Ururka isbahaysiga jaaliyadaha Soomaalida oo la siiyay 2 milyan oo karoon

16

Ururka Isbahaysiga jaaliyadhaa Soomaalida Sweden (Somaliska riksförbundet) ayaa la siinayaa 2 milyan oo karoon si ay dhalinyarada Soomaalida uga hor istaagaan in ay ku biiraan dagaalada ka socda bariga dhexe. Dowlada Sweden ayaa ururkaan siinaysa 2 milyan oo karoon taaso la sheegay in ay u isticmaali doonaan waxbarasho iyo shirar looga hadlayo xagjirnimada iwm. Qorshaha ayaa ah in lacagta la gaarsiiyo 44 jaaliyadood oo hoostaga ururka isbahaysiga.

Gudoomiyaha ururka oo lagu magacaabo Abdinur Isse ayaa idaacada Sweden u sheegay in aysan balan qaadayn in hawshooda ay guulaysanayso balse ay fariinta gaarsiin doonaan dhalinyarada. Haweenayda dowlada u qaabilsan ka hortaga xagjirnimada ee lagu magacaabo Mona Sahlin ayaa soo dhaweysay in lacagtaan la siinayo ururka Somaliska Riksförbundet oo ay ku sheegtay mid muddo dheer ka shaqaynayay arimahaan.

Hadaba su’aasha ayaa ah sida ururkaan ay ku gaarsiinayaan fariintooda dhalinyarada doonaysa in ay u safarto dagaalada. Sidoo kale waxaa soo baxay bilihii la soo dhaafay dhaliilo loo jeedinayo ururada Soomaalida ee ku qaraabanaya magaca dhalinyarada lagu tilmaamayo xagjirka si loogu qaraabto oo lacag dowlada looga cuno. Dadka qaar ayaa ku doodaya in ururadaan aysan daacad ka hayn ka hortaga xagjirnimada balse ay markasta raadinayaan waddo ay dowlada mashruuc uga qaataan.

Sidee kula tahay adiga? fikradaada waa muhiim…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here