Turkish Airlines oo Muqdisho toos uga dagaysa. Balse yaa raaci kara?

Shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa bilowday in ay toos uga degto Ayroboorka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo isbuucii labo maalmood tagi doonta.

Guud ahaan dadka doonaya in ay u safraan Soomaliya ayaa si sahlan u goosan kara tikitka diyaarada Turkish Airlines, iyagoo transit ku ahaan doona Istanbul iyo Khartoum. Balse su’aasha ayaa ah yaa u raaci kara Turkish Airlines Muqdisho? jawaabtu waa dad yar. Sababtuna waa in Soomaalida qaasatan kuwa ku nool Sweden aysan u safri karin wadankii ay ka soo carareen.

Baasaboorka ay haystaan inta badan Soomaalida ee Främlingspass ayaan loo ogolayn in lagu tago wadankii hooyo maadaama taasi meesha ay ka saarayso baahidii markii hore aad uga soo carartay. Dowlada KM ayaa iyaduna aan ogolaanayn in qofku iska yimaado oo uusan ku dhufsan galitaan.

Sidaa darteed ayuusan faaiido weyn u lahayn Soomaalida inta badan safarka ay bilowday Turkish Airlines inkasoo uu yahay talaabo aad loogu farxo.

Cida doonaysa in ay tikitka ka goosato Turkisha Airlines waxay ka heli karaan websitekooda. http://www.turkishairlines.com

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. Som du bäddar får du sova ( Student ) says:

    Suxufigeena Ustaad Jimcaale :- Asalamu Alejkom wr wb Må Allah Belöna dej , min kära bror.

    Kedib :- waxaan su’aal ahaan ku waydiin lahaa dadka haysta Passka Främlingspass oo dhan miyaa dad aan la ogolayn ineey Somalia dib u booqdaan , mise waa dadka haysta qaybta , haysta mid qxootinimada Gaarka ah loo aqoonsanyahay .

    Faahfaahin :- Waxaa jira marka sharciga la qaadanaa in qofka dacwadiisa , awgeed labo siyaabood , mid ka mida sharcigiisa lagu siiyo , qof Bini Adam nimo yaa loo tix geliyaa , ammaan ayaana la siiyaa , dadka qaarna kuwa Dhibaatada wayn dalkoodii kasoo gaaratay caddayn haysta waxaa la siiyaa Pass u gaara , ( magaciisa waan hilmaamsanahay )

    Calaa iyo Xaal , Främmlings-pass oo idil ma lagu booqan karo miyaa Dalkii dib ???

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

    • Jimcale says:

      Inta aan ogahay kala sooc ma leh.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

    • Mohamed Ali says:

      Mudane Jimcale waan ku salaamey.
      Waxaan tagey Mogadishu waxaana lagu dhuftey visa passportkeyga. Waxaan ku soo laabtey Sweden markii aan baxaayeyna Migrationka ayaan weydiyey waxaa la baarey sharciga aan heysto kadib waxaa la ii sheegey inaan aadi karo kuma noolaan karo Mogadishu iyo dhamaan Somalia.
      Waxey aheyd June last year. Haddana waxaan ka soo laabtey October 30keedii.
      Waxaan filayaa sharciga uu heysto qofka iney ku xurantahey

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. amino says:

    jimcale qofku hadii uu dhaho somali baan adin maxaa lagu sameen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Madridista says:

    Assalaamu’Aleikoum.
    Jag har bara en fråga, Måste man ha visum även om man är Svensk Medborgare och hur kan man få tag i det. tack,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

  4. Yuu says:

    Jimcaale 2 ayay kala yihiin waana in aad kala saarto maxaa yeelay waa loo ogolyahay qofkii heysta Främlingspass lakin waxaana marna aadi karin qofkii heysta Resadokument kaasoo ay ugu qoran tahay accept Somalia.
    Marka aan kala saarno Främlingspass waxaa laga wada waa Allians passport halka kan kalana uu yahay Resadokument isagana waa travel document.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Najmo says:

    masha,allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. attomoha@gmail.com says:

    Visa transid oo turki ah hadii uu wato qofka yaa u diidaayo in uu aado dalkii soomalia xageese ka keentay Qoraalkaan aaad soo bandhigtay ado raali ah wax tixraac ahna ma heysaa si ama INFO ka hadlaayo arinkaas mise tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Jimcale says:

    Halkaan ayaad ka akhrisan kartaan in aan la ogolayn in baasaboorka Främlingspass lagu tago dalkii hooyo.

    http://www.migrationsverket.se/info/143.html

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. nafiso says:

    wallow 1 suul ayan kuu weydinaa adoo rali ah ee igaa soo jawaab basborkeygaaaaa waa AF maa ii fah fahin kartaa adoo rali ah aqoon umaa lihii nocas ayaa laa isiyay markastanaa wan kuu weydiyaa igamanaa soo jawbtid jimaclee blz iga jawab aqoon uman lihi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. fatima says:

    baasboradiina dib u fiirsha sadax jeer ba lagu qoray somaliya kuma tagi kartid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. fatima says:

    hadii lagu ogaado markaad soo dageeso tarxiilkeeday waaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. luqmaan says:

    asc wr wb,baska,,aan wadataan,,waa lagu tegi karaa somalia,,,cid diidane,ma jirto,,e barta sharciyada,yuuusan qof wuxuu rabo,idin shegine,jimcale,,,asaga,muxuu u suq xiraa,,,turkish,,,malin,,waliba,somalia,,wa lagu taga,,,,basaborka yar,,,,dubia,,baana la maraa,,,,shaw,,hadiiba toos la helay ka fudud

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Var Kännor ( Student) says:

    Jimcaale Mahad Sanid :- waa wax Xeer ah , balse sida Ogaalkaygaa Migrationsverket Xeerkaan waa isaga qoran yahay – waxaa jirta dad badan oo ku dhahay anigu Dalkii ayaan aadaa, waalidkeey ayaa xasuunsan , ilmaheeygi ayaa xanuunsa , oo Haye lagu iyiri soona laabtay , tobanaan ayaan aqaanaa .

    Balse waxaan xog ku maqlay dadka ( JENEEFA ) haysta ineey gaar ugu adagtahay , xitaa iyagoo haysta yay tagaan kana soo laabtaan .

    Waase war Cusub haddii la isleeya Dalkii kuma Noqon kartid , swedhsishka inta Ummadihii naga reebeen oo 8 ilaa 10 sano dhaheen ku qaata , Medborgare , ayay hadda dhaheen ha aadinina Dalkiina , Qaraabo Goys ayaaba ahaydeen awalba Swedhishoow.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. Abdiwali Abdisalam (guduudow) says:

    ASC Jimcaale mahadsanid sida hufan ee aad soomaalida ugu adeegtid waxii dhibayana ugu soo gudbisid waad ku mahadsantahay akhii, su,aashaan iiga soo jawaab hadaad awoodo adoo raali ah bassaboorka aan haysto waa A8 maxuu yahay macnihiisu mase ku tagi karaa Somalia thnks bro jwb wacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Ahmad says:

    Ninkan waxowrabo ayu soqora jimcale wadankan inta jogta yar san garan karo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Liban c/lahi geseey says:

    Aniga waxan hesta sharci swidhan ah naagteyda aan rabaa inan utago marhore a igu dambeysay marka jimcalow intaan maraa sharci wahesta lkn waxow yahay ma aqan xamar sen ku taga isheg tilman isii nimanka turkiga ahna ma igala hadli karta an ilmaha utage xata tikidka abtigey a igadhibayo wax mahesto aniga iso jawab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. mahdi says:

    walaalayaal ma waxaad umadda u urineeysaan turkish airline ood waxaad dacaayad u sameeyneeysaan jubba iyo daallo oo horey dhib ku qabnay qashqashaad iyo gumeeysi badan markaad dubay transit ku tahay waxaad shandaddaada ku bixinee 80 dollar waxaa kaloo kuu dheer horay iyo gadaal ayeey berbera iyo hargeysa iyo jabuuti kuu kaxeeynee kadib ayeey muqdisho ku geeynee marka midi waa tan midda kale ma shabaab baa tihiin oo somalia lama aadi karo ayaad ina leedihiin anigu ma garan bal isu noqda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0