Tirada qaxootiga soo galaya Yurub oo cirka isku shareertay & dood kulul oo ka taagan

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay tirada qaxootiga ee lugta iyo badda ku soo galaya Midowga Yurub. Kumanaan qof ayaa ka soo talaabtay xuduuda wadanka Serbia kuwaasoo u soo gudbay Hungary kuna wajahan wadamada Germany iyo Sweden kuwaasoo soo dhaweyn fiican u sameeya qaxootiga.

Qaasatan wadanka Germany ayaa lagu amaanay in ay albaabada u fureen qaxootiga Syria, iyadoo raysal wasaaraha Germany Angela Merkel ay sheegtay in ay soo dhaweyn doonaan qaxootiga isla markaana ay Germany awoodo in ay daryeesho dhamaantood maadaama wadankaasi uu yahay mid qani ah.

Magaalada Munich ee wadanka Germany ayaa sawirada ka imaanaya ay muujinayaan in kumanaan qaxooti ah ay maalinkasta tareen ku soo gaaraya halkaasi kuwaasoo ka soo raacay magaalada Budapest ee wadanka Hungary. Hungary ayaa sidoo kale bilowday hada in ay hor-istaagto soo galootiga ku wajahan Germany taasoo dood weyn ka dhalisay midowga Yurub. Madaxda 28 wadanka ee EU-da ayaa dhawaan kulmaya si ay uga wada-hadlaan dhibaataan iyo sida loo wajihi karo. Qaxootiga soo galaya Yurub bilihii la soo dhaafay ayaa lagu tilmaamay tiradii ugu badnayd ilaa dagaalkii labaad ee aduunka.

Sweden ayaa sidoo kale waxaa ka taagan dood kulul oo ku saabsan tirada uu wadankaani qaadan karo, iyadoo hada Sweden ay tahay wadanka labaad ee ugu qaabilaada badan. Xalay dood kulul oo dhexmartay gudoomiyaha xisbiga cunsuriga ha ee SD Jimmie Åkesson iyo gudoomiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf ayaa waxay si kulul uga doodeen arimahaan. Iyadoo Åkesson uu sida caadada ahayd sheegay in uu doonaya in uu xiro xuduudaha Sweden oo aysan soo galin qaxootiga. Halka Annie Lööf ay cadaadis ku saartay in uu cadeeyo siyaasadiisa ku aadan dadka hada wadanka ku nool, isagoo ka leexday jawaabta.

Si kastaha ha ahaatee, sawirada naxdinta leh ee ka imaanaya xuduudaha Yurub iyo qulqulka qaxootiga ayaa dhalinaya aragti cusub oo ku aadan sida ay Yurub ula tacaalayso qaxootiga iyo in ay noqonayaa kuwo ka dhabeeya bani’aadinimada ay sheegtaan ama in ay noqdaan kuwo xuduudaha ka xirta qaxootiga Syria u badan ee dagaaladu ay saameeyeen wadankooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

41 Responses

  1. 2sano says:

    ASC YAA WAR HAYA ASXAABTA 2SANO ANIGA JAWAAB SUGE AYAAN AHAY

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. Um Alwalid says:

    Sc aniga axataa jawaab suge ayaan ahay alaha nooga soo wada saqiro amuurteena

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  3. Qaali qurux says:

    Sweden Dadka qaxootiga ayey ku adkaysaa sharciga waliga kuwa somalida ah iyagoo dhib iyo rafaad u soo maray ayey hadana sharciga ku adkeeyaan ma aqaan sabab ta waxaa jira dad sugaya sharciga 2 sano iyo in ka badan arintaan na Somali kaliya ayey haysataa……!!!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  4. qaxooti says:

    Carabtaan nolosha dhabta yurub taalo hadeey ogaan lahaayeen silicaan meeysan usoo mareen. Sawir qaldan ayee yurub ka aaminsan yihiin. In yurub laga taajiro. Mercedes laga wato iyo guryo villa ah👀

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

  5. hanad says:

    Aniga laftaydu Jawaab suge ayaan ahay DNA ayaa ninkayga laga qaaday 12 Kohor walina anaka nalooma soo Tuurin, markaan waco Migrationverketkana Telkii igama Hinayana intuu dhaco ayaa Computer i odhanayaa sheeg File numberkaaga markaan u sheegana waan kugu soo celinaynaa ayuu dhahayaa dibna usoo celinmaayo markaas cid dhibkaasi haysto haduu jiro Fadlan ila wadaaga sideese u Caqabadaas uga Gudbi karaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. Umu hanad says:

    walina anaka nalooma soo Tuurin, markaan waco Migrationverketkana Telkii igama Hinayana intuu dhaco ayaa Computer i odhanayaa sheeg File numberkaaga markaan u sheegana waan kugu soo celinaynaa ayuu dhahayaa dibna usoo celinmaayo markaas cid dhibkaasi haysto haduu jiro Fadlan ila wadaaga sideese u Caqabadaas uga Gudbi karaa.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. jaada says:

    walalayaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. waa maxaay 2sano says:

    mar walbo aan commentska hoose u aqri isdhaho waxaan arka dad 2sano iiga warama leh walalayaaal ii sheeg 2da sano maxay ka wadaaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  9. Hassan says:

    Somalida war jacayl ayaa sidan u Galay, adeer hadii ay 2 sano ku khusayn lahayd dadka ma waydiiseen ee shaqo adiga kuu Taalo maaha, dadka ay khusayso ayaa iska waraysanaya micnaha ay kuu samaynaysaa maxay Tahay in aad ogaato ileen wax kaa Galay ma jiraane, Khajila ixtiraamana dadka aaraada is waydaarsanaya wixii danihiina ah uun ka raacda ha qasina idinku Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  10. 2sano says:

    Umu Hanad ma waxad wacdaa lanbarka migrationka kunjänt mise lanbar toos ah kaasi centralka wuu dhib badan yahay laakiin inaad qofka kiiskaaga haya hesho isku day waayo maalinkasta saacad bay qabtaan telefonka mise kale magaaldae ayuu kiiskaaga yaala soo sheeg si aan ku caawino mahadsanid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. faarax says:

    2sano, sax haa nambaarka migrationka lama waco ee waxaa lawacaa qofka kiiskada haayo nambarkiisa xafiiska, saacada markeey tahay 08.30 subaxnimo…

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Nafta says:

    Kk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. roodo says:

    asc rer 2sano waan idin salaamy hand qofka la dhaho ma waxaad jawaab kaliya sugysaa 12bil mise waa maalin mase marteen wax walba adoo raaliya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. roodo says:

    qofkii jawaab suge ah allaaha raxmaanka ah ha uga so qaado siduu khyirku ku jirto teda kale wax leh waa la I diidy ma arag waxaan u malyinyaa 2sano waa dhamaty hala saburo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Umu hanad says:

    ASC dhamaanytiin Sory qoralkaa walaalayaal iga khaldamay waxaan u jeedaa macnaaha 12 bil ayaa laga joogaa inta ninkaygu xareeyay dacwada oo uu ka xareeyay Adiss ababa ethopia, anagana wali nalooma soo Tuurin dhiigii, waxaan isku dayaa in aan waco oo aan waydiiyo in ay Handlager u sameeyeen kiiskaygii iyo halka xaal marayo waxaanan wacaa Migartionka mana ii jawaabayaan oo Commputer ayaa qabanaya, Markuu Kiis numberkayga i waydiiyo wuxuu leeyahay waan kugu soo ceelinayaa mana soo jawabayaan, markaas maxaa xala Talow?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Umu hanad says:

    2 sano iyo Faarax walaalayaal wali cidba kiiskayga umay dhiibin, wadada kaliyee ii banaana waa Taas in aan waco kaas Public ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Jag gillar inte dictatori says:

    Walal yalow waxs wa liga daran yahye gorme somalilan la aqonsan palees iga so jabab jimaco sverige artas kawerso hada xarif tahy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. dhuubane says:

    kkkkkkkkkkkk waad riyootay qofka leh goormee somalilan la aqoonsanayaa Somaliland waa caasimadii 2 baad ee somaliya marka wax yaalaha nuucaasihi yeysan kaa lumin waqtiga meesha 2 sano iyo dad dadkoodii dalbanaya ayaaa rayiga isku dhaafsanaya hadey ku quseysoh ku soo biir hadii aad aqoonsi somalilan raadineyso bank moon la xariir

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  19. dhuubane says:

    umu hanad waxbaa kaa qaldan Ayaan is leeyahay walal lanbarka caadigaaa ee migrationka marka aad wacdo information ayaa lagu siinayaa oo ah macnaha waxa aad dooneyso marka arin waliba lanbar gooni ah ayey leedah lanbarka good marka aad wacdo ka dib 11 AYAAD ku sii garaaceysaa ka bacdii waxaa lagu leeyahay geli beteckningsnummerka ama ku jir safka labadaas ayaaad mid dooraneysaa hada sida ay ka dhigeen inta badan waa mashquul ayaaa laguugu jawaabayaa marka talo ahaan waxaan kugu siin lahaaay in aad wacdo 8.30 ama kowda maalin nimo intaaa hadii ay kuu socon weyso xafiiskooda ayaaa caadi loo tagaaa marka wey fududahay in aad ogaato in kiiskaagu handlegare leeyahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. Umu hanad says:

    Dhuubane walaal aad iyo aadbaad u Mahadsantahay, igama khaldana waxba walaal ee Mashquul aan caadi ahayn weeyaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. ilkacase says:

    Hassan@ garaadkaaga aad ayuu u yaryahay. Tarbiyada laguma soo barin sida umaleynayo qof ayaa ra’iyi giisa soo qoray siqaldan ayaa ugu jawaabtay waa ceeb waxaas hada sida saxda ah ugu jawaabi karin ka amus ileen afhayeen matihidee wabillahi towfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. saadiq says:

    tarbiyo hadii lagu baray sidaa uma hadasheen sxb af somaliga ayaadan aqrin aqoon sida aan filaa qof lama caaayin ee waxa jirah ayaaa laga hadlay marka waxbaa la qoraa wax looma qoro doqontuna wixii casirka lagu caayey cishaha kugu caaydaaa tarbiyo hadii lagu baray sidaa uma hadasheeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. dhuubane says:

    adaa mudan umu hanad wey hagageysaa in sha allaah ilaaah woxow bixiyo waa la heli doonaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Um Alwalid says:

    Um hanad walaal aniga xataa sidaadoo kale aan ahaa 12 bil ka dib ayeey dhiiga iisoo tuureen weliba aniga lanbarka qofka kiiskeyga haayo waan heeystay laakiin dhibkaad sheegtay ayaan umari jiray xoogaa sabar 12 bil hadeeyba kuu dhamaatay hada waaye waqtigiisa kiiskaaga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. SAMATAR says:

    WALALAAYAL QOF ISLAAN EHELKAYGA AH BAA HAATAYDA DNA LAGU BAADHO MAGACEEDA AMA LANBARKA LAGA WACO DHIIGEEDA CAGAA YAA MARKAA INAY BAADHEEN BANA WAYDIIN LAHAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Umu Hanad says:

    Umu al waliid walaalo aad iyo aadbaad u Mahadsantahay’ Dhubane aamiin walaal wax khayr qaba ha inooga soo qaado.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • farnaando says:

      ASC shacabka somaliyeed waan idin salaamay waxan jaclaan lahaa inad i fahansiinaa labada lamaane oo mar dhaw is guursadey oo ilah caruur ka siiyey xaskiisane somalia joogto wadada loo maro , waxaan maqley arinta labada sano tahay arintaas ayaan fahmi waayey oo igu noqotey mid la yaab ah ,, waad mahasan tihin bal i sheega idinkoo mahadsan dhamaan

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. farnaando says:

    ASC shacabka somaliyeed waan idin salaamay waxan jaclaan lahaa inad i fahansiinaa labada lamaane oo mar dhaw is guursadey oo ilah caruur ka siiyey xaskiisane somalia joogto wadada loo maro , waxaan maqley arinta labada sano tahay arintaas ayaan fahmi waayey oo igu noqotey mid la yaab ah ,, waad mahasan tihin bal i sheega idinkoo mahadsan dhamaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Samiir says:

    Farnanado anaa talo Ku siinaya Kiis u xaree gabadhaada kadib ilaahay sug thats all’ wado kale ma jirto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  29. ifka says:

    uma hanad waxan raba telkaga ii so sheeg aniga war ku hayee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. Jamac Ali jama says:

    Asc walalyaal talo an u bahanhay hala i caawiyo only information hala isiyo 2012 an iska dhibay Sweden ano ka fara kuleh hangray kana wata sharci hal sana ah Sweden waxey i dhahen wa KU celineyna wa ka dhuntay 18 bilod tirsaday marka dib isku dhibay intervju la i balamiyay 1 bil ka dib wala IgA ceshtay iyado la igu dhahay wa lagu celina hadana oo Sweden kiskaga xaq uma lihid in laga furo sharcigi hangary wu IgA dhacay mel an wax ka bilabo aqon wayay waxa Go an saday ina uba goyo Europ dhan pass islamed an gatay ano raba ina aado Mexico farance la igu qabtay wa la i qabtay hangary KU celineyna la igu dhahay hangary wa ISO diday Sweden u celiya ey dhahen 1 bil marka xirna waxa la i dhahay orod Sweden aad wa iska so labtay Migrationsverket u tagay waxey dhahen wa KU celineyna hada ila hada meel an wax ka bilabo la ahay ila taliya walalyaal Sweden MA igu cabsineysa iney i celinayan mase waxa laga yaba in ey i celiyan fadalan ila wadag taladada mahadsanid

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

    • faarax says:

      Jaamac, wexeey u badantahay sharciga sweden ineey kusiiso sababta oo ah mudo dheer ayaa kasoo wareegatay xiligii hungary kasoo baxday. Tan labaad hada hungary waa u jeedaa waxa kasocdo dhinaca qaxootiga, meel lisku celinkaro uma eko ee saxib sweden ku adkeeyso una samir weey kusiinayaan ugu dambeeyn inshallah.

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  31. roodo says:

    allaha kaaha so qaado sharciga iswedhn hana ka tagin walal u samir oo u adkayso jaamac

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  32. Fgg says:

    Hhhhh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. Fgg says:

    Somali.habanaan baxdo ilaahna aan ku xirnaano walaalayaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  34. Cumer says:

    Brother hada ayaad insha allah Sharcigii Helaysaa oo waxaad kasoo Horaysay Kumanaanka kun ee Sarianka ah ee Hungary lagasoo dal dalayo, u samir hana u baqin Hungery wax lagugu celinayo malahan yadiibaa Europe oo dhami leedahay isa soo waydaari Qaxoontiga, alle Gaal iyo Muslinba ha inoo wada sakhiro inteena ay wax kaga xidhmeen. aamiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  35. Sama Tinle says:

    5 bilood sweden gotteborg baan joogaa walina isma dhiibin kawarama asxaabey oo wallaahiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  36. Cumer says:

    Sababma ayaad isu dhiibi waysay Sama Tinle Mustaqbal miyaanad Higsanayn mise waxaadba ku faraxsantahay Europe ayaan Joogaa sharci uma Baahni sidii ay dalkaagii Tahay Camal, yaab ayaad leedahay walaahi.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. Sama Tinle says:

    Kkkkkk cumar sxb maya dalkaygii maahan lkn inaan iskaga tagaan rabay mardoonta finland la igusoo qabtay dhowr marne inaan iskaga tagaan rabay sweden oo maraykan aado oo passaport swedish ah qof haysta oo ii eg baan raadinayay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. Cumer says:

    Sama Tinle Sveriya meel maaha walaal I saga Tag

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. Sama Tinle says:

    Cumar beentaa maahan sxb svariya kaliya maahan yurub oo dhan baa meel jirta agayn somalida africa joogtane yurub wax kaleyba ka aaminsanyihiin waxaan dadka raba inay iskusoo kharash gareeyaan yurub kula talin inaysan kharash iyo rafaad isku soo galin yurub oo ay america ama canada ama Australia isku kharash gareeyaan ayadaa shaqo iyo dhaqaalo fiican lehee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0