Uppsala: Nin sheegay in uu khaniisiinta u furayo Masaajid

12

Nin lagu magacaabo Mohamed Omar oo ku nool degmada Uppsala ayaa ku dhawaaqay in uu furayo masaajid ay ku tukadaan uppsaladadka khaniisiinta ah iyo dumarka. Waxa uu telefishinka TV4 u sheegay in masaajidka uu noqon doono mid ka soo horjeeda waxa uu ugu yeeray masaajida xagjirka ee ka jira Sweden.

Qorshaha ninkaan uu ku furayo masaajidka ayuu ku sheegay in uu yahay mid ku dhisan la qabsiga casriga ah ee Sweden iyo Yurub isagoo sheegay in masaajida ka furan ay yihiin kuwo ay hogaamiyaan dad xagjir ah. Waxa uu sheegay in goobta uu furayo ay noqon doonto mid dumarka door weyn ay ka qaadan doonaan. Waxa uu intaas ku daray in goobta uu furayo lagu qaban doono doodo, heeso iwm isla markaana uu yahay masaajid ku dhisan caqiiqada Muslimiinta sufiyada ah sida uu ku qoray boggiisa.

Sheekada ninkaan uu ku dhawaaqay ayaa ah mid cajiib ah. Waxa uu u muuqdaa mid ka faaidaysanaya culeyska lagu hayo Muslimiinta Sweden oo beryihii dambe lagu eedeynayo in ay yihiin kuwo ay hogaamiyaan dad xagjir ah. Qaasatan arinta ku dhacday gudoomiyaha uruka Muslimiinta Sweden Omar Mustafa ayaa Swedishka iyo qaar ka mid ah dad muslimiin isku sheegaya ay ku eedeeyeen in uu yahay xagjir khaniisiinta neceb una shaqeeya ururka Akhwaanu Muslimiin.

Ninkaan ku nool Uppsala ayaa u muuqda mid qaaday talaabo argagax leh isagoo abuuraya qilaaf balaaran oo Musliminta dhexdooda ah.

Mohamed%20Omar%20startar%20homov%C3%A4nlig%20mosk%C3%A9

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here