Tuuga Sweden ugu doqonsan oo lagu xukumay xabsi iyo musaafuris

9

Waxaan filayaa in akhristayaasha Somaliska ay si fiican u xasuustaan ninkaan. Waa ninkii bartamaha bishii hore wadada tareenka uga tagay nin cabsan oo uu baartay. Ninkaan ayaa la soo qabtay bilowgii bishaan ka dib markii shacabka Sweden ay gacan ka gaysteen soo qabashadiisa, isagoo laga soo qabtay xaafada Akalla ee duleedka Stockholm.

Ninkaan oo ah 28 jir ka soo jeeda wadanka Tunisiya ayaa maxkamadi ku xukuntahay 18 bilood oo xabsi ah iyo in wadanka laga musaafuriyo marka uu xabsiga dhamaysto. Ninkii uu wadada tareenka uga tagay oo lagu magacaabo Johny oo hada lug laga jaray ka dib markii uu tareenka jiiray ayaa xaadir ku ahaa maxkamada.

Ninka tuuga ah oo la waydiiyay sababta uu u baartay ninkaan ayaa sheegay in uusan xaysan wax uu cunto ku cuno. Markii la waydiiyay sababta uusan ninka uga qaadin wadada tareenka ayuu sheegay in uu ka cabsaday in loo maleeyo in uu isagu ku tuuray wadada. Ninkaan ayaa sidoo kale lagu haystaa dhac kale oo u geystay xagaaga.

Sababta loogu xukumay ninkaan xabsiga iyo musaafurinta ayaa ah tuugada keliya. Sweden sharci daro kama ahan in qof wadada tareenka looga tago. Arintaas ayaa keentay in dad badani ay ku baaqaan in sharciga wax laga badalo.

Arinta uu sameeyay ninkaan oo foolxumo ahayd ayaa ka caraysiisay shacabka Sweden. Kaamirooyinka ku xiran isteeshinka tareenka ayaa muujiyay ninkaan oo ku gaaf wareegaya ninka cabsan oo markii dambe intuu kacay ku dhacay wadada tareenka. Ninkaan tuuga ah ayaa markii uu ninku wadada tareenka ku dhacay baaritaan ugu dhaqaaqay oo ka qaatay boorsada lacagta iyo moobeelka, isla markaana uga tagay ninkii wadada tareenka oo daqiiqado ka dib uu jiiray tareenka. Johny ayaa laga jiray lugta bidix dhaawac soo gaaray ka dib.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here