Tirada magangalyo doonka oo la filayo in ay siyaado iyo Soomaalida oo sabab u ah

Laanta Socdaalka ayaa kor u qaaday qiyaasta tirada magangalyo doonka la filayo in ay Sweden iska dhiibaan sanadka 2012, iyadoo sabab looga dhigay Soomaalida.

Bilowgii sanadka ayaa Laanta Socdaalka waxay qiyaastay in sanadkaan ay Sweden iska dhiibi doonaan 31,000 oo qof balse tiradaas ayaa hada laga dhigay 34,000. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ay sabab u tahay xaalada amaanka ee wadamada Afghanistan, Syria iyo Soomaaliya balse qaasatan waxaa sabab u ah maadaama la fududeeyay mideynta reeraha Soomaalida taasoo la filayo  in ay dhaliso Soomaali badan oo iskood isku dhiibta.

Dhinaca kale Laanta Socdaalka ayaa ku celisay in la fududeeyay mideynta reeraha Soomaalida oo sanadkaan ay filayaan in safaaradaha Sweden ay dacwo ka xareystaan dad gaaraya 20,000 oo qof. Codsiyada ugu badan ayaa la filayaa dhamaadka sanadka.

Laanta Socdaalka ayaa kamuunada ugu baaqday in ay isku diyaariyaan dad badan oo la filayo in ay Sweden dacwo ku soo galaan iyo kuwo magangalyo la siin doono. Waxay Laanta Socdaalku sheegtay in 65 milyan oo karoon oo dheeri ah ay sanadkaan u baahan doonaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. hooyo ilmahedu ka maqan yahay says:

    asc hoyo jimcaale waxaan rajay nayaa inaad isoo jawaabto
    wali ma yimid qof siidii logu fududeeyay ilaah khyir iyo xasanaad haku siyee
    isoo jawaab.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. aabe ilmihiisa kamaqanyihiin says:

    dad weli imaaday sweden oo howshooda soo gaba noqotay yaa arkay dhamaan reeraha kala maqan waxaan idin waydiihii halkay wax maraayaan aniga lama socdo in badan jimcaale isoo jawaab aniga iyo hooyada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. najmo says:

    asc wan idin salaamaydhamaan walalaha gar ahaan kkkkkkkkkkkkk aabo iyo hooyo ciyaakii ka maqan yahiin sidaydoo kale laakiin waxan sugaynaa nag ninkeedi ka maqan yahay iyo nin nagtii ka maqan tahay marka xertu hawada timaado jimcaalane jawaabta ha soo radiyo sas ila qurxoon anig

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. Daadaa says:

    Asc jimcali waxan jeclahay marka wepka furo marka an arko calamada lanta socdal ka naiyad i dhisanta bal hadana wali culeys aya jira waxan joga adis ababa 2 bil ka hor ayan careyay 2 da form aniga iyo carur teyda isla malinti interviyu wan marnay dhiga ladin waca aya nalagu dhahay ila hada cid nawacday ma arkin inkasto mar an boqday safarada ad ugu mashqul saned howlahan(dna)ga lkn howshu kama socota swedan 2 bil kahor dadki dna laga qaday wax walbo maren dadka swedan ujoga marna mala wacin wali marke tagan lanta socdal kana waxa lagu dhaha wali mana so garin howlahaga wan ku wareray jimcale hadi ad wax ka og tahay dadka sweden joga gorta howshada bilaane sharxad koban iga si walale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Nin naagtiisu ka maqantahay says:

    Salaan kadib qofba waxbaa u darane anigu waxaan idin weydiinayaa ma la furay dadka aan waxba isu dhalin , rajo intee leeg ayaa laga qabaa in la isku keeno nin iyo naagtiis aan ciyaal isu hayn.

    By

    Nin Naagtiisu ka Maqantahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. naag ninkeeeda ka maqanyahay says:

    waxaan qoray wixii uu qoray nin naagtisu ka maqantahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. Hooyo macaan says:

    Asc. Jimcaale walaal Adoo mahadsan waxaan ku weydiyay safarada sweden ee Nairobi war maka haysaa walaal mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. qalbi qaboojiye says:

    as walaalayaal wax kasto way dhamaanayaan sidaan la socono ee yurub
    ha usoo hanqal taaginee dalkeenii aan u duceeyno inuu ilaahay noo dajiyo
    dhiigan maalin kasto ku baxaayana ilaahay ka joojiyo asigaa wax kasto
    nooga fiican waxaan joogaa yurub 1991 ilaa hada waxaan dalkaygii
    siistana ma jiraan ee wa idin baryaaye walaalayaaloow aan ilahay u laabano
    cafisna waydiisano shaqsiyan hadaadan danbi u galina ina aderka ayaa galay
    wa bilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Nasro dahir says:

    Jimcale xagu marahaya mise malasoqaday dadka aan carur lahayn xaalkoda?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. cabdi raxmaan says:

    asm………. dhamaan waan idin salaamayaa ikhyaarta ay reeruhu ka maqanyiin
    ninkan jimcaale isna gaar ayaan u salaamayaa waayo waa nin u jajaban wararka xaas xaasiga ah lkn waxaan dhihilaa jimcaale dadka usoo jawaab sx asm—————-!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. hasan says:

    KKKKKKKKKKKKKKKKK JIMCAALE SIDUU U WANAAGSANAA OO DADKA UGU JAWAABI JIRAY HADA SAAN UU KEENAY MALAHA SU ALAHAAD WEYDIISEEN KULI WAX JAWAAB UMA HAAYO MARKA INTAAD ISKA DHAAFTAAN MARKUU ALAH XAALKA BADALO ARKA SOMALIYEEY ANI WAA IGA TALO ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ramla says:

    asc dhamaan somali weyn iyo webka aniga waxan layaabanahay 2011 bishi 9 laad ilaa hada wax ayaa sas ah saas ayay noqoneeysaa wax baa soo socda dadba imanaya kamuun baa lala hadlay iyo lacag dheeriya lo bahan yahay sweden xaalkeeda qofkii aqli u saxiib ah waa iska fahmi karaa u jeedadeeda marka somaliyey alah talada saarta isagey wax walbo gacantiisa ku jiraane wabilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. asma says:

    walalao wax miyaa wali la furay dacwad ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. marabno says:

    salaamu calaykum… anigoo naagi iga maqantahay oo xareeyay foomkii interfiyuugiina maray bishii 1/2012 hadana wax loogudbiyay majirto xaaskaygii oo sweden degan… waxan layaabay kolkaan istaagay albaabka safaarada sweden ee adiss-abab ayaa laigusoo yaacay sidii qof ladhacayo oo lagu riyaaqay.. dee kharashkii ayuu sidaaye aynu kaqaadno maanta foomamaka iyo interfiyuugaba .. sidaan u yaabanaa ayaan maray .. lacag badana laigau xareeyay… waxan isku qoomameeyaa maalintaan safaaradaa tegay iyo waxii igeeyaybe… ilaahaybaa faxane sooamliyeey ilaahay unoqoda oo xalaal baad kudhaqnaydeyn wadankiiniiye aamina.. walaahi maanta hadii liisoo celinayo kharashkii igaga baxay safaaradaas inaanan dib danbe u hor istaageen cid aan jeelahayan kula taliyeen inuu nasiib kasugo sweden iyo dhulal gaalo.. kuwii kunoolaa iyo kuwii kasoo naoday ayaanu aragnaa siday u waalanyihiine maxaa noogu wacan inaanu anaga iyo cid aanu jecelahayba u riyaaqno wadankooda gaajada ahee hablahii naga haleeyay kolkay mid walba yidhaahdeen xorbaad tahaye waxaad dontid samee aqal gooni ahna lasiiyay .. iskuul aan dhamaanayna lagu jaan-jaamiyay…. ilaahaybaa weyn.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  15. Run Sheeg says:

    waad salaamantihiin dhamaan aqyaarta qaasatan Jimcaale Faarax tan kale waxaan la yaabay maalin walba umadaan wax ma fahamnto miyaa waxey soo qoraayaan jimcaale ii soo jawaab iyo wax yaalo kale , waryaada ma jimcaale magareeshin maad moodeen mise asigaa waxa bixiya , wax ma garataan miyaa ,jimcaale wuu soo dadaali wuxuu soo ogaadana wuu soo qoraa , ma waxaa rabtiin waxaan jirin inoo idin soo qoro , maalin walba waxaad weydiineysaan suaal qaabdaran , ma waxaad rabtaan waxey niyadiina jeceshahay in nila soo qoro , jimcaale sida wax u jiraan ayuu soo qoraa ee iskama soo qora waxa niyadiina ey rabto , dat ayaa maalin walba soo qora datka aan caruur isku dhalin jimcaale ma wax ka soo qorto , wey iska hadlaan , jimcaale wuu mahad sanyahay , hadii aad sidaan wadankeena ugu fikiri laheyn wey fiicnaan laheed ,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Geeoorge afrax says:

    “65 milyan oo karoon oo dheeri ah ay sanadkaan u baahan doonaan”

    Waa wax wnaag san , waxaase fiicnan laheyd in eey noo sheegaan sababta ku kaliftey in eey waxaas oo lacag ah nagu baxshaan!?
    dad baddan oo soomaali ah, aa aamin san in Gaaladu”dadka swedishka” eeY dan ku qabaan soo dhaweeynta iyo naf iyo maal u huridda! Anagoo ka Run sheegeeyna, WAli yaa fahmey Sababta ka danbeeysa, Malaayiinta eey ku bixinaa yaan dadka soo galoo tiga ah!
    – Kuwa Cunsuriyiintu waxeey taagan yihiin in aanan Xaq u laheeyn in Wdanka Sweden aan Cag soo dhigno, kabo biyaana ka CAbno, Iyagoo saas na Ugu Gacan seeyraa: Xuquuq BAni aadamka! ee
    {United Nations General Assembly (10 December 1948 at Palais de Chaillot, Paris). }
    LAKIN: taas waxaan uga bad baadi karnaa iyadoo Doowladda Wdanka eeysan maanta Gacanta Ugu Jirin Waraabe yaashaan dad-ka Cuna ee Cunsuriyiinta:

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. ABDI YARE LFC says:

    Asc dhamaan Asxaabta qaasatan dadka somaliyeed ee waalidiinta ah hadii aan isku dayo inta aan ka ogahay safaradaha sweden ee East afrika aan ku hormaro safarada sweden ee Nairobi ayada waa ay xirantahay mudo 7bilood ah waxa ay ka guurtay locatinkii ay daganeed lkn waxaa la furayaa bisha julay insha allah
    mida kae safarada Adis ababa iyo kampala ayaga si toos ah ayeey u shaqeeyaan waxaay wadaan in ay qabtaan formka iyo dheecanka DNA lkn ilaa hada dad loo soo jawaabay oo waxooda helay malahan lkn mid ayaan idiin sheegayaa somalay waxa tihiin dad dag dagta ka helo aniga ahaan waxaan la sheekeestay in ka shaqeeya safarada sweden waxuu ii sheegay in hada la diyaarinaayo feelasha lkn ay bixitaan ama ogolaasha bilaabanaayo waqtigii balanta aheed ee julay ayada ma dheera hala sabro dhamaantiin waad mahadantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. bushra xaaji says:

    kkk mahadsaned walal waa fariin muhiim ah inta wax fahmeysa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0