Tirada qaxootiga oo cirka isku shareertay iyo dowlada oo ka doodaysa in dadka visa lagu siiyo safaaradaha

Tirada qaxootiga iska dhiibaysa Sweden sanadkaan ayaa noqonaysa tii ugu badnayd muddo ka badan 20 sano. Laanta Socdaalka ayaa shalay soo bandhigtay tirada qaxootiga ee sanadkaan iska dhiibaysa wadanka, iyadoo isbuucii ay Sweden magangalyo ka dalbadaan dad gaaraya 2000 qof. Guud ahaan ayaa 83 000 qof iska dhiibi doonaan Sweden.

Laanta Socdaalka ayaa sidoo kale filaysa in sanadka soo socda ay kor u sii kacdo tirada qaxootiga oo gaari doonta 95 000 qof. Qulqulka qaxootiga ayaa inta badan ka imaanaya wadanka Syria. Inkastoo ay hoos u dhacday tirada Soomaalida iska dhiibaysa wadanka ayaa waxaa kor u kacay Soomaalida caruurta isku dhiibta.

Dhinaca kale, dowlada Sweden iyo xisbiyada mucaaradka ayaa kulan ka yeelan doona sida laga yeelayo tirada qaxootiga ee soo badanaysa. Wasiirka cadaalada iyo socdaalka Morgan Johansson ayaa isugu wacay xisbiyada siyaasada marka laga reebo SD si wada tashi looga yeesho arimaha socdaalka.

Xisbiga Miljöpartiet (MP) oo ka tirsan xulufada dowlada ayaa iyagu doonaya in Sweden ay bilowdo waxay ugu yeereen viiso bani’aadanimo taaasoo ah in dadka qaxootiga ah ay magangalyo ka dalban karaan safaaradaha Sweden halkii ay naftooda qatar ku galin lahaayeen in ay soo raacaan doon.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Sharif Ali says:

    Masha allh Sweden wa wadan naxariis bdn

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. Jimcaale says:

    Hayaay Been Ahaaa Warkaas Sxbow Safarad Maa Kusiinayso Viso Sweden Ah ?????

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. Sharif Ali says:

    Masha allh Sweden wa wadan naxariis bdn dhaqaalana was ugu jiraa iyo Dana bulsho

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. Sharif Ali says:

    why maxeey Ku siin weyday.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  5. UBAX says:

    waaw Sweden caadi maaha maansha allah, hadii ay ka dhabeeyaa hamigoodaas, somali oo dhan sweden ayay wada iman doontaa iyo ethopiankuba kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Somali waa Shan, Maahan Hal says:

    waa si wadanki looga so wada cararo, wadanka dad ha inoo jogaan ee kadaya dheh sidaa hadii kale dhalinyaro wadanka wax u qabataba wa la waayi, siday sweden dad ugu bahantay ayay somalina dalalkoodu dad ugu bahanyihin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0