Tirada ajaanibta ku nool Sweden

11

Waa imisa tirada dadka ajaanibta ah ee ku nool Sweden? Waa su’aal dadbadani ay isweydiinayaan balse jawaabteena waxaa laga heli karaa macluumaadka ay ururiso Hay’ada tirogoobka Sweden (SCB). Haydaan ayaa waxay soo bandhigtay macluumaad ay ka ururisay dadka Sweden sanadkii 1900 ilaa 2010 taasoo lagu soo bandhigay isbedalka shacabka Sweden iyadoo sanadkii 1900 ay tirada ajaanibta ahaayeen 1% oo keliya.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2010 ayaa tirada ajaabinta iyo caruurta ay dhaleen waxay gaarayaan 26,8% taasoo u dhiganta ku dhawaad 2,5milyan oo qof. Dadkaan ayaa waxay yihiin dhamaan dadka ku dhashay dibada Sweden ee ka kala yimid caalamka iyo caruurta ay halkaan ku dhaleen.  Soomaalida ayaa lagu qiyaaso 40,000 oo qof halka guud ahaan Muslimiinta lagu qiyaaaso in ka badan 300,000.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here