Tirada warqadaha aan gaarin cidii loo diray oo siyaaday

11

Tirada warqadaha aan la gaarsiin cidii loo diray ayaa cirka isku shareertay. Sanadkii la soo dhaafay ayaa 382,000 warqadood aan la gaarsiin cidii loo diray iyadoo shirkada bostada ay sheegtay in tani ka dambeyso dadka oo si taxadar la’aan ah warqadaha u dira.

Haweeneyda lagu magacaabo Helene Rosang oo ka shaqeysa boostada ayaa sheegtay sababta aysan u gaarin warqado badan cidii loo diray in ay ka dambeyso iyada oo dadku ay noqdeen kuwo si taxadar la’aan ah warqadaha u dira sida in aysan qorin cinwaanka saxda ah. Qaarkood ayaan isticmaalin firimarkaha saxda ah.

Soomaali badan ayaa dhibaato ku qabta warqadaha la lumiyo iyadoo marar badan ay shaqaalaha boostada ku tuuraan warqadaha Soomaalida adrees qaldan. Arintaan ayaa loo aaneyn karaa maadaama ay Soomaalidu isku meel dagaan magacyadoodana isku dhowyihiin.

Warqadaha laguu soo diro oo aan ku soo gaarin  ayaa ah mid qatarteeda leh iyadoo keeni karto in warqadaha muhiim ah sida kirida iyo korontada oo lagaa doonayo in aad waqti ku dhiibto aadan helin.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here