Tuulada Sävsjö oo diiday in ay aqoonsato Somaliland

27

Beryahaan markii la soo qaado magaca Sävsjö waxaa lala xiriiriayaa Somaliland, maadaama uu halkaasi ku noolyahay ninka lagu magacaabo Mikael Torstensson oo ah la taliyaha madaxweynaha Somaliland mr Siilaanyo isla markaana ah nin u dooda in la aqoonsado Somaliland. Beryahaan dambe ayaa waxaa laysla dhex marayay in tuulada Sävsjö ay aqoonsatay Somaliland balse taasi ayaa waxaa ka biyo diiday gudoomiyaha degmada.

Sam Dualeh oo ah wariye ayaa waydiiyay gudoomiyaha Sävsjö oo lagu magacaabo Stefan Gustafsson in tuuladiisa ay aqoonsatay, isagoo ku jawaabay in ay jecelyihiin horumarka Somaliland balse aysan diyaar u ahayn in ay aqoonsadaan xiligan.

Hadaba su’aasha la iswaydiinayo ayaa ah faa’iidada uu u leeyahay Mikael Torstensson dowlada Somaliland xitaa haddii uusan awoodin in uu ka dhaadhiciyo tuulada yar ee uu ku noolyahay in ay aqoonsato Somaliland? Intee ayay le’egtahay fursada in uu dowlada Sweden ka dhaadhiciyo in Somaliland ay aqoonsadaan??? Mise sheekada dhan waxaa laga doonayaa nin caddaan ah oo calanka Somaliland meelaha la wareegaya?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here