Växjö: Soo galooti dambe qaadan mayno

Iyadoo hada ay soo bilaabatay keenista qoysaska Soomaalida ayaa waxaa soo baxaysa saameynta ay yeelanayayaan dadkaas reerahooda lala mideynayo. Kamuuno dhowr ah oo horay uga hadlay dhibaatooyinka soo wajihi doona marka ay Soomaalida cusub yimaadaan ayaa wali sii wada cabashadii. Kamuunka Växjö oo ka mid ah degmooyinka sida weyn isugu diyaariyay soo dhaweynta Soomaalida cusub ayaa gudoomiyaha degmadaas waxa uu ka hadlay qarashka ku baxaya soo galootiga guud ahaantooda.

Mowduuc uu ku qoray wargeyska Smålandsposten ayaa ninka lagu magacaabo Bo Frank waxaa ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay in dowlada Sweden ay bixiso qarashka cayrta ee ku baxaya soo galootiga. Gudoomiyaha ayaa sheegay in 600 qof oo timid Växjö labadii sano ee la soo dhaafay ay 6 keliya heleen shaqo inta kalena ay qaataan cayr. Arintaas ayuu ku tilmaamay mid uusan kamuunkiisa xamili karin. Dadkaan uu ka hadlayo Bo Frank ayaa ah dadka soo galootiga ah ee wadanka iska dhiibay iyo kuwa dacwada lagu keenay. Waxa uu sheegay in masuuliyada dadkaan ay leedahay dowlada Sweden oo laga doonayo in ay bixiso qarashka iyo lacagta cayrta ee ay qaadanayaan dadkaan.

Bo Frank ayaa sheegay in uu hada doonayo in uu dolwada heshiis kula galo in aysan wax soo galooti cusub ah qaadan doonin balse ay soo dhaweynayaan dadka reerahooda lala mideynayo oo keliya. Arintaas ayuu sabab uga dhigay in dadkaan ay waxyeelo gaarsiinayaan dhaqaalaha degmadiisa.

Dhinaca kale, kamuunka Katrineholm oo iyaguna hada ka hor soo bandhigay fikrado la mid ha mida Växjö ayaa ka dhawaajiyay arin la filayo in ay ka careysiiso dadka deegaanka. Agaasimaha arimaha dhaqaalaha ee kamuunkaas ayaa sheegay in haddii aysan dowladu bixin lacagta ku baxaysa soo galootiga qaasatan Soomaalida cusub ee hada soo bilaabatay in ay ku qasbanyihiin in canshuurta ay ku kordhiyaan dadka magaalada iyo in ay shaqada ka cayriyaan qaar ka mid ah shaqaalaha kamuunka si lacagta loogu helo Soomaalida.

Arintaas ayaa ah mida ugu weyn ee ay ku doodaan cunsuriyiinta oo ah in soo galootiga iyo qaasatan Soomaalida ee waxbarashada aan lahayn ay dhibaato dhaqaale ku yihiin wadanka, oo ay nolosha ku adkeynayaan dadka wadanka u dhashay.

Dowlada ayaa bishii hore xoogaa u dabacday dalabyada kamuunada iyaga oo sheegay in dadka cusub ee iimaanaya lagu dari doono xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) oo lacagtooda ay bixin doonto dowlada. Balse arintaas ayaan wali la dhaqan galin, isla markaana waxaa muuqata in kamuunada aysan ku qanacsaneyn guud ahaanteeda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. Abokor says:

    Asc wr ugu horeyn waan idin salamayaa dhamaan macamiisha websitekan.

    ka dib waxaan wax weydiinlahaa walaalkeey Jimcaali akhii maxaa laga sheegayaa arimaha familada Somalida ee kuwa aan caruurta lahayn madama kuwii caruurta lahaa laga qaadayo DNA ga. adoo mahadsan waxaad ka og tahay noo sheeg. shukran.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Abokor waxba lagama sheegin arintaas. Waxay u muuqataa mid aan hada waxba laga qaban doonin oo waa laga wada aamusay. Wax isbedal ah oo arintaas ku saabsan ma maqal. Wixii muhiim ah ee ku soo kordha waan soo qori doonaa insha Allah.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Cadani says:

    Asc dhaman asxaabta waxan weydina dad yimid ma jira ila hada lahubo inay so galen sweden familada ah. Bal i jwba aqyaray

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. ifka says:

    salamu caleykum dhaman aqyarta wa ruun oo waxad mooda hada siidop walalken jimcale soqoray in wax weyn isbadalen waayo mar hore aya ugu dabeysay qof intrfiyuu afka mara ama ba logu yeero aniga khamistii aan sodhafnay aya waxa ii timi waraq ka tuurjuubeysa nokalay waxan kula yelanayna intrfiyuu afka marka waxana iga maqan ninki iiqabay waxana u leyahay inaan yar oo sweden ku dhalatay marka ilah waxan ka baryaya war khar qaba waayo wax kasta wa qadar aleh

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. abdirahman sh. dahir osman says:

    asc dhamaantiina sida aad u dhan tihiin jimcaale waxaan ku weydinaa sxb dadka waxaaa la daad gureydoona bisha july ayaa la dhahay bisha neh waan ku jiraa ma is badal ayaa yimid mise wax baa la hagaajinaaa ii soo jawab akhii kheer allaah ku siiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. caanogeel says:

    asc dhamantiin ,, safaradii nairobi wax war ah maxaa laga hayaa akhyaarey , waan isku dayay inaan wax ka ogado lakin wali wax fiican kama hayo ,marka jimcaalow wax war ah maka haysaa safaarada nairobi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Abdisalan says:

    Walaal Jimcale
    FAAHFAAHIN KU SAABSAN MESHA AY WAX MARAYAAN ARIMAHANA SAFAARADA NAIAROBI SXB HADII AAD HAYSO IGU CAAWI

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Saacid says:

    Thank for the good desing.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. aden says:

    anigu waxaa ku talin lahaa dadka somalida ahi fadhiga ka kacaan hadii kale waxaa lagaari doonaa xili magaceena laga foono.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. aamusane says:

    asc dhaman aqyarta ku xiran somaliska iyo walalka jimcale caano geel iyo abdisalan walalayal waa furan tahay safarad nairobi familjkayga aa ka soo qaatay foom cusub marka way shaqeynaysa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. nin culus says:

    safaarada nairobi waala furay inti jcl inee ogaato waa sidaas weena shaqeyaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Nasteexo says:

    jimcaale walaal waxan maqlay dadka caruurta isku leh oo isku guursaday sweden dhaxdiisa ah kadib caruur dhalay in eesan kujirin dadka leesla mideynayo maxaa kajiro arintaasi.mase maxkamada go,aanka marke so sareysay kadib dadka isguursaday ayaa laka wadaa?

    aniga ninkeyga waxu joga italia inta ayana isku gursanay ilmo ayana isku lenahay waxana is gursanay 2010 jawab isoo sii fadlan JIMCAALE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Xarbi xasan c/dule says:

      Wan ku farax sanahay in dib markale borka loka jafo safarada somaliya ee ku talay dalka kenya gar ahan casimada nerobi

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. c/fitah ciise says:

    wwaan idiin salamay dhamaantin jimcaale waxan raba inaan ogaado waxan u dacwooday 2 caruur ah hooyadood waa dhimatay waxan guursaday naag kale idaa ciyaalka isoo korisay 3 doodana waan iskugu dacwooday labadeenu waxba isku dhalin ma inta caruurta ii kenaan beey xaaska iga reebayaan mise waa isku kenayaan fadlan jicaale jawaab bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Careesuk says:

    Walal waxanahay famil doonaya in hada wax looga xareyo safarada sweden ee kampla waxeyna furmeysa baa nala yiri bashan 7aad marka mafurantay oo mashaqeneysa sideesi wax uga socdan xiligan adigoo mahadsn jwb pls

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Mustafa says:

    asc wr wb, salan kadib walalahaa hadan wax yare oo war ah idnku so kordhiyoo , familadaa wax isku dhalay way socdan arinkoduu ,
    anigaa waxa igaa maqnaa labo carur ah , malinti DNA lanaga qaday ani iyo xaska 4 isbuc kadib waxa lano so diray ogolashihi carurta
    markaa hawshu way socota , allaha dhaman ino wada fududeyo , allah gacantisa ayey ku jirta wax walba sabarna haa lagu daro
    waa bilahi tawfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. c/fitah ciise says:

    plz pro i jawaab adigoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Massago-- says:

    600 oo ay kashaqeeyso 6 qofood lee arintaaas waxaa eedeeda iska leh Kamuunka dadka xaw shaqa ugu raadi waayay Växjö waaheee kamuun weeyne- Mida kale aniga waxaanba ku tali lahaay Somalida soo socoto 2012-2013 waa dadaaan ka yareeyn 40 kun degmo camiri karo muga xaaa ba,aaayo hadii lasiiiyo magaalo aan cidna daganeeyn ayaka ladhaho is maamulo ileyn sweden weey weeyn tahay meela aan cidna daganeeyn aad arkee oo beeraleey lee loo ga kala guuray laguna camiro asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Abdiasis hassan says:

    Asc dhaman walalaha somaliyed meelkaste jooga waxan idin shegaya hoshu wa socota insha alaha sanadkan dad,badan ayan laga soo,qadidona africa marka niyada qeer ushega sabra qof walbo muraadkisa wa hela insha alah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. ilwaad says:

    asc waxan ahay hooyo somaliyeed waxan rabaa in aan ogaado wali sweden dad ma soo qaaday haba ka qaado DNA gaba e waad mahadsantagay jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. kowsar says:

    Asc waad salmntiihiin dhamaan walalaha. aniga waxan maray DNA QOSKEEYGA MARKEEY TAGEEN SaFARAD OOY RABEEN IN LAGAA QADO DNAGA wax lagu yirii waa ineen ad so xareeysaan fom cusub taasi ma dhiici karta? qofkii wax kala socda ariintaas amba eey qabsataay oo siidaan ldhahaay fdlaan iisheeg waan u bahnahaay ariintaas adinko mahadsaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Raaxo says:

    Asc wr wb walalo wad ishegta dadaka isku dhiba wadanka magan galayo donka iyo kan laga keney ama aya so qadate dowlada ama ey ka codsatey qaxotiga ku nol kenya ey gacanta ogu jiran hayada uhcr dowlada iswidhan dalbad ku kentey wadakan ma isku siba lo mamula hadase malin dhaweyd waxey codsatey iney ka qadan donto 30 qos sandkan gudahed bal fafihi walal mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. abdirisaaq says:

    sweden dhibka yaalo dadka ma oga waqxay umaleyaan jiif inuu yaalo praktik iyo school aa lagu geynayaa meshaan waxaan ka aminsaneen mataalon xitaa shaqo malahan meshaan jano mahan ee dadka usoo socdo ha ogadaan anagaa yaaban cayrta la isisiyana waa kunooloow iyo boqol dolar afrika uga dir

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0