Ururo dalbaday in la baaro cunsuriyada ka dhanka ah Soomaalida

7

Dhowr urur oo isugu jira kuwa Islaami ah iyo kuwa u dooda xuquuqda bani’aadamka ayaa dowlada Sweden qaasatan wasiirka cadaala Beatrice Ask ugu baaqay in ay samayso gudi baaritaan ku sameeya dhacdooyinkii cunsuriyada ahaa ee loo geystay Soomaalida ku nool tuulada Forserum.

Ururada kala ah  Afrosvenskarnas riksförbund iyo ururka Muslimiinta u dooda xuquuqda bani’aadamka ayaa sidoo kale warqad u qoray qaramada midoobay si ay cadaadis ugu saaraan dowlada Sweden in ay wax ka qabato cunsuriyda ka dhanka ah dadka Madoow qaasatan Soomaalida.

-Dowlada Sweden ayay saarantahay masuuliyada in ay dhowraan xuquuqda shacabka. Qaabkaas ayaa arinta xal looga gaari karaa. Waxaa kale oo wanaagsan in UNka ay soo diraan dad arintaan kala hadla Sweden – Ayuu yiri Kitimbwa Sabuni oo madax ka ah ururka Afrikaanka Sweden.

Kitimbwa Sabuni ayaa qaasatan sheegay in uu ka carooday qaabka ay siyaasiyiinta iyo booliska Sweden ula dhaqmeen Soomaalida. Waxa uu sheegay in ay tahay mid laga xumaado in arintaan ay socotay mudo balse boolisku aysan waxba ka qaban, siyaasiyiintu aysan arinta fiiro gaar ah u yeelana iyo in dadweynaha tuuladu ay arintaan indhaha ka qarsadeen.

Kitimbwa Sabuni ayaa sidoo kale cambaareeyay qaabka ay warbaahinta qaarkood u muujiyaan in Soomaalidu ay yihiin dad dhibaato ku qaba arimaha isdhexgalka.

– Arinta isdhexgalka maxaa ka galay xuquuqda bani’aadamka. Qaasatan xaqa uu qofku u leeyahay amaanka, in uu iskuulka aado iyo xaqa in aan la cunsuriyayn ma ahan mid ku xiran arinta isdhexgalka. In eeda la saaro dadka dhibanayaasha ah ma ahan mid caadi ka ahan aduunka- ayuu ku soo gabagabeeyay Kitimbwa Sabuni.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here