Home Wararka Caalamka Magaalada Gävle oo dhoor qof lagu toogtay Xili Rabshado ka jiraan

Magaalada Gävle oo dhoor qof lagu toogtay Xili Rabshado ka jiraan

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Magaalada Gävle ee Dalka Sweden waxaa lagu toogtay dhoor qof iyadoo qofka u danbeeyay halkaasi lagu toogtay shalay oo Sabti  Aheyd.

Rabshadaha ayaa salka ku haya kooxaha Gangiska ee halkaasi ka jira waxana toogashada ka hor jirtay qof lagu toogtay banaanka hore ee laanta socdaalka magaalada.

Dhacdada u danbeesay ayaa loo xiray labo Qof waxana booliska uu aamisanyahay in arintan ay salka ku heyso Kooxaha Gangiska oo daroogada ka ganacsada.

Magaalada Gävle ayaa hada ka mid noqotay goobaha martigalineyso Rabshada kooxaha Gangiska oo dhawaanahan ka yaraaday dalka.

Baaritaan ay booliska sameeyeen ayaa muujinaya in Dilalka ka dhacay magaalada uu ka dhaxeeyo Xiriir.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here