Turjumaan xumo haysata bukaanka Soomaalida

2

Soomaalida caafimaadka u raadsata hosbitaalada Sweden ayaa waxaa haysata tujumaan xumo, iyadoo dadka hada ka turjumada hosbitaalada aysan ahayn kuwo haysta shahaadada turjumaanimada caafimaadka, sida ay warisay idaacada Sweden.

Dhaqtar lagu magacaabo Annika Esscher ayaa baaritaan ay ku samaysay saamaynta arintaan waxay sheegtay in laga yaabo in haween Soomaali ah ay u geeriyoodeen turjumaan xumo sanadihii la soo dhaafay. Turjumaan la’aanta Soomaalida haysata ayaa ah mid aan xal loo hayn sida lagu qoray mowduuca.

Soomaalida ayaa la sheegay in aysan qaadan karin shahaadada turjumaanimada caafimaadka. Kammarkollegiet oo ah hay’ada qaabilsan bixinta shahoodooyinka turjumaanada caafimaadka ayaa sheegtay in markii ay isku dayeen in ay Soomaalida u bandhigaan dhibaatada jirta aysan helin dad badan oo xiisanayna in ay turjumaan noqdaan. Kuwii muujiyay xiisaha ayaa imtixaano laga qaaday kuwaasoo ku dhacay. Sida ay sheegtay Ivett G Larsson oo ka tirsan shaqaalaha Kammarkollegiet.

Waxay intaas ku dareen in ay qaban doonaan imtixaano cusub sanadka soo socda. Balse inta ka horeysa ayaa hosbitaalada Sweden ay isticmaali doonaan turjumaano aan la hubin aqoontooda oo aan haysan shahaado. Dr Annika Esscher ayaa sheegtay in ay la kulantay Soomaali diiday in loo qabto turjumaan maadaama ay tayada turjumaanada aad u liidato.

Soomaalida Sweden ayaa cabashooyin joogto ah ka qaba daryeelka caafimaadka wadanka, iyadoo taasi ay u sii dheertay turjumaan xubo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here