“Ha isku imaan Sweden”

16

Fariintaas waxaa diyaraha wiilka lagu magacaabo Mahmoud Bita oo isaga oo isticmaalaya majaajilo iyo internetka ku gaarsiiya fariintiisa dadka doonaya in ay qaxootinimo u yimaadaan Sweden. Mahmoud Bita oo ka soo jeeda wadanka Syria ayaa fariimihiisa ku soo bandhiga sheekooyinka been-abuurka ah ee laga dhaadhiciyo dadka dibada jooga sida in ay lacag fudud helayaan iyo guryo marka ay Sweden yimaadaan.

Waxa uu ku soo bandhigaa muuqaaladiisa dhibaatada ay leedahay qaxootinimada Sweden iyo cimilada wadanka oo aad u adag. Waxa uu wareysiyo ka qaadaa qaxootiga kale isagoo fariintiisa ay akhristaan dad badan. Mahmoud ayaa sheegay in qaxooti badan oo Syrian ah in ay aaminsanyihiin in Sweden ay tahay janno aduunka ku taala, iyagoo ku argagaxa marka ay wadanka yimaadaan oo ay waayeen waxyaabihii ay filayeen.

Sheekadaas ayaa la mid ah mida Soomaalida buufisku hayo ay aaminsanyihiin, iyagoo laga dhaadhicin la’yahay dhibaatada qurbaha iyo qaasatan in Sweden ay tahay wadan aad u dhib-badan xaga shaqada iyo luuqada. Kuwii 20 ka hor yimid ayaa dariiqyada fadhi ku dirir ku haya, iyadoo qaar badan ay ka shalaayeen in halkaan ay yimaadeen.

Soomaalida qaar ayaa lagu eedeeyaa in aysan xaqiiqada u sheegin asxaabtooda iyo qaraabadooda doonaysa in ay u soo tahriibaan Sweden. Hadaba ogoow haddii aadan xaqiiqada u sheegin dadka in aad lug ku leedahay haddii ay badda ku dhintaan iyaga oo doonaya in ay Sweden yimaadaan. Xitaa sawirada faanka ah ee aad Facebook soo galisaan ayaa diri kara fariin qaldan oo ku aadan nolosha qurbaha. Maxaad u sheegtaa dadka?

Mahmoud Bita ayaa sheegay in haddii Syria ay nabad ku soo noqoto, uu isagu bilaabayo dib u noqoshada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here