Tirada dumarka la guday ee Sweden ku nool oo la shaaciyay

Maamulka dhexe ee arrimaha bulshada (Socialstyrelsen) ayaa warbixin cusub oo ay soo saareen ku shaaciyay tirada dumarka la guday ee ku nool Sweden iyo tirada gabdhaha looga cabsi qabo in gudniin lagu sameeyo. Warbixinta Socialstyrelsen ayaa lagu sheegay in shaqaalaha caafimaadka ay u baahanyihiin aqoon dheeri ah oo ku saabsan sidii daryeel caafimaad loo siin lahaa dumarka gudniinka lagu sameeyay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sweden ay ku noolyihiin qiyaastii 38 000 dumar ah oo gudniinka lagu sameeyay intii aysan Sweden imaan, kuwaasoo 7 000 ka mid ah ay yihiin gabdho da’dooda ka yartahay 18 sano. Socialstyrelsen ayaa intaas ku daray in ay sameeyeen qiyaas ku aadan tirada gabdhaha da’da yar ee laga cabsi qabo in gudniin lagu sameeyo, taasoo lagu sheegay in ay gaarayso 1900 gabdhood. Waxay sheegeen in ay tiradaas ku xisaabiyeen tirada gabdhaha da’dooda ka yartahay 18 sano, ee hooyadeed ay ka soo jeedo wadamada gudniinka laga sameeyo.

Inkastoo aan la cayimin wadamada ay ka soo jeedaan dumarka warbixinta lagu sheegay, ayay hubaal tahay in dumarka laga hadlayo ay inta badan yihiin Soomaali.

Hay’ada caafimaadka aduunka ee loo yaqaan WHO ayaa shaacisay in guud ahaan aduunka ay ku noolyihiin 140 milyan oo dumar ah kuwaasoo gudniinka lagu sameeyay. Gudniinka gabdhaha ayaa mamnuuc ka ah wadanka Sweden, iyadoo dhowr jeer ay dhacday fadeexado ku saabsan waalidiin Soomaali ah oo gabdhahooda soo guday ama looga shakiyay in ay sidaasi sameeyeen.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. ahmed says:

    asc all dadki 2 sanno aha waxan uu shegaya in aay wali socota sharudaas waliba maxkamada aay diidma dhibeysa saas ogada goanka migration ayeey ku raceysa hada asxabey haa isku hol belina abuu laba sano waqtina haku lumina safaradooda ama dacwad aad furataan ilaa aad goan saxa ah aad heshaan wabilahi toow fiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. axmed2 says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  3. ugaas says:

    ahmed sxb arinta labada sano warbixintaada mid ka duwan ayaan hayaa oo waxay tahay wiil arintaas lagu heysatay oo reerkiisa lala mideeyay marka dadka ha niyad jebin intii arintaan la furayna dad badan ayaa ka faa ideystay qofkii ay wax ka qaldanaayeen hadii diidmo la siiyo macnaheeda ma ahan in arintu ay weli sideedii tahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. nasra 2sano says:

    asc waan idin salaamay dhamaan ugaas walaal ahmed waa runtii wali diidmada weey socotaa, dad la ogolaadayna waa lasheegayay laakiin aniga wax aan xaqiiq u arkay majiraan oo ogolaasho helay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. asha says:

    Maxkamada dad eey waan arkay. Laakin imigreeshanka weli ma arkin. Aan iska war qabna insha allah.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. jeeri says:

    Asxaabta labada sano, waxaa ogaatiin keesaska oo dhan isku mid maha. Qof hadii diidmo lasiiyo kama dhigno adigana diidmo. Keesaska labadasano o kor isaga eg ayee waxyaabo kale kukale duwnaankaraan. Marka qofka kale goaanka laga gaaro haku xisaabtamina.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0