Tirada dadka sharciga ka helay Sweden 2013

7

Sweden ayaa sanadkii 2013 waxay sharci degenaansho siisay dad gaaraya 116 500 qof migrationsverket-logokuwasoo 79 500 ka mid ah la siiyay sharci ku meel gaar ah, halka 37 000 ay heleen sharci joogto ah. Tirada dadka magangalyo doonka ah ayaa siyaaday sanadkii hore 24% iyadoo ay 54 000 qof iska dhiibeen Sweden.

Qaxootiga Syria ayaa ugu badnaa tirada magangalyo doonka, halka Eritrea ay gashay kaalinta labaad. 70% dadka wadanka iska dhiibay ayaa ka yimid labadaas wadan iyo dad aan wadankooda la aqoon. Sweden ayaas sharci siisay 12 000 qof oo Syrian ah sanadkii tagay. Iyadoo la filayo in tiro intaas ka badan ay yimaadaan sanadkaan.

Tirada Soomaalida magangalyo doonka ah ayaa hoos u dhacday sanadkii hore, halka ay siyaaday dadka lala mideynayo qaraabada. Guud ahaan dadka wadanka ku soo galay xiriirka familada ee la xiriira qaxootiga ayay Soomaalidu ahaayeen tirada ugu badan 65%. Sanadkii hore ayaa xiriir qaraabo waxay Sweden sharci ku siisay 40 000 qof kuwaasoo isugu jira dadka loo keenay qaxootiga iyo kuwa ku yimid xiriirka kale sida guurka. Soomaalida ku timid mideynta reeraha ayaa lagu qiyaasay 6900 qof.

Sweden ayaa sanadkii hore waxay kaalinta 3-aad ka gashay wadamada Yurub kuwa ugu qaabilaada badan qaxootiga. Qaasatan qaxootiga Syria ayay Sweden ahayd wadanka qaabilay tirada ugu badan maadaama Sweden ay tahay wadanka keliya ee Yurub bixiya sharciga joogtada ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here