Urur Islaami ah oo lacag u celiyay dowlada

Ururka dhalinyarada Muslimiinta (Sveriges unga muslimer) ayaa go’aansaday in 1 milyan oo karoon ay u celiyaan dowlada ka dib markii lacagtaas horey taageero dhaqaale loogu siiyay. Ururka ayaa sheegay lacagtaan in ay ka timid shirkada loo yaqaan Svenska Spel oo ah shirkad qamaar taasoo xaaraam ka ah diinta Islaamka.

Lacagta ayaa ururka waxaa siiyay Hayada dowliga ah ee arimaha Dhalinyarada (Ungdomsstrylsen) kuwaasoo sanadkasta ururada waaweyn siiya taageero dhaqaale oo ay ku fuliyaan howlahooda.

Ururka dhalinyarada Muslimiinta ayaa sheegay in ay wadahadal ka sameeyaan arintaan iyagoo go’aansaday in lacagta ay dib isaga celiyaan. Waxa ay sheegeen in xaalad adag darteed ay u qaataan lacagtii markii hore. Sanadkii la soo dhaafay ayay go’aansadeen ururka Dhalinyarada Muslimiinta in ay aruursadeen lacagtii ay ku bixin lahaayeen howlahooda.

Ungdomsstyrelsen ayaa la yaabay in urur lacag dowlada u soo celiyo, iyagoo go’aansaday hada ka dib in aan ururada lacag laga siin shirkad gaar ah balse miisaniyada guud ee dowlada laga bixiyo taageerada dhaqaale ee la siiyo ururada. Ururka Dhalinyarada Muslimiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka cusub ee dowlada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Abu-Salaaxu-Diin says:

    Asc , Masha’Allah waanu soo dhawaynaynaa wanaaga ururka *SUM* Sveriges Ung Muslimer, sidaa ayaana wanaagsan . Mahadsanidiin da’yartii dadkeenoow

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. faiza says:

    walaahi waa fikrad fiican lkn waligey ma aan maqalin uruur dhalin yaro oo islaam ah waxaan jecelaan lahaa in aan ka mid noqodo sidee baan oga midnoqon karaa hadii aan ubaahdo in aan ka mid noqodo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Jimcale says:

    Faiza sida looga midnoqdo waxaa ka heleesaa websitekooda http://www.ungamuslimer.se/

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. umu hani says:

    mashaa allh wlhi aad ayaan ugu riyaqay urur islaami ah allah xafido dhamantoot

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Nuradin says:

    Waxan ad uga xumahay in an wabsetka an wabsetyada ugujeclaa Uu iguxiray boqashadisa lacak tas on awodo lkn qof sweden ijogo o iga bixiyo ananheysan waxan kacotsanaya mamulka iyo dhaman walalaha soboqoto wabkan ejoga swd in ey igacawiyan 25kr si an uhelo doqeyga mahadsanit

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. umu hani says:

    nuradin walaalkis wabsetka dadka lacag kuma xirin lkn danta jirto ayu ka hadlay balse aniga ayaa ka bixina 25kr inshaa allh lkn waxa qasab ah inaan helo ciwankada si aan ugu diro jemcale si u kugu so diro waxi aqbar ah qeer ayaan ku dhafay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Nuradin says:

    Umu.hani walashis thanks wan lasocda darufta jirto watna kumahat santahay goanka atqadatay lkn ciwanka xagen kusodira

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Jimcale says:

    Nuradin uma baahnid in aad waydiisato akhristayaasha in lagaa bixiso fiiga Qaybta Xubnaha. Mida kale bogga anagu lacag kama aanan dhigine waxaan ku soo siyaadineynaa Qayb aan adeegyo dheeri ah ku soo dareyno balse bogga warbixinada muhiimka ah nuxurkooda waad akhrisandoontaan.

    Haddii aad baahi weyn u qabto in aad ku soo biirto QAYBTA XUBNAHA. Anaga ayaa nala soo xiriiri kartaa http://somaliska.com/contact-us/

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Nuradin says:

    Jimcale walale haifahmin qalad wixi anmesha kuarkay ayan kahadlay waxana kubila dhaman mamulka iyo walalaha aqristayasha kamarebin in ad iga cawisan idinka marka hadi qofkale iyiray diyar uma arko qalad marka dabcan wan ubahanay qebta xubnaha thanks jimcle

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. umu hani says:

    jimacale walaalkis waxan dhib malaha somali mel waliba aay jogan waa walaalo kalamana marman marka hada diyar u tahay ina ku darto xubnaha nuradin tafadal hadi kale aniga ayaa ka bixina mesha wax xuman ah majiran………nuradin waxa igu so diri karta ciwankada umusaciid2011@hotmail.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. kamaal says:

    asc all maamul ka web ka waxan in ka cod sa naa ina ad iiga soo jwb taan su aasheda adin ka oo raai ah waxan joogaa masar xaskeega na sweden mar maada mada dad ka sooaalida ah lagu hesto aqoon si buxa aniga waxan hestaa kar ka un ka mar ka ma caden karaa kar ka soomaali lima deda ha dii aan la tago safarada sweden kar ka iyo war qad cadee neeso soomaali limadeda aan ka soo qada naayo safaarada soomaalida mar ka maxa reen kara foom ka ii soo jwb ba wall wa ma hadsan tahiin alll

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0