UK: Soomaali magangalyo doon ah oo xabsi galay ka dib kufsi

Ciise Muqtaar Maxamed waa wiil Soomaaliyeed oo 24jir ah oo maxkamadda Newcastle
Crown Court ee dalkaasi Ingiriiska ay bishii May ku xukuntay lix sano oo xabsi ah kadib markii ay ku cadaatay inuu weeraray oo kufsi la damacsanaa gabar 19 jir ah oo wadada socotay.

Ciise Muqtaar oo ahaa magangalyo doone sugaya sharcigiisa ayaa wuxuu tagay magaalo ya oo dhinaca woqooyi bari uga taalla Ingiriiska oo lagu magacaabo Tyneside halkaasoo uu Ciise doonayay inuu ka daggo hoy magangalyo-doon. Eedaysane Ciise ayaa gabadha kalatuuray kadibna ugu hanjabay inuu qori iyo midi wato, wuxuu ka qaniinay wajiga iyo madaxa asagoo isla markaana ka bixiyay garantii iyo rajabeetadii, wuxuuna sidookale dhabarka kasaaray gacantiisa si ay gabadhu ugu malayso inuu bistoolad wato. Gabadha ayaa isku dayday dhowr mar inay ka baxsato inkastoo uu xoog ku hayay balse markii dadka deegaanku ay ku soo baxeen ayuunbaa ay u suurogashay gabadha inay baxsato. Waxaa gabadha la sheegay inay u baahatay isbitaal si looga daweeyo qaniinyadii iyo xagatimihii kusoo gaaray weerarka.

Ciise ayaa warku intaas ku daray inuu kasiibtay oo gabadha ka dafay leesin ay wadatay intaysan ka cararin waxaana leesinkii lagasoo helay gurigiisa, halkaasoo laga soo xiray. Gabadha ayaa hada sheeganaysa in saamayntii kasoo gaartay iskudaygaas kufsi darteed ay umalaysay inuu kufsaday ayna cabsanayso oo aysan banaanka aadi karin aysanna xitaa seexan karin, iyadoo maxbuus ku noqotay gurigeeda.

Qareenka u doodaya Ciise ayaa ku dooday in xukunku uu aad u dheeryahay iyadoo la tixgalinayo inuusan gabadha kufsan oo ay kaliya ahayd iskuday maadaama kufsiga caadiga ah uu yahay toban sano, sidaas darteed ayuu Ciise ku guulaystay in xukunkiisa sadex meelood labo la tuuro, taasoo ah inuu afar sano xabsiga kujirayo.

Brian Forster oo ahaa xaakinka xukunka ku riday Ciise ayaa yiri: “Weerarkani wuxuu saamayn burburleh ku yahay gabadhan yar”. Wuu sii watay asagoo leh: “Waxaad ku tahay wadankan magangalyo-doone waana waajib saaran maxkamadda inay dadka gaarsiiso in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu dibada u baxo ama iska lugeeyo asagoon wax cabsi ah ka qabin in la weeraro”.

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

24 Responses

  1. simmy says:

    Haddii lagu cadeey dambiga, waxaan ku dhihi lahaa dambiilaha, “qandho ku dishay” adoo magangalyo doon ayaad ku kacday falkaan, bal maxaa waalaa, fiiri wejigiisa, waxow u egyahay daroogiiste.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. khalid ahmed says:

    Ciise Muqtaar Markuu Xabsiga ka so baxo Quraan hala saaro walaalkeena,,,, Gabarna halaugu daro

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  3. cadna says:

    xasbunalaah ilah haku cebeyo magacena somali ayad cebeysay maxaa u geyaay xaaran iyo wax kadaran waxuuba heli karaa miduu ilaah u tilmaamay aan ooklae waa kii soo gubay dalka asuuna raba in uu dal kajira kala danbeyn in uu kudaro hanunkana ilaah ayaa iskaleh adiga iyo intii kugu feker ahba ilaa ha idiin soo hanuuniyo midale intii macaga somali sheegatoow waxan nahay dad islaam ah ee ilaah kacabsada sharafta somaliyeedna inta harsan hasii dilina eee ilaaliya fadlan meelkasta oo aad jogtanba asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. MR,M says:

    Waa arin muraga leh waxan isleeyahay qaladkan waxa ku eeden laha Gabdha-ha Somalida maadama eeysan Guurkooda fududeeyn si walba ha ahaato waxan ku talin lahaa Wiilkan ina gabar laku taro kolka uu xabsiga ka soobaxo si Qooqa u yaraado,,Ilee wax walba waa la arka inta aduunyo joogtit

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

    • brave man says:

      MR,M waa sax walaal , gabdhaha soomaaliyeed ayaa sabab u ah !! wax walbo waxeey ka dhigeen xujjo iyo hebaalyabo arooskiisa hotel ayaa laga tumay ee anna iga tun cml !! war waxaan bini aadan maaha niyahoow !! lkn qaar fiicana weey jiraan inkastoo badankood isku fikrad yihiin !!CIISE insha Allah waad dhameesan doonta alkn falkaas oo kale mar dambe ha isugu noqon walal !!

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. xamdi sweden says:

    Diinteena Islaamka qofka qangaarka ah labo fursad ayee siisay dhanka guurka ah:
    1. in uu guursado hadii uu awood u leeyahy masruufka
    2. in uu soomo haduu uusan awoodin masruufka.
    intaas waxa laga hortagayaa dareenka qofka in meel ficn ku hagaagto.
    Ciise oo 24 jir ah maskaxdiisa kala saari karta xumaan iyo samaan inuu sidan sameeyo waa Danbi WEYN,,,WEYN,,WEYN
    Gabar ha lagu daro taas xal ma keeneeso, ee nin ficn aya gabar la siistaa midkaan gabartii wadada mareesay ka fakan la’ sidee reer u siiyaan gabartoda wa mustaxiil.
    xabsiga haku soo waano qaato.
    waa sharaf dhac isaga oo muslim ah inuu sidaas sameeyo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  6. amran says:

    asc waxwalaba waxa kadaran wilashan qiil kaga dhigaayo guurka gabdhaha war kawaas qiil ma iidin noqonaayee wax isku fala oo sharaftina dhorta hadi kale waxad gaareysaan xaalad ah markii gabdhaha somalida ama gabdhaha cadanka ahba idinka sooo hurbaxanba ay idinka cararaan midakale waxaa wax lala yaabo ah in aad ku diiri galisaan qof qaan gar ah in uuu xumaansameeyo wal cibaadu bilaah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  7. Magaca... says:

    walal fikirkayga ku aadan ninkaan hadii arinkaan sax yahay waa qalad weyn oo aan marnaba banaaneeyn waxan ku leeyahay ilaahay ha u toobad keenyo ninka wabkaan iska lehna waxan dhihi lahaa sharciga sixaafada ka mid ma ahan inaad ku soo bandhigto sawirkiisa taas ayad ku qaldan tahay adna oo dadka qaarkood aflagaa deeyaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. umu hani says:

    wiilka wuu qaldamay waxu ku kacayna alle raali kama ahaa qaladna qofka wuu gala marka ilaah ha u saqiro wanagana iyo xaqana alle ha tusu

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. nabaddon says:

    asc walalayal arintan waa arin xun hadey sax tahay ninkana waa u qaldamay eebe ha u tobad keno xalkisana gadal alaha haka hagajiya ayan ugu ducenaya marka xiga dadka wabkan mamula waa ka mamnuuc in ad qofka sawirkeda so galesan wayo wararka tv yada waa aragten qofka san danbiyesan wajiga saxab aya loga adiya marka masuliyinta wabka dib isugu aqda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. cali lysekils says:

    waa wax la yaab ah maxaa ku kalifay saan war aniga wlaashey ku siin laha hadaan ogaan laha in aad saas u kulushahay ee hadii lagu soo deeyo imaad sweden gabar baan kugu daara sxb waan ku gar gaara wiil somaliyeed baad tahay ma jecli sharaf xumada ilaah haka bad baadiyo galada shartooda qaldaka wuu dhaca oo waxa nahay ilmo nabi aadam

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Magaca...cayni... says:

    asc walaalayaal waxa hadey runtahay waa qalad Weyn .Weye. marka hore allaah ha weydiisto dambi dhaaf. Marka xiktana sharafti somaliyed in u meel uga dhacay ha xususto. Waxa duli nima ah adigo muslim ah in aan fal nuucaan ah ku kacdid.allahayow wadada xaqa ah nagu wada hag …

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Muno says:

    Doqon Maxuu Kufsi iskugu daye Örebro ***WAA LA TIRAY QEYBTAAN – SOMALISKA**** Gabdhihii Mesha Ku Dhashay Kuwii Kuso Koray kkuwii somalia kayimid Garoobo Örebro hadu iman laha isaga ku dayilaheen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  13. henery says:

    asc umada muslimiinta dhaamaan arintan way dahcdey balse caano daatay dabadood ayaa la qabtaa waxaanse la yaabanahay webkan oo ahaa webka hormuudka soomalida swedan oo hadana noqday web lagu ceebeeyo shaqsiyaadka taas waa ka mamnuun jimcaale inaad soo gelisaan webka qofkii oo sawirkiisii aad soo xadeen waana xaquuq daro sharciga saxaafaduna ma dhigaayo ma is weydiiseen cadaawada idiinka imaan karta qofkan aad fadeexadiisa banaanka keenaysaan eheladiisa iyo qaraabadiisa taas waxaan u arkaa inaad sharciga saxaafada baal ka marteen mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. wadani says:

    SOOMAALIYA MIYUU U MALEEYAYA HALKAAN, INDHIISA AYAA LAGA KASAA IN UU YAHAY NIN SOO QABSAN JIRAY GABDHAHA WAA NIN JIRRAN EE ALLAHA CAAFIYO HADDII UU WAXAAS SAMEEYAY

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. cadna says:

    tan wadato magaca muno naa waxan ku leeyahay xishoo gabdhaha wey xishodaanee ilaahna ka cabso kii ku gursan lahay ayaa dhib kugu qabidoonee

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. canab says:

    Asc dhamaan ka qeybgalayasha fikrdaha ilaahay ha asturo walalaheena wiilasha soomalaiyeed ah laakin waxan dhihi laha qofkaan cabsan oo ala ka cabsan isagan wa loo cabsadaa sharafta soomaaliyeed meel in looga dhaco iyo tan diinta muslimka intuba ma fiicna waxanse leeyahy dadka webkan qora fadlan idinku ma kontaroolan tihin idinku is waniya horta dhinaciina ayad sharafta sooomalida u dhuminaysan maxa kenay in nin soomaliyed magicisa iyo sawirkisaba la so geliyo oo ad cebeysan koley mar waa ceeboobi doontaa idinkana wayo qof ayad ula kac u cebeynaysan fadlan hadad sumcad rabtan ka daaya soomalida ceebta waxa loo aqrisanaya webkina wa somalinimo ka daaya bulshada somaliyed aflagaadada aad mediyaha usoo gelinaysan hadaad dad ama cadow somali u shaqeysana waa gonideeda war xiiso leh soo qora lakin qalbi jabka ka daaya magaca soomalaiyed diyo dadka soo maaliyed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. omar says:

    asc dhamaantiin aad ban uga xumahey walalkeen arinta ku dhacdey waxana leeyahey illaah cafis iyo dembi dhaafba weydiiso insha allaah tan kale ninkaan waxaaba kasii liito qoraaga webka soo geliyey sawirkiisa hadii aadba u bareertey inaad faafiso shaqsi soomaliyeed oo walalkaa ah ma garanweysey inaad sawir soo qaadan walaal jimcaale adigana waxan kuu sheegayaa in maalinba maalinta ka dambeysa uu sii liicaayo kalsoonida aan kuu heyney hadan nahey asxbta ku xiran webkan midaasna adiga ayaa kuugu dhaliilayaa mida kale kkkkkkkk waxan filaa ineysan gabar soomaliyeed ab iyo isirba u laheyn in ay afkeeda ku sheegto hadaladaas oo kale marka waxan aaminsanahey in magaca muno uu isticmaaley dhalinyarada mid kamid ah midaasna waa sharaf dhac loo geysanayo gabdhaheena soomaliyeed ninka soo qoreyna allaah kusoo hanuuniyo wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. Haykal says:

    Waxaa macquul ah Ama maragmawaydo ah in aay dumarka qaarkood arintaas u sameeyaan dowladu lacag hakugu siiiyo hadii aay dhacdo oo aay tahay Dhacdo Dhab ah Oo dadkoo dhami wada ogyihiin MUKHTAR waa ku khaldan yahay allena hasoo hanuuniyo Aaaaaaaaaaaaamin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. yaan barisamaadkiyo baashaalkukulatagin says:

    waa waxalagaxumaado runtii ahna waxaa aad ufoolxun saamayna kuyeelanaysa dhamaan dadka somaliyeed.
    Waxaase loobaahnaa in aanan faafin oo aanan noqon kuwii ayagu ceebtooda faaifa qasatan somaliska kuma aamanid arinkaan asagaa waya mahan postiv waa dhacado si sharafxumo ah udhacday manawanaagsana inlafaafiyo ninkaasna dhoore uu ahaa alle hasoo hanuuniyo ayaan leeyahay adigana ajer kahelimaysid in aad waxaas ookale sooqortid alle kacafiyo waxaan kaloo kudari lahaa hadii intii laceebobilahaa ee ay imaalaheed kufsi iyo waxii lamid ah halguursado wiil iyo gabarba si looyareeyo faldabiyeedka ha ahaato tan aakhiro iyo tan aduunba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Lajecloow Mohamed says:

    ASC WR WB FIKIRKAYGA LABO QOF WAA KU RAACSANAHAY KHAALID YARKA WATO IYO GABADHA XAMDI SWEDEN WADATO MASHA ALLAH RUNTI WA LABA RA’YI OO WANAAGSAN LABADABA DAAWO AY U NOQO KARAAN WIILKAAS MIDAAN IS EEDAYNTA AHNA WAA ISKA JIRTAA LKN QOF WALBO IYO GARAADKIIS QOFKA DUMARKA WAXNA MADIIDO WAXNA MAYEESHO MARKA WALBO WAA MIDAA ADIGA U DHAWAATO LABADAAS!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. biriq says:

    kufis waa caadi waa waxa soo jiren ha la iska dhafo wiilka kacis aya u geeye ma ahaan in saa loo boon buuniyo waayo waxaa dhac waxa ka fool xun illaah aan ubarino in xabsiga ka soo daayo isgoo nabad qabo walalaakeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  22. umu balqiis says:

    hadaan ku darsado fikirkayga wiilkan wuxuu meel uga dhacay sharaftii muslimiinta gaar ahaan tii soomaalinimada awal baan eheen dad farta lagu fiiqo hadana wuuba na sii shaacinayaa war ilaahay u toobo keen oo rabi ka cabso waxaad helaysaa gabar walaashaa ah oo xalaal kuu ah .. mida kale kan oo kale gabar in la siiyo maahan istaahilkiisa waayo waa wax noloshii ka dhacay war heedheh ilaah ha ku soo hadeeyo sidaan ba asomali u danbaysayee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. Devin Frometa says:

    I would buy baby bedding for a friends baby shower.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0