Telefishinka SVT oo doonaya in Quranka si casri ah loo fasiro

14

Barnaamijka ka baxa telefishinka Sweden ee SVT kaasoo lagu magacaabo Uppdrag Granskning ayaa Stockholm-moskesanadkii hore basaasid ku sameeyay masaajida ugu waaweyn Sweden. Basaaskii ayaa lagu soo bandhigay in imaamyada ka hawl gala masaajida ay haystaan fikrado lagu sheegay kuwo qadiimi ah sida in ninku xaaskiisa garaaci karo, in uu 4 dumar ah  guursan karo, iwm.

Hadaba barnaamijkaas ka dib ayaa dood dheer waxay ka dhex abuurantahay Muslimiinta Sweden, iyadoo masaajida qaarkood ay shaqada ka cayriyeen raggii bixiyay fikradaha aan kor ku soo sheegay iyagoo lagu eedeeyay in aysan tixgalin sharciga wadanka Sweden iyo dhaqanka wadanka aan ku noolnahay.

Intaas loogama harin ee barnaamijka Uppdrag Granskning ayaa markale ku laabtay masaajidii, iyadoo xalay lagu soo bandhigay qeyb kale oo loogu magacdaray “Kampen om Koranen” kaasoo lagu fasiri karo “Dagaalka Quraanka”. Sababta ay sidaas ugu magacaabeen ayay ku sheegeen in Muslimiinta ay labo u kala qeyb sameen kuwo ku dhagan fikirkii hore iyo kuwo aaminsan in la raaco sharciga Sweden isla markaana aysan xiliga hada la joogo wanaagsanayn in lagu dhaqmo Xaas garaacid iyo dumar badan guursi.

Masaajida dib loo booqday ayaa barnaamijka lagu sheegay in Masjidka Stockholm uu sameeyay isbedalka ugu balaaran iyadoo durbadiiba la cayriyay imaamkii horay ula kulmay barnaamijka. Balse barnaamijka waxaa lagu sheegay in fikradihii aysan isbedalin.

Masaajidka Örebro ayaa sidoo kale shaqada ka cayriyay imaamkii hore. Masaajidka Göteborg ayaa la sheegay in uusan wax isbedal ah samayn. Barnaamijka ayaa markii aan u guur galay waxay iila muuqdaan kuwo laftoodu weerar ku ah Quraanka, iyagoo doonaya in imaamyada ay la kulmayaan ay fasiraad bedalin u soo bandhigaan ummada. Arintaas ayaa waxaa ka jawaabay imaam ka hawl gala Örebro Moske.

“Islaamku waa ogolyahay in ninku 4 dumar ah guursado. Arintaas mid aan wax ka badali karno ma ahan. Cid xaq u leh in ay wax ka badasho ma jidho. Laakiin dadkeena ku nool wadamada kale, sida Sweden waxaa na qabanaya sharciga wadankaan. Marka Islaamku waa ogolyahay 4 dumar ah, balse Sweden lagama ogola. waa sidaas ” ayuu yiri Aisar Alshawabkeh  oo kal hawl gala  Örebro Moské

Masaajidka Göteborg ayaa ku dhawaaqday in ay booliska ku dacweyn doonaan telefishinka SVT iyagoo sheegay in hadalkii laga duubay imaamkooda jaritaan lagu sameeyay oo intii xumaanta loo arkayo oo keliya la soo bandhigay.

Si kastaba ha ahaatee, barnaamijka ayaa soo bandhigay in uu jiro qilaaf weyn uu ka dhex taagan Muslimiinta marka laga hadlayo fasiraada Quraanka. Barnaamijkaan ayaa ah mid aan u wanaagsanayn magaca Muslimiinta iyo diinta Islaamka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here