Ururo caalami ah oo codsi u diray wasiirka socdaalka Sweden

5 urur oo isugu jira kuwa Swedish ah iyo kuwo caalami ah ayaa warqad u qoray wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström iyagoo ka codsaday in xal laga gaaro arinta mideynta reeraha Soomaalida. Ururada kala ah Rädda Barnen, Rådgivningsbyrån för asylsökande och flyktingar, Röda Korset, Sociala Missionen iyo UNICEF ayaa warqadooda ku qoray in nidaamka hada ay ku socoto dowlada Sweden uu kala qaybinayo familada.

Ururada ayaa warqadooda ku cadeeyay dhibaatada haysata waalidiinta Soomaalida, iyagoo ka codsaday in uu cadeeyo qorshaha uu ka damacsanyahay arintaan.

“Waxaan aaminsanahay xaalada hada jirta in ay familo badan u diiday xaqa ay u leeyihiin mideynta reeraha taasoo xad gudub ku ah xeerka caalamiga ah ee CRC (Convention on the Rights of the Child). Waxaan la kulanaa maalinkasta waalidiin ay arintaan dhibaato ka haysato” ayay ururada ku qoreen warqadooda.

Warqada ayaa waxaa saxiixay madaxda ugu sareysa ururada aan kor ku soo sheegtay sida Xogyaha Guud ee ururka Rädda Barnen oo lagu magacaabo Elisabeth Dahlin, Xogyaha guud ee Laan Qayrta Cas Ulrika Årehed-Kågström iyo Véronique Lönnerblad oo ah xogyaha Guud ee UNICEF Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. khalid ahmed khalid says:

    waxaa marwalbda dib inoo dhiga fashil ku yimaada somaalida,, waxaana ugu wacan an dhihi karaa somaalida oo marwalba yihiin dad kala socdo aan isku afkaar eheen taasna ay u dheertahey is xagasho dhaxdooda ah marwalba,, weli taariiqda luguma haayo the last 30 years somaali isku duuban oo hal dhinacna u jeeda,, marka laga reebo SYL .. waxaana kaloo jirta somaalida weli ineysan fahmin qofka inuu ku Qurux badan yahey wadankiisa,

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. faa,id says:

    Waa arin u hiilineysa codsigani in culeyska lagu saaro Dowladan Sweden sidii ay u mideyn lahaayeen caruurta iyo qeysaska kala maqan ee Soomaaliyeed illaahayna waxaan ka rajeynayaa in uu noo qasbo kuwa hortaagan sidii ay u midoobi lahaayeen qoysaska iyo caruurta kala maqan ee Soomaaliyeed. Dhanka kale waxaa wanaagsan in ay soomaalidu ay abaabulaan mudaaharaadyadda lagu mideynayo qoysaska kala maqan oo aan laga daalin meel kasta oo aan Sweden ka joognana aan sameynaa mudaaharaadyadda lana is abaabulaa.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. c/fitaax says:

    walaal jimcale xagee ayay waraaqda ugu qoreen ama bogee lagu soo daabacay wad mahadsantahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. zaki says:

    wax waliba waxey ku xiran yihin soomaalida oo ka jiifatay wada jirkeedo iyo mowqifkooda aan is raaacsaneyn waligeena hormar magaareeno hadaan isku xirnaaani oo maalinwalbo mudahaarad aan ka horsameeno xarunta baarlamaanka bal qofwaliba ha fkiro maxa soomaali iney isku xirnaato oo muujiso magaceeda iyo sharafteeda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Anders Lindström says:

    Välkommen att skriva på uppropet för rätten till familjeåterförening:

    http://upprop.nu/KANW

    Mahadsanid./Anders

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. maxame aweys maxmed says:

    asc dhmaan sxbta
    tan waa maa daalo iyo is habaabin dadka lagu sirayo
    ururo wax soo qoro wax ma qabanayaa ayee shu,aashu tahay ?
    wasiirkana arintaa asgaa wax ka qaban karo
    waa haduu in uu qabto rabo
    waqtigeea ayaan sugeenaa wax walbo dhmaan ayaa leeyihiin
    in sha,alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Dulmi diid says:

