Ugaarsigii booliska oo fashilmay

Ugaarsigii ay booliska Stockholm isbuucyadii la soo dhaafay ku hayeen dadka sharci darada ku jooga Sweden ayaa u polismuuqda mid fashil ku socda, ka dib markii la soo bandhigay in boolisku dadka ay qabteen ay 9 ka mid 10kii qofba ay yihiin kuwo sharci ku jooga wadanka.

Bishii Janaayo ayaa booliska Stockholm waxay sharci waydiiyeen 716 qof iyadoo 42 qof oo keliya dadkaas ay noqdeen kuwo sharci daro ku jooga wadanka. Sidoo kale baaritaanadii ay sameeyeen bishii December iyo bishaan hada socota ayaa tirada dadka sharciga leh ee qaladka loo joojiyay ay noqotay 90%.

Madaxa booliska dambibaarista Sören Clerto ayaa warbaahinta u sheegay in qaladka boolisku uu yahay mid aad u sareeya. Waxa uu intaas ku daray in uusan balan qaadi karin in dadka la joojinayo aan loo beegsanayn muuqaalkooda. Balse waxa uu sheegay in boolisku ay habdhaqankooda wanaajin doonaan.

Arintaan iyo guud ahaan mashruuca booliska ee dadka lagu joojinayo wadooyinka ayaa ceeb ka ah Sweden, iyadoo booliska aad loo cambaareeyay isbuucyadii la soo dhaafay markii ay soo ifbaxday hawsha ay wadaan. Booliska ayaa eeda dusha ka saaray madaxda Dowlada oo ay sheegeen in ay amarka bixiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, wali ma soo bixin amar lagu joojinayo barnaamijkaan ay boolisku dadka sharci darada ah ku ugaarsanayaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. fardowsa says:

    asc wan idin salamay dhamantin walal jimcaaale waxan kuweydinayaa dadka laqaqabanayo ma dadka kujoga dhumaleysigaa mise wadadka an sharciga lasiinin ani ma heysto wax sharci ah diidmo ayan heystaa lkn wali dacwadey waka socotaa maxkamada marka booliska ani xitaa ma iqabanayaan mise wa dadka iisoo jawab plzz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. abdiqqadir says:

    Asc jimcaale waa mahadsan tahay lakiin marka qaar waa lo bahan yahay in lasaxo somahan waayo dad badan ayaa joga wadanka oo aan sharci laheen marka arin taas in lasaxo so ma ahan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. mohamed says:

    qof joogay 5 sano ayaa la odhanayaa waa lagu celinayaa ma soconayso adeer u sheg taasna jimcaale gaalada u sheeg wakhtigaygiiba halkan ayaa iga cuntay hadana calis iyo sheeko aan soconayn ma jirto u sheeg jimcaale tack

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. najax says:

    walle somaliyeey wadankiina waa laydin ku diray.
    yurub maxad ku haysata hadad 5sano sharci la’aan tahay sow somaliya kooma dhaanto tan.somaliya wax kale iska daaye kabadh hadad furato waad noolanaysa
    war dhulkiina dhista

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  5. najax says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  6. maxamed says:

    najax wadaniyada waa fiican tahey lkn adiga iska bilow af muxuu taraaa sharciga sweden aad ku joogto iska celi ka dibna laabo ama iska aamus dadkoo dhan ayaa isku mid ah oo macaa adigu ku jirtid hal qof oo wadani ah inaguma jiro haddii qof wadani ah anigu jiro wadankeena hada waa nabad ninkasta wuu laban lahaa barafkaan iyo dhibkaan wuu ka carari lahaa wadankiisa hooyo ayuuna wax ka sameysan lahaa marka ilaah dhamaanteena wadani ha inaga dhigo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. runsheeg says:

    “Waa dareen dal iyo dad jaceyl ah oo qofka gudihiisa ku abuuran. Dareenkaasi wuu ka xeel dheer yahay ereyo aan dhab ahayn oo afka laga sheegoAma laga yiraahdo . Waa shucuur iyo qiiro aad u qabto dalkaaga iyo deegaankaaga; waa damqasho iyo diirnax aad u heyso dadkaaga iyo duunyadiisa. Waa wel wel iyo walaac ku soo food-saara markasta oo aayaha dalkaagu liito. Wuxuuna kugu dhalinayaa adiga oo aan ammaan iyo adduun midna rabin inaad maalkaaga, muruqaaga iyo maskaxdaada u hurto dadkaaga iyo dalkaaga” run ahaantii waa yartahay in la helo muwaadin sax ah laakiin waxaaa aaad iga yaabiya markaan maqlo ereyo aan macno ku fadhiyin marka qaar soo qoraaan iyagooo iska dhigaya wadaniyiin run ahaantiii waxaaad moodaaaa fawdadiii iyo kala danbayntiii in dadkeeeniii qurbahana la takeeen najax wuxuuu sooo qoray shame of u mise najax waxay kaga egtahay afka oo inuu qurbo ku noolaado ayuuu calooosha ugu qoran isaga iyo familygiiisaba .intabadan siyaasiyiinta soomalidu waxay isticmalaan ereyga ah soomaliya soomaalibaa leh haday arintaaasi run tahay maxaaa loo wayay inaad jeeex jeexdaaan basaboorada aanad usooo noqotaaan wadankiiina? guntii iyo gabagabadiii fadlan yaan wadaniyada been laga sheegin walalayaal dhamanteen nafteena been ayaan ku dhaqnaaa . asc hadiii aan khaldamay i toosiya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. yusuf says:

    aniga maalin dhawayd ayay polisen ka iqabteen markaan lahadlay ay idheheen soco wlhy waa yaabanaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. scadeey says:

    wan idin wada salamay dhamaantiin aqayaree horta wadankan waxan ujoknaa dhibka naheesto oo wadankeena aka soo cararnay hadane lama helaayo qof sharcikesa jeex jeexayo qof walba dhib ayu kaso maray imaantika wadankaan waxena u hureen naf iyo mal dadka dhahayo iska jeex jeexa wa qof dhib haanin qof walba wadankiisa wuu u bahan yahay aqayaareey illahay shartooda hana mootiyo kuwaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. somaliland boy says:

    somalida halkan joogta isaka dhex milma (beerma) swedhiskaa somalia dadkaa ku nool aya iska leh oo ilashanaya waxa qurabaha kaga maqan somalia magaadho 2 milion, xataa somali oo dhan marka laysku daro ayeey tiradasi qurabaha kaga maqan tahay, waxbana u noqon maayo wadankiina somalia intinan ee dhaqan xumiduun hala taginna sidaa ku amaan galiya somalia,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. ridwaan says:

    ASC dhamaan waxn idin leeyahay reer sveriga jimco wanagsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0