Ma xasuusataaan Forserum? Waa tuuladii ay Soomaalidu isaga qaxeen

11

Weerarada lagu haayo jaaliyadaha Soomaalida ee ka dhisan Sweden ayaa cirka isku shareeray bilihii la soo dhaafay, iyadoo dhowr jaaliyadood oo Soomaalidu ku leeyihiin degmooyinka Sweden la weeraray qaarkoodna dab la qabadsiiyay. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday tuulada Forserum oo ka tirsan degmada Nässjö halkaasoo dhagaxaan lagu weeraray xafiiska jaaliyada Soomaalida ay halkaasi ku leeyihiin.

Tuulada Forserum haddii aad xasuusataan ayaa sanadkii 2012 waxay caan ka noqotay Sweden ka dib markii Soomaalida ku nool halkaasi ay go’aansadeen in ay isaga guuraan cabsi darteed, kuwii ku harayna ay caruurtooda iskuulada u diri waayeen, taasoo keentay in saxaafada Sweden ay si weyn wax uga qorto oo ugu dambeyntii xitaa ay booqdeen siyaasiyiin caan ah. Dadka tuulada ku nool ayaa xitaa dhigay dibadbaxyo lagu taageerayo Soomaalida. Balse waxaa muuqata in hada cabsidii ay dib ugu soo noqotay Soomaalida.

Mohamed Diiriye oo ka tirsan jaaliyada Forserum ayaa warbaahinta u sheegay in ay soo mareen labo sano oo wanaagsan balse hada ay xaalada sii xumaatay.

Dhinaca kale, waxaa isbuucii hore la weeraray jaaliyada Soomaalida ee tuulada Skillingaryd oo ka tirsan gobolka Jönköping. Bishii December ayaa sidoo kale la gubay masaajida Eskilstuna oo ay leeyihiin jaaliyada Soomaalida. Weerarada lagu haayo jaaliyadaha Soomaalida ayaa soo badanaya, iyadoo aysan muuqan hoos u dhac maadaam naceybka ka dhanka ah Muslimiinta uu ku soo badanayo guud ahaan qaarada Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here