Tirada magangalyo doonka oo waxyar hoos u dhacday

13

Tiradada magangalyo doonka ayaa hoos u dhac ku yimid sida ay sheegtay Laanta Socdaalka Sweden. Qiimeyntii la sameeyay bilowgii sanadkaan oo ahayd in la filayo 30,000 oo qof in ay iska dhiibaan Sweden ayaa hada hoos loo dhigay oo la filayaa 29,000 in ay timaado.

Balse Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in aan la isku halayn karin tiradaas sababta oo ah qalalaasaha ka taagan wadamada bariga dhexe sida Libya iyo Syria oo la filayo dad badan in ay ka soo firxadaan.

Soomaalida ayaa ka mid ah dadka ugu badan ee hoos u dhaca ku yimid ka dib markii sanadkii hore la saaray shuruuda aadka u adag ee ah in ay aqoonsigooda cadeeyaan. Isbedaladii la filayay sanadkaan ayaan waxba ka soo bixin iyadoo hada Soomaalida inta badan ay ka war dhowrayaan gudi la sheegay in loo saaray wax ka badalka arintaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here