    Asalaamu caleykum,

    Walaayaal waa wax laga xumaado in mar walba aan eedeyno dowladaha magangalyada ina siiyay Sweden xaq bey u leedahay in ay diido dadka soomalida ah. Maxaa yeelay waa dad been iyo khayaano aan Alle raali ka aheyn kula dhaqmo bulshada ay la nool yahiin. Tusaale ahaan,1. Waxa ay isticmaalaan kala qornaansho 2. waxa ay been abuur ku keenaan dad oo ay ka ganacsadaan dadka sida is ximbaar iyo bug 3. waxa ay ku doodaan in ay walaalo is qabaan amo dad waalid isku ah ay is qabaan subxaana laah oo ay waliba meher iyo marqaati iyo sawiro u sameeyaan.

    War Allaha caadil ka ah aan ka baqno gaaladaan wey naga saxan yahiin ee horta aan anaga is wacyi galino oo aan ku dhaqano dhaqan wanaagasan ka dib wax walba waaa ay noo hagaagayaan dadkan qeylinaa waxey u badan yahiin dad walaahood waan is qabnaa line ugu xareeyay amo waalid kood subxaanalaah. Koleey run sheeg lama jeclo dad qeylinaa oo soo caytamana lama waan doono ee aan runta ka hadalno haba qaraaraatee.

    Danbigeena allaha dhaafo dariiqo toosan aduun iyo aakhirana ha ina waafajiyo.

    Wa salaamu calykum
    Dulmi diid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. awil says:

    sax waaye marwalbo waan kala socanaa danteenana ma naqaano qabyaalad iyo wax aanan gaaneyn ayaa uurka nooga buuxo, war isku tiirsada wax aan soomaalinimo kuweynay iyo Qaran qabiil kuhelimeyno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Okasha says:

    Salamulahi caleyka Bro malaga yaaba iney wax ka tari doonan codsiyadan arinka qoysaska soomaalida. Rabi talo ku filan subxanalahi.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. muslim says:

    Asalamucalaykum walal Jimcale suaashan ii ga jawaab sida ugu dhakh sii yaha badan haday suuragal tahay! Dadka waxaa laguxiraa pass iyo warqado cadayn ah maxaa warqado cadan noqonkara?Qofka ay cadee yaan ama waraaqo kahasta UNHCR cadayn ma u noqonayaan? shuran!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal inta aan ogahay ma jiro cadeyn Soomaaliyeed oo ay aqbasho Sweden. Sidoo kale ma maqal in UNCHR warqadaheeda ay cadeyn u aqbalaan waloow aanan 100% hubin taas balse waan soo xaqiijin doonaa. Warqadaha ay bixiso UNCHR waa nuucee? maxaase ku qoran?

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Abdikadira says:

    Asalaamu caleykum walaal yaal rabigiina talada udhiibta xasuusnaada waajibaadkiisa wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. saafi says:

    wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaat. dhamaan waa idin salaamay umada soomaaliyeed. walaale Jimcale hadaan su,aasha uu walaalka, Muslim kuwey diiyay hadaan kuguceliyo. waraaqaha ay UNHCR tu bixiso oo sida kaarka qaxootiga ama elyanka ma uu noqon karaa wax aqoon si ah sida ay wadamada kalaba u gu qaataan aqoonsi siada USA,Canada, ama yagaba sida ay qaxootiaga cusub kusoo qaadaayaan. walaale sidee umalaynee?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. deeq says:

    asc dhamaan wan idin salamay asxaabta
    wax yara ayaan ku dar sanayaa anikunaa
    ilahay ,swc, wax u qurankiisa inogu sheegay qoom walbaa lamaa duleeyo ilaa u isku is duuleyoo moyaane marka somalidu horta iiyada ayaa is dulaysay
    sabaabta uku wayn eee loo diiday midaytaa reeraha somalida wax laaf dhabar u ah waaa qiiyanadaa laa qiiyaamay wadankii margaan dhibaataysnayn inaa gacan qabtay taa ayaaa ino ku wacaaan dhibtaaa runtaaa haa laka hadloo, war maynaa beentu xaraan ahayn gaal iyo islaam in been loo sheegaa maynaa qalad wayn ahayn bay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0