Video: Haween Soomaali ah oo lagu weeraray Boden

Habeenkii khamiista ayaa waxaa magaalada Boden lagu weeraray labo gabdhood oo Soomaali ah  iyo caruur ah kuwaasoo ay soo weerartay haweenay caraysan oo ku hubaysan sunta dadka ka ilmaysiisa. Haweeneydaan ayaa la sheegay in ay ku buufisay haweenka Soomaalida ah iyo caruurta sunta taasoo keentay in haweenka Soomaalida ah loo qaado hosbitaalka.

Ruma Haji Ibrahim oo ka tirsanayd labada haweenka Soomaalida ah ee la weeraray ayaa telefishinka SVT u sheegtay in ay wali dareemayso madax xanuun isla markaana aysan ogeyn sababta ay haweenayda u soo wareertay maadaama aysan waxba ku samayn iyagu. Waxay sheegtay markii ay soo galeen dabaqa ay deganyihiin in ay haweenaydaan ay ku sugaysay jaranjarada iyadoo ku buufisay sunta dadka ka ilmaysiisa.

Booliska ayaan wali soo xirin haweenaydii falka geystay, iyadoo ay gabdhaha ka codsadeen booliska in ay arinta wax ka qabtaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. wadani says:

    Ilaahay hana amaansado.
    Walaalayaal waxaan idiin wareeysanaa qofkii macluumaad iigu kordhin kara wiil dadiisu tahay 15-16 jir ayaa sverige rabo inuu iska dhiibo wuxuuna kusoo galay fiiso shangaay wadankuu kasoo qaatay fiisada safaaradeeda ayaa faro kasoo qaaday marka haduu is dhiibo farahaas masoo baxaayaan maxaane xal ah oo uu sameen karaa jazaakumalaah qeer

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. AYUB says:

    asc wadani sxb weyjiraan dadbadan oo sidaa kusoo galay wadanka qaarna sharci helay oo weliba mudo yar ilaahay ugu sahlay iyo kuwo faraha laga helay oo hada tirsi kujira marka waa iska nasiib sxb ee bismillahi dheh Allah tawakal wiