Tuugada kaararka bangiyada oo soo korortay

5

Tuugada kaararka bangiyada ayaa soo korortay sida lagu soo bandhigay afti ururin ay sameysay shirkada SIFO. Tuugadaan ayaa la sheegay in ay isticmaalaan nidaam loo yaqaan Skimming oo ay ku koobiyeeyaan kaararka dadka ka dibna ay isticmaalaan.

Arintaan waxay badanaa ka dhacdaa maqaayadaha iyo goobaha qofka uu kaarkiisa u dhiibo dadka wax iibiya kuwaasoo koobiyeeya nambarada kaarka si ay dib ugu isticmaalaan. Tuugada qaarkood ayaa isticmaala nidaam midkaas ka sareeya iyagoo qalab ku xira darbiyada lacagaha lagala baxo oo halkaas ku koobiyeeya kaararka dadka iyo nambarka sirta ay isticmaalaan.

10 kii qof 1 ayaa ka soo dacwooday sanadkii hore in kaarkiisa qaab tuuga nimo loo isticlaamay. Tuugadaan ayaa layska ilaalin karaa haddii qofka aad u dhiibeyso kaarkaaga uusan meel qarsoon la galin iyo in qofku iska fiiriyo darbiyada lacagaha lagala baxo.

Shirkadaha bangiyada ayaa iyagana si fiican u ogaada marka dukaan ay ka socoto hawshaan iyagoo eegaya dacwada ka imaaneysa macaamiishooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here