Tirada dadka qaatay dhalashada Sweden

3

Sanadkaan 2013 ayaa waxaa dhalasada Sweden la siiyay 16000 qof oo ka soo jeeda 150 wadan oo kala duwan. Dadka sharciga lasverige-pass siiyay ayaa inta ugu badan waxay ka soo jeedaan wadanka Ciraaq, iyadoo ay soo raacaan wadamada Poland iyo Thailand. Soomaalia ayaa waxay sanadkaan ku jidhaa kaalinta 5-aad.

Ilaa sanadkii hore ayaa waxaa dhalashada Sweden qaadatay 32 726 qof. Sanidhii u dambeeyay ayaa waxaa aad u kordhay dadka qaadanaya dhalashada Sweden taasoo ay guud ahaan sabab u tahay siyaadada magangalyo doonka ee soo bilaabatay ilaa dagaalkii Ciraaq.

Waa kanaa liiska 10 wadan ee ay ka soo jeedaan dadka ugu badan ee la siiyay dhalashada…

1. Irak 6 027
2. Polen 754
3. Thailand 697
4. Statslösa 637
5. Somalia 597
6. Serbien 431
7. Turkiet 408
8. Iran 402
9. Bosnien & Hercegovina 374
10. Ryssland 283

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here