Video: Gabadhaan waxay luuqada ku baratay 2 sano jaamacadna waa bilowday

Gabadha lagu magacaabo Joana Miro waxay Sweden qaxooti ku soo gashay labo sano ka hor, iyadoo muddo gaaban ku baratay luuqada isla markaana ku bilowday jaamacada Uppsala oo ka mid ah jaamacadaha ugu afka dheer Sweden.

Joana oo ka soo jeeda wadanka Syria ayaa ka soo carartay dagaalada wadankaasi ka socda. Markii ay Sweden timid ayay ku hami weyneyd in ay bilowday waxbarashada farmashiyaha iyadoo dadaal dheer u gashay in ay luuqada barato. Waxay telefishinka SVT u sheegtay in ay dadka kula sheekaysato baska iyo meelkasta oo ay kula kulanto. Waxay muddo gaaban ku dhamaysay SFI, SAS iyo Svenska 1, 2,3.

Intaas kuma aysan hakan ee waxay codsi u dirtsatay jaamacada Uppsala Universitet oo ay sanadkaan bilowday waxbarashada farshamiyaha. Waxay sheegtay in aabaheed uu dhaqtarka ilkaha isagoo ku riyoonayay in caruurtiisa ay mustaqbal waxbarasho samaystaan. Aabaheed ayay sheegtay in 16 sano ka hor uu dhintay, sidaas darteedna ay doonayso in ay ka dhabayso riyadiisii. Hooyadeed oo hada kula nool magaalada Västerås ayay sheegtay in ay habeen iyo maalin garab taagan tahay.

Guusha ay gaadhay gabadhaan qaxootiga ku soo gashay Sweden labo sano ka hor ayaa muujinaysa in ay macquul tahay in hore loo socdo qofkii doonaya. Qofka hamiga leh ayaa gaaraya hamigiisa haddii uu dadaal dheeri ah la yimaado.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

48 Responses

  1. mahamed says:

    asc wrm jimcaale waa mowduuc aad u fiican oo dhiro gelinaayo iney dadku waxbaran karaan lkn sxb mid Ayaan ugu dhalilayaa weligeyga kama arag adigoo qof somali ah hor u markiisa soo gudbinaayo maxaad so gudbisaa dhamaan guul darooyinka heysta somalida aniga waxaan aqanaa somali badan oo mudo 3 sanno gudahood jamacad ku gashey waxbarashooda muujiyey kuwaas ma soo qaadato

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

    • Jimcale says:

      Mahamed waxaan filayaa in aad waqti dheer ku xirnayn boggaan? Waayo tobanaan goor ayaan soo qoay soomaali horumar samaysay. Laakiin dadku si sahlan ayay ku hilmaamaan wanaaga, xumaantana ma hilmaamaan. Aniga ayaa kaa jecel horumarka Soomaalida oo wax aan ka faa’idayo ma leh faafinta xumaanta balse muhiimada boggaan waa in uu soo tabiyo waxyaabaha quseeya Soomaalida ku nool Sweden wanaag iyo xumaan intaba.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. Anonym says:

    Salama

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Anonym says:

      Salama aleykum
      Waxaa hubaal inuu qofku ka miro dhalinkaro riyooyinkisa isagoo Allah swt kaashanaya hadey ka goantahay qofka inuu meel gaaro waa gaarikara. Sweden 6sano aysn jooga 3y dugsi sare ah iyo 2y oo jamacada hada an kujiro ayan ka garay 1y ayeynah igu qadatay inan luuqada barto. Horey usocod waa socon hadii hami iyo goaan jiro Rabinah talo lasaarto.
      Mahadsanidiin

      Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

      • samsam says:

        Anonym sifican aad samesay waliga horay usoco walal waanad kuguulaysan dontaa insha allah

        U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. samsam says:

    spännande,,dadala waw gaaraa way jiraan dad aad u dadaala somalida xata ,,lakin dacada marka loo hadlo umadaha kala waa naga yara dadaal badan yahin ,,anaa kudhameyay under två år sfi svenska grund och jobbade ett år under där tiden svenska,1 xata iyo 2 ba waa kudhamen karay lakin ana ämne yaal kale dortay marka qofku haduu da daaalo waw kudhamen karaa da daalana waw gara,,marka walalahayga somalida waxan oran laha da daala oo idinkoo malintii shaqeenaya habenkii waxbarta,,mida aan idinku dhalilayo oan oranayo wanalaga dadaal badanyahay ayaa ah majority ga umadaha kale waan arkay inbadan ayagoo shaqenaya malintii habeenkii 2 ämne qadanaya lakin anaga waynagu yar yahin dadkena da daalka badan ee fadhiga ka kaca sverige qofaan utbildning lahen fursadihiisa shaqo ama mustaqbal aadbay uyar tahay,,

    tack jimcale waxyalaha dhiri galinta waliba waxbarashadu waa roool wayn ,,gabdhan horan uarkay shekadeeda marka hadad inta noosoodhigtay wadku mahadsantahay waqtigaaga aad galisay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. Umu hanad says:

    ASXAABTII LABA SANO EE AAN HALKAN AFKAARTA KU KALA QADAN JIRAY OO AAN ISKU KIISKA AHAYN OO AY KA MID TAHAY ROODA, UMU ALWALIID IYO UBAH, WAXAAN HELAY JAWAABTII IN MUDO AHBA AAN SUGAYAY WAXAY NOQON DOONTO, WAXAYNA IIGUSOO JAWAABEEN DHIIGAGA INTERVIEWGAAGA DHAMAAN WAA SAX LAAKIIN 2 SANO MAYDAAN WADA NOOLAYN NINKAAGA INTAYDAAN SWEDEN IMAN, KOLAYTO ANIGU WAAN FILAYAY JAWAABTAN IN KASTOO WAX WALIBA QORAAL YIHIIN, HADANA WAXAY AHAYD WAX ISKA CAD OO MARKAAN ARKAY ASXAABTAYDA OO LAGU HAYSTA ARINTAAS 2 SANO WAY IISII MUUQATAY WAX SAAMAYN AHNA IIGUMA YEELAN HORAA LOO YIDHI FALAADH AAD FILAYSO WAXBA KAAMA QAADO. MARKAA ASXAABTA ANIGA XAALKAYGU WAA SAAS KHAYRBAAN IDIIN RAJAYNAYAA KOLAY ANIGU WAAN DAALAY BAABKAASNA WAANBA ISKA XIDHAYAA WADO KALE AYAAN RAADINAYAA OO AAN AHAYN DACWADA SIDAN CAAJISKA U AH, WAXAY UGU TALO GALEEN IN AY DADKA NIYADA KAGA DILAAN OO INTAY WAKHTI DHEER XARAYSNAATO KADIB WAX YAROO MICNO LAHAYN UGUSOO MARMARSIIYOODAAN KADIBNA DIIDAAN, MARKAA INTIINA SUGAYSA WAXAAN IDIINKU RAJAYNAYAA WAX SAN IN ILAAHAY IDINKA SIIYO. MAHADSANIDIIN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. nuurka says:

    umu Hanad mid samey maxkamada ugu sii dacwoow arintaada meel fiican ayee maroysaa adiga lakiin ma ogid ee maxkamada ku dheh dhiigeyga wee bareen ilamaheygane anaa dhalay ee maxee igu haystaan migrationka walal, waxii aqbaar intaasi sii dheer hadii aad rabto emailkada isoo qor asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. mahamed says:

    jimcaale sxb iga raali noqo waa run webka faaido ku qabnaa anigana waa ku xiranahay akhbaartana waa ka qaataa lkn waxaan kugula talin lahaa dhiira gelinada noocan ah oo ku saabsan waxbarashada noo sii wad boqolkiiba boqol dadkeena niyada ayey ka dhinteen xagga waxbarashada waxaa la inagu dacaayadeeyaa jaamacada somalidu waa taxi hamiga ninka somaliga ah waa taxi iyo ereya la mid ah dad ajenbi ah ayaan tartan kula jirnaa insha allaah adna qeybta saxaafada naga caawi dhiira gelin faro badan kuu ku saabsan waxbarashada nasii dad badan oo somali ah oo waxdhameeyey jiro kuwaas soo gudbi si kuwa kalena ugu deydaan meeshana uga kacaan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  7. Umu hanad says:

    Nuurka thanks laakiin Waxaan filayaa inuusan webkan ogolayn in email lagusoo bandhigo because of markaan soo qoro waa LA masaxayaa laakiin faceboogayga ayaad heli kartaa oo ah (amiira aaden) wixii macluumada iisoo dir insha allah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. nuurka says:

    maxaa kuu saaran facebooka keyga ku darso Nuuradiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Ubah says:

