooneed inaad tiraahdo dhulka Soalida ee Ethiopia xooga ku haysato ay dadkeeda qaar ay ka dhigatay mid iyaga u hogaansma iyo ay disho. si wax ma garan Somalida ah u ogaado iney dad iyo dhul uu ka maqan yahay walaalohooda la laayo mar walba. shurkan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Abshir says:

    waan ka xumahay in Somalida itobia maalin iyo habeen la dilaayo ama la kufsanaayo, laakiinse Somalia oo dhan ayaa xaalad adagi ka jirtaa ilaahay haka saaree. Hadda (xamar- muqdisho) waxaa maalin iyo habeenba ku dhalanaayo ilma ama ciyaal ay dhaleen askarta afrikaanka ah ee Somalia la keenay marka ilaahay duliga ina haysta ha inaka saaro Aamiin.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. fatima says:

    waaka xumahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. mukhtar says:

    waan ka xumaaday in dadka somalida ethopia dagan ee sidaa xun ay ula dhaqmayso dawalada ethopia waan canbaraynayaa waa wax loo dul qadan karayn iyo tacadiga loo gaysanaayo matida iyo dumarka iyo dhalinyaradaba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. NASRA says:

    allaahu akbar walee dumarka somaaliyeed dhamaantood ceelna uma qodna cidna uma maqno ilaahaybaanse lleenahay kuwii gumaystu haystana waa kuwaas kuwii kalana ragoodibaa bahal ala iskaga dhigoo ay ayaguna ku dhaex dhibaatoodeen illaahayoow naxariistaada ma un noofid adaan qaniyee allaah yaa samiiculbasiir yaa waxidul gahhar walaahi waan ooyaya makan arkay dhibaatada loo gaysanayo gabdhaas somaliyeed ee muslinkaaa galadunu sas u gashay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Maxamed-Amin says:

    Dowladda Iswedhen waxa ay ogaatay in xad gudub ka jiro Ogadenia markii saxafiyiin u dhashay wadankan lagu dhaawacay kadibna la xiray, marka lalama yaabayo in ay seefta kula dhacaan. Itoobiya uma ogola warbaahinta iyo hay’adaha gargaarka iyo kuwa xuquuqda aadanaha in ay galaan Ogaden si ay u soo arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulkaas aan waligii gumaysiga ka bixin. Inshalah anagana waan ku dadaalaynaa inta tabarteena ah in aan aduunka ku soo jeedinno Itoobiyo iyo beenteeda. Dadkaas waligood ayaa sidaas loo soo gumaadayey. Dadkaas runtii waa dad dhib u adkaysin badan marka la fiiriyo sida loo bahdilo ilaa iyo markii uu ingriiska iyo talyaaniga ay haysteen. Sidaas oo ay tahay hadana Soomaalida Ogadenia dhaqan koodii kama tagin, diintoodii kama tagin, afka amxaariga kuma hadlaan kuwa schoolada loogu dhigana way yasaan,.1996 aniga oo yar ayaan xasuustaa in aan darbiga ka boodi jirnay marka uu noo soo galo macalin dhiga xiisada luuqadda xabashiga taasna waxa ay ku tusaysaa in aan caruurtu xitaa ogyihiin in la gumaysto. Ma is dhex galno. ma is guursanno, marka isnshalh xaqeena hadda ayuu soo dhawyahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. faarax says:

    Yaab somalida ethiopia waxba dhib laguma haayo jimcaale hadaa adiga ka imaaday ama qaraabadaada ka imaaday ma ogi kkkkkkkkk iyo labada nin ee swidhishka ah ee xabsiga la galiyay , waayo somalida ethiopia waan ka xumaan jiray dhibkooda laakiin maanta maya maya maya waayo dadkaas somali maaha waa ethiopian waxaana la ogaaday markuu dhintay malez zanawi nacaalaa ku yaal malez iyo somalida ethiopia ee u ooysay waliba dhahaayay allaha u naxriisto gaalka weynaaday

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  10. abu qaalid says:

    ku was waa istahilan waxa karon oo ka naxaris badan ethiopia runtii anigaa leygu dhacay jigjigaa waa ku fican yahin daba dhilif xabasho lee ahaayen yan la dhihin somaali

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  11. Saleman says:

    Anagaaa ah somali christen ah, mana jeclin wixii kasoo horjeeda xaq qa. Males waxa uu noo ahaa madaweyneheena, waana jecelnahay,

    Somali muslim dhibka joojiya.

    Ilaahay idin cadaabyee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  12. geedi says:

    ar arka galkan galku dhay ilaay adoo ku cadaabaa insha alaah ee magaca wado saleman galka horaa somaali ayaa umaa mahadey oo waxee dire dameerki faras lamirto faras ayuu ismodaa wale hadaa gaalo lamitay walee cadaab ayaa ku sugee insha alaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. geedi says:

    ar arka galkan galku dhay ilaay adoo ku cadaabaa insha alaah ee magaca wado saleman galka horaa somaali ayaa umaa mahadey oo waxee dire dameerki faras lamirto faras ayuu ismodaa wale hadaa gaalo lamitay walee cadaab ayaa ku sugee insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. najmo says:

    waan ka xumhay wadankeena ilaahay ha noo ha gaajiyo itoobiya waa xaasid waxay wadaa aarsigii 77 kii

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0