Talooyinka caafimaadka oo Af-Soomaali lagu bixinayo

Dadka xanuunsan ee doonayo talooyinka caafimaadka ee qadka telefoonka ah  ayaa hada waxay heli doonaan turjumaano Af-Soomaali iyo Carabi ku hadlaya.

Qaasatan dadka ku nool gobolka Stockholms län ayaa marka ay wacaan nambarka 1177 waxay la hadli doonaan turjumaan Soomaali ku hadlaya oo marka qofka lagu xiro kalkaalisada caafimaadka u turjumi doona. Arintaan ayaa ah mid cusub oo tijaabo ah oo socon doonta ilaa bisha Febraayo ee sanadka cusub. Adeegaan ayaa si balaaran loo gaarsiin doonaa dadka ku nool xaafadaha ay soo galootigau badanyihiin ee Tensta, Rinkeby, Husby iyo Kista. Turjumaanada ayaa qadka ku jiri doona saacadaha u dhexeeya 8-22 isbuuca oo dhan.

Mashruucaan mid la mid ah ayaa sidoo kale laga bilaabi doonaa gobolada Skåne iyo Västra Götaland bisha December 3 kaasoo socon doonaa ilaa 28 Febraayo 2013. Haddii arintaan lagu guuleysto ayaa waxaa laga dhaqan galin doonaa gobolo badan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. falis says:

    jimacale salan kal iyo lab duuqa waa arin farxad leh masha allah lakin waxan la yabanahay dadka stockholm turjuban ma u bahan yihin afka weeyba naga badiyaane cajiiiiiiiiib stockhom lolz

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Falis dadka ugu badan ee dhibaatadu ka haysato luuqada Svenska waxay ku nool yihiin Stockholm, sababtuna waa in ay ku dhex jiraan bulsho weyn Soomaali ah oo aysan u baahan in ay xiriir la sameeyaan Swedishka. Stockholm waxaa ku nool dad wadanka joogay ka badan 10-20 sano oo turjumaan u baahan.

      Waxaaba la ogaaday in dadka cusub ay yihiin kuwa ugu firfircoon barashada luuqada.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  2. Muslima says:

    KKKKKK Walee masaa saa? Dadka da,da ah kaliyaa ayaa ubaahan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  3. anisa says:

    walalo salan sare horeta mida xiqta waxan ku waydi raba dadka ku nol camamka ee wali sharcii la sinin xaladoda maxa war laga haya tedakalee ma la oran kara mar dhow ayan la rafin raba mise wa xariga ku xajiya walal warka ado mahadsan ma igaso dhargin karta wcs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1