    Umu hanad walaashay’ aadbaan uga xumahay waxa kugu dhacay laakiin anigu ma filayo in Sweden cid danbe oo Somali ah siinayso Ogolaansha siiba 2 sano dadkay u bixiyeen Ee aan wakhtigaas hore usoo wada noolayn. haday dhacdana waa Boqolkiiba 10 ama nasiib aad u diciifa’ markaa aniga markanaa insha Allah iigu Danbayn doonta waan ka daalay saan u sugayay’ waxay Gaaladu ugu talo galeen in ay niyada naga dilaan siiba Sweden waa Cunsuriyiin Qudhuna 2 sano oo dhaw dhaw ayay dacwadii LA maqnaanayaan hadana Diidmo allow sahal amuuraha wakhtigiibay naga dhumiyeen saan dacwad u sugaynay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Umu hanad says:

    Ubah walaashay in ay i diidaan waxba uma arko oo ilaahy ima diidin laakiin waxaan ka murugsanahay wakhtigay naga lumiyeen Ee habsanka ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Umu hanad says:

    Nuur walaal faceboog waxaa ii saaran laba sawir oo iskumida oo shalmad cas iyo muraayada indhaha adiga wax kuu saaran ma aqaano.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ubah says:

    Umu hanad walaashay beentaa maaha macaanto wakhtigii oo dhan waa naga dhumiyeen.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. asc somalida dhamaan inta web ka kuxiran iyo qore sare mr jimcaale qaasatan qaasatan heer 2ba sano
    sheekadaa miyeey keenen aaway dadkii lahaa 2ba sano waa laga gudbay

    umu hanad wax kastaa waa calaf
    ee iska samir
    lkn hada arintaadu meel fiican ayeey maree ee haku niyad jabin loyer fiican qabso insh,allah wey kosoo dhamaanee wale samirkaada ayey firinooyaan in aad ku xanaaqdo ee iska dhaafto rabaan
    ee waa goormee? marka ad jwbta heshay? ado mahadaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Umu hanad says:

    hassan Kaamil walaalkay waxay isoo diideen 7 bishan november, Loyerku muxuu qaban karayaa walaal mar hadiiba wax yaroo bilaa macna ah haday igusoo diideen?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. shukran abaayo
    loyerku wax weyn ayoow qaban karyaa wayoo qodob sharci ah kuguma heestaan
    ee hanleger cunsuri ah ayaa kugusoo aaday oo aan ahmiyad ambo masuliyad iska kaasarin
    marka loyer fiican raadso insha,allah waa koso fududaanee lkn haka quusan
    walaashey
    ani 15tii novemer 2014 ka ayaa xareeyay walina wax ila hadlaa ma arag sanad ayey maroowsa waline file ka lama kala furin
    lkn dad badan oo loyer qabsaday arkay lana ogolaaday
    ee adi gormee xareysay? online mase safaarad toos ah walaasheey
    sweden sheka caruureedkii ayey keentay lkn ingaa qosan la,a lkn waxii calaf iyo qeyr kujiro alle hana waafajiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Umu hanad says:

    walaalkay hasan Kaamil waxaan xareeyay 2014 bishiisii 6, safaarad ayaanan ka xaraynay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. ok waa ku mahadsantahy shukran

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. nuurka says:

    umu hanad magaceyga ku qor waxaad arkeysaa aniga oo fadhiyo meel waxaa iga dambeeyo cagaar ama coos sidaad u taqaanid funaanad cad oo kalar leh iyo koor ayan wataa Sidaan u qor facebokeyga (Nuuradiin Ciise)

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. mr nuur cid war bixin iyo faahfaahin dheeraad ah nasiisa waaaba u baahaneyn
    umu hanad adoo mahadsan ma markii koogu hureeysay ood xareeysaa????
    mana fiiicno su,alaaha bdn lkn danta ayaa ka fursan weyday
    shukran jwbtaadu waaa muhiim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Umu hanad says:

    hasan Kamil may walaal maaha markii iigu horaysay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. warsame says:

    waxaan in mudo ah ahaa ruux idinla mida 28 bishii tobnaad Ayaan ogolaashaha helay dhoor jeer diidmo dhoor jeer kiis cusub xareyyn waxaan aqaanaa xauunka ay leedahay wax alaale iyo waxaad su aal ka qabtaan kiiskeyga iyo siduu ku dhamaaday kama caajisayo waa balan hadaad doontaa hal su aal isoo wada weeydiiya isku nooc gebigood anigaa diyaar u ah ilaah inta kala maqan ha isku keeno insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Yahye says:

    Hej, bror. Den här kvinnan har uppenbarligen gjort sitt bästa men vi är lika eller mer ambitiösa som henne. Håll koll dessa. Jag bor Sverige knappt ett år och kan bättre svenska än denna kvinnan. Jag skryter inte men jag anser att vårt folk somalier finns många pärlor och framgångduktiga människor. Ena sidan är det bra att utmana din allmänhet och andra sidan är det bättre att du skulle ta somalier. Det skulle uppenbarligen vara riktigt uppmaning för vårt folk. Tack
    Yahye

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  23. wardheere says:

    Warsame Waxaan walaal ku waydiin lahaa, ma igu caawin kartaa Lawyer kaagii dacwada kuu waday numberkiisa, aadbaan ugu baahanahaye si dag dag ah mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Warsame says:

    Asc dhamaan waan idin salaamay asxaabt webkan ku xidhan iyo maamulka webkaba. salaan kadib waxaan idink si naxariisleh idiinka CodsanYaa in aad isiisaan Lawyer daacad u ah shaqadiisa oo fiican numberkiisa ama halkaN kal xidhiidhi karo oo dagan Linkoping ama Norkoping arin waynba igaga xidhan webkana waxaan ku xidhnaa mudo 5 sano ku dhaw, waxaanan rajaynayaa in dantayda shakhsiga ah aad wax igala qaban doontaan, maadaamoo si guud iyo afkaar guud aan halkan ku wadaagi jiray. Ma jeclayn in aan mawduuca idinka dhex galo laakiin danbaa tidhi waanan idinka raLi galinayaa waxanan raJaynayaa in aad codsigayga wax igala qaban doontaan maalinba qofbaa dhibane ah. Mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. warsame says:

    wardheer sxb loyar labada magaalo aad sheegtay degan ma haayo maxaa yeelay aad Ayaan uga fogahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Wardheere says:

    Warsame walaalkay aadbaad u Mahadsantahay hadaad Cid ii waydiin Karto ii waydii insha allah, waad mahadsantahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Caba says:

    Asc warsame walalkis meel aan kaala soo xiriiro iso qor aan warbixin iyo maclumaad kusiyee insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Wardheere says:

    Cabi walaal mahadsanid faceboogayga ayaad igusoo darsan kartaa waa Cimran haashimi waxaana ii saaran sawir Diyaarada aduunka ugu wayn. Adna isoo qor magacaaga iyo calaMada kuu saaran si aan kuu aqoonsado, mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Wardheere says:

    Cabdi haduu kuusoo saari waayo waxaad ku qoraysa Ibnu Ahmed Yuusuf waxaa saaran diyaarad wayn. Thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. Caba says:

    Wardheere bro waa heli la ahay fck lakin dhib malahan wax yar waa kaa mshquulay raali ahow bro abuukataha numberkiisa aya kusoo qoraa wac insha allah waa kan 08246004 Advokat Erik waxuu degan yahay Stockholm nasiib wacan bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. Warsame says:

    Caba walaalkay aad iyo aadbaad u Mahadsantahay sida wanaagsan ee aad hawshayda iskaga xil saartay alle haku sharfo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Wardheere says:

    Caba walaalkay aad iyo aadbaad u Mahadsantahay sida wanaagsan ee aad hawshayda iskaga xil saartay alle haku sharfo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. roodo says:

    asc umu hanad walshy aad baan uga xumahy waxa kugu yimi laakiin allaah qadrkii lama seegyo iska samir loyerna qabso sida ay kugula taliyen walalhena kale ayaantaan khadkaanan soo galin hadaan ku arky walaashay adoo raaliya ma guur danbaad ahyid gormuu ahaa guurkaagu imisa caruuraa kuu jogta fadln igna raali ahaw celsha biha rajo maleh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. roda says:

    2 sano ayaan jooga walina åk9 ayaan jooga jamacad daayo war waxaan luqadooda bakhtiga naga wada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • samsam says:

      Rodo wadankan dad ku ayaga wax isbara abaayo da daal waad gaari dontaa,,läxa hjalpaha badso, hadad cawinad iyo tips rabto oad stockholm kunoshahay lördagarka waqti wan haya kontaktskaga isoo sii wankulmi karnaa wana ku cawinkaraa marka da daal haka midnoqon waliga dadka isdhibay oo waxbarashada isaga hara

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Umu hanad says:

    walaashay rooda macaanto waxaan ahayn Guur danbe laakiin waxay dheheen 2 sano hore umaydaan soo wada noolayn Baasaboorna ma haysataan oo aan somali ahayn markaas walaal kama xumi qadarka ilaahay laakiin wakhtiga ay naga dhumiyeen ayaan ka xumaaday, Ceelasha biyaha abdo malahan ninkaygu wuu shaqaystaa waana nin cilmi leh, waxaanan isla Garanay in aan isaga Guuroba Sweden oo meeshanba aan iskaga Tago meesha waxba ma yaalaan aan ahayn Cunsuriyad iyo in caruurtu khatar nagaga jirto in gaalo naga qaadato markaa waa saas walaal alle khayr haka dhigo meeshan way iga soo hor booday.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. roodo says:

    umu hanad walashy qaaliya ilaahy hakaaga hiilsho najasada say donan bay yelaan hada aniga walshay baa timi asbuucii hore waxyna fiiso ku siyeen basabor somali ilmahedana waxy u qady basborka say markaa ugu siyen hadba qayibna ledahy lama aqoon sana walshey iswedhan somaali dhaxaa wey qaaden laakiin filinka lama aqoonsna basborka somaliga waa been fiisy iswedn ka wadty casmaad ah safarada saanbiya ugu taaal anigu hady I diidaan dib danbe u xarysan maayo walaahi wey iga hortimi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. Umu hanad says:

    Rooda abaayo Passport diid maaha sheekadoodu ee waa Somali nacayb iyo Cunsuriyad maxaa yeelay Somalidayada Halkan Joogta Ma dhex Galo Gaalada oo waan ka uruursanahay, sida carabta iyo islaamka kale qaarkood u dhex galaan uma aha somalidu oo badi dhaqankooda iyo diintoda way ku adagyihiin in la duufsaday oo aad u kooban maahane, sidaas awgeed somali lama Tusi karaba teeda kale Rooda waxay ugu Talo Galeen in niyada ay Naga jabiyaan oo 2 sano in ku dhaw intay dadka meer meeriyaan hadana diidaan oo wax maalaa yacni ah ku diidaan, dee cidiba kama soo Kabsanayso wakhtigaas dheer Cid dib u Xarayn doontaana ma jirto waayo waa wakhti dheer inta dacwada la sugayo, haba lasugee wax aan sakaaro ka biirsan oo maalaa yacni ehbay odhanayaan waan kugu diidnay oo Mar marsiiye ka dhiganayaan, markaas ,meeshan meel maaha waa Uskag, dani kugu qabatay mooyee wax la yimaado ama lagu noolaado maaha Cunsuriyadooda iyo Balaayadooda allow na Mooti.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. Mumin says:

    Umu hanad walashiis waa saad sheegtay dad ayay saas iskaga dabadhigtaan aniga kula hadlaayo 2009 ilaa hada ayan sweden inaan familkeega la midoobo ii diidan yihiin sababtana waa somalinimada soo cadee xitaa labo mar waa is dhiibay waana i celiyeeen xitaa DNA waa iga qadeen waana islahaanay ilmaha iyo aniga marka walashiis haniyad jabin waligaa fiiri dadka kaa daran inay jiraan hana quusan maalin un bay sharciga kuu siinayaan insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. Xusen says:

    Muumin Bro waxaad i Fahamsiisaa sidee kuu celiyeen, halkayse kugu, ma meeshaad markii hore kasoo xaraysatay ayay kugu celiyeen intaad sharci daro kasoo Gashay, hadase sidaad wax yeeshay oo Kiiskaagii ku danbeeyay Thanks Brother.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. roodo says:

    asc meshaan dad baa ayaantaan ku arage malha jawaab ay la dhacaan bay helon oo wey kharsden kkkkkkkkkkkkk kaftn.com umu allwaliid iyo ubax iyo qaar kaloo badnoo reer 2sano ahaaa dee sida warsmaa farxadiina la mujiyaa aani idinla wadaagne macaa muruhda kkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. Ubah says:

    Rooda abaayo, aniga wali wax jawaaba ma helin, hadii aan Jawaab helo noocay doontaba ha noqotee waan idinla wadaagayaa, xaaraambay ka Tahay idinkama qarsan doono insha allah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. Mumin says:

    Xusen bro waxaa ka soo xareeyay talyaaniga oo aan sharci ku leyahay mesha ayay igu celiyeen ayaga oo cuskanaayo sharciga Dublin waxeyba soona i dhaheen soo mar sida sharciga ah waana sameyay ugu yaraan 4 jeer mar walbaba diidmo igu dhuftaan marka sanadkaan ayan is dhiibay waxay i dhaheen isla sidii markaa ka dacwodayna waxay isoo tureen interveiw waana sugayaa waxa u malenaa inay i cafiyeen hadey isoo direen interview iyo loyer ayay i sameyeen marka ilaah kheyr ku maqan insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  43. Xusen says:

    Ilaah Khayr haka dhigo Bro aadbaad u Mahadsantahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. roodo says:

    thank’s aboyo ubax ilaahy wax kayirqaba hanaga wada siiyo kuligeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0