Ururka Isbahaysiga Soomaalida waa ku fashilmay difaaca danaha Soomaalida Sweden

4

Ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden (Somaliska Riksförbundet) oo lagu tilmaamo in uu yahay mid ka shaqeeya danaha iyo midnimada Soomaalida Sweden ayaa ku fashilmay difaacada danaha Soomaalida. Ka dib markii ay soo baxday bishii hore in xildhibaanad ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet ay dayaacad ka faafisay Soomaalida ayaa waxaa arintaas si weyn uga dhiidhiyay Soomaalida Sweden guud ahaanteen, marka laga reebo ururka oo dhagaha ka furaystay arintaan.

Hadda ayay soo daabaceed warqad ay ku dalbanayaan in haweeneydaan laga ceyriyo xisbiga balse jawaabtaan ayaa ah mid si weyn u soo daahday isla markaana imaanaysa xili layska hilmaamay dhacadadii. Arintaan ayaa sidoo kale muujinaysa habacsanaanta ka dhexjirta ururkaan oo ku mashquulsan sidii ay u qeybsan lahaayeen xoogaaga dhaqaalaha ah ee ka soo xarooda mashruucyada magac u yaalka ah ee sameeyaan iyo soo dhaweynta siyaasiyiinta qabiiliga ah ee Somalia balse markii ay timaado arin dhab ah oo u baahan midnimada iyo firfircoonida Soomaalida Sweden aysan isku hawlin.

Xubno ka tirsan ururka ayaa ku dooday in aysan dooneyn in si “cadiifadaysan” ay arintaan uga jawaabaan balse ay sameeyeen arin diplomaasiyad ah oo ay xiriir la sameeyeen xisbiga Vänsterpartiet oo ay jawaab ka sugayeen. Hadalkaasi ayaa ah mid aan la aqbali karin waayo arintaan waa mid cadiifad u baahan, waa mid u baahan in degdeg loo cambaareeyo oo laga gilgisho balse taasi ma aysan sameyn ururka. Xitaa way ku fashilmeen diplomaasiyadii maadaama xisbigu uu ka diiday ay la kulmaan isla markaana ay haweeneydii ay wali xisbiga xubin ka tahay.

Haddii ururka SRFS uu doonayo in uu matalo Soomaalida Sweden waa in ay sameeyaan isbedal xaga hawsha ah, waa in la arkaa wax qabad muuqda oo aysan ku doodin waxaan wadnaa hawl qarsoon. Soomaalidu nacas ma ahan oo waa ogyihiin qofkii wax qabta iyo midkaan wax qaban. Jaaliyado ayaan isku keena iyo mashruucyo ayaan wadnaa aan faa’iido u lahayn danaha Soomaalida mid soconaysa ma ahan. Markii eed loo jeediyo in ay ku doodaan dad agenda qarsoon wata ayaa weerarka nagu hayo taasina marmariso noqon mayso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here