Tirada dadka magangalyo doonka oo siyaaday iyo Soomaalida oo hoos u dhacday

7

Warbixin ay soo saartay Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa soo bandhigtay in ay siyaaday tiradada dadka magangalyada ka dalbaday Swede. Sanadkii la soo dhaafay 31,901 qof ayaa magangalyo ka dalbaday Sweden marka loo barbar dhigo sanadkii 2009ka oo ay 24,232 qof ay magangalyo dalbadeen.

Sadex meelood 1 meel ayaa sharci la siiyay dhamaan dadkii iska dhiibay Sweden ayadoo laanta Socdaalka ay sheegtay in ku dhawaad dhamaan dadkii isdhiibay kiisaskooda la xaliyay.

Dadka ugu badan ee Sweden iska dhiibay sanadkaan ayaa ahaa Serbiyanka ayadoo loo aanaynayo arintaas markii Midowga Yurub ay ka qaadeen shuruudii visada ay ku soo gali jireen Yurub. Dadka labaad ee ugu badnaa magangalyo doonta ayaa ahaa Soomaalida balse arintaas ayaa isbedel ku yimid bartamihii sanadka ayadoo uu aad hoos ugu dhacay tirada soomaalida ee magangalyo doonta ka ah.

Arintaas ayaa loo aaneynayaa ka dib markii la joojiyay mideynta reeraha Soomaalida taasoo keentay in dadkii Isdhiibi jiray ay soo gali waayaan Sweden ama ay wadamo kale ka door bidaan.

Dhinaca kale Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in waqtiga ay ku qaadato in ay ku xaliso kiisaska uu hoos u dhacay 70%.

Migrationsverket.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here