Talyaaniga oo soo saaray sharci xaquuq dheeri ah siinayana carruuraha muhaajiriinta ah

2

Dalka Talyaaniga ayaa wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaan in dowladda dalkaasi ay dhawaan meel marisay sharci cusub  kaas oo xuquuq dheeri ah siinayo caruuraha magangalyo doonka ah ee dalkaas codsiga magangalyo doonimo weeydiista.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in caruurha soo galootiga ah ee dalkaas ay heli doonaan xaquuq lamid ah mida ay heeystaan dalkaasi u dhalatay. Sharcigan ayaa sidoo kale waxaa uu yahay mid xaquuq siinaya carruurtaasi sida in ay helayaan daryeel caafimaad guud, tegi doonaana iskuuladda iwm. Waxaa sidoo kale ay carruurtani heli doonaan ama suuragal u noqonaya ineey helaan qof masuul ka noqda oo noloshiisa ka damaanad qaada.

Talyaaniga waxaa uu ugu horeeya dalalka Yurub ku yaala ee ay muhaajiriin badani soo galaan uguna sii gudbaan wadamada kale ee Yurub. Sanadkii hore waxaa dalkaasi codsi magangalyo weeydiistay dhalaan keli socod ah iyo carruuro gaaraya  magangalyo soo weydiistay 25.800. Inkastoo sharcigan cusubi yahay mid wax ka badali doonaa nolosha carruuro badan oo magangalyo doon ah hadana dalkaasi waxaa ka taagan shaqo la’aan baahan iyo dhaqaalaha dalkaasi oo hoos u dhacay, su’aashuse waxeey tahay sidee ayuu sharcigaan cusubi uga shaqeeyn doonaa dalkaasi?

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here