UK: Maxaabiista oo qaadanaya diinta Islaamka

Warbixin uu qoray wargeyska Daily Mail ayaa lagu soo bandhigay in dhalinyaro badan oo ku jirta maxaabiista UK ay qaadanayaan diinta Islaamka.

Xabsiga ugu weyn ee ay ku jiraan dhalinyarada ee ku yaala xaafada Feltham ayaa la sheegay in sadexmeelood hal meel dhalinyarada ku jirta ay yihiin Muslimiin halka qaar badan oo kalena ay diinta qaadanayaan.

Sababta maxaabiista ku soo jiidanaysa diinta Islaamka ayaa la sheegay in ay tahay isbedalka wayn ee Islaamku ku yeelanayo noloshooda iyo xitaa in qaar badan ay doonayaan cuntada wanaagsan ee ay cunaan maxaabiista Muslimiinta.

Qaar ka mid ah maamulka xabsiga oo la hadlay wargeyska ayaa u sheegay in ay la yaabanyihiin sida ay maxaabiistu u qaadanayaan diinta Islaamka. Dhalinyarada xaadireysa saalada ayaa la sheegay in ay aad u badantahay oo maalinta jimcahaha boos loo waayo dadka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. yackow says:

    asc dhaman umadaha islamka gaar ahan somalida runtii waa arin aad u fiican in deenta islamka ay kor u kacdo ama ay soo galan dhalinyaro

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. Somali says:

    Allahu akbar… Ilaahay dhamaan intaan islaam eheen ha gaarsiiyo diinta

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  3. yaasir says:

    alx maasha alh yaa rabi lakal xandu yaa siyaadi oo hanuuni gaalada oo dhan si ay u qataan diinteena macaan , allena caabudaan kligiis adeecana rasulkeena swc raxmatan lil caalamiin ah
    jimcaale sxb aqbaarda fiican oo sidaan ooo kle ah noosoo kordhi waxan ku leeyahy jimcaale jizaa akalahu qeeran aqbaarkan aad na soo gaarsiisay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. aabe somaliyed says:

    asc walalayan dhaman dadka musliminta ah wan idin salamay ilah aya mahada iska leh oo ku so hadiyeyay qawigisa walaxowla wala qowata anaka wax an awona ma jiran mida labad dadki sabab loga dhigay tusid ay tusiyen hab dhaqanka wanagsan ee dintena sharafta badan wlh nafteyda iyo tinaba waxan ku wanina in an galadan tusna dhaqanka diintena bes walh sida an aminsanahay iyada igu filnaneso wano wayo hada waxa arke su alo badan kaga imaneso galada xagoda o dhahayan ma dhor qeb baa muslinka malin hore waxan isugu kena wacay macaliminta ciyalka iskolka ayako ka astakonaya gabdhahena oo diday in ay la dabashan wilasha markas aya niri waa wax dintena dideso waana wax ku aburan o aynaba yelen gabdhahena markas aye na tiray macalimada ma muslinka aya dhor ah wayo musliminkalaba waa galan ka waran so caja ib maha marka walalayal an naqano dad isku dhaqan ah wayo hal din ayan hesana walh bi idnilahi wana so racayan cawantan onan din iyo tonaba lahen ilahna hana wafajiya towfiqda wabila towfiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Cabdi says:

    Allaahu akbar walillaahi xamdu.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  6. haji ahmed says:

    Mashalah. Xaqa waakacadyahay waxwalba o baadil ah .marka walalaha muslimka ah waa anaga waxa ladoonayo in diintena suuban ay noogadaydaan galada faasuqa kudhexjira. Ee an wanaajino sunada iyo aqlaaqaadka suuban si ay nasteexo ugunoqoto kuwa baadilka kujira.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. DHOOL says:

    mansha allah allah ayaa lajeclaaday diintiisa quruxda badan nin uu allah hanuniyo ma ogiya ninkala ma hanuun ee rabiyoow diintaada niku dil nuguna soo bixi, walal diinta soo galana waxaan leyahay hanbalyo allah ayaa injecel, kuwii ka qaabqatay oo lugu daydayna qeer allah inka siiyo ,habsigana allah inka soo bixiyo allah akbar , ciid mubaarak

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Âbukâr Âbđullâhi says:

    @ jimccaale warbixinta oo buuxda wargeyska soo qoray halkan ku soo daabac iyo qeybta oo oga daabacanyahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Mohamed says:

    Ma ahan wax lala yaabo waayo waa hidaayad uu illaahay ku manaystay dhalinyarada soo galaysa islaamka.

    Aniga waxaan aamin sanahay in aysan lahayn awood iyo xirfad ay ku soo galaan diinta islaamka ee ay tahay hanuun uu ilaahay la soo doonay, ALLAHU AKBAR illaah ayaa mahdaas iska leh.

    Allaha u siyaadiyo dhamaantood intii xaqa garab marsana Allaha soo hanuuniyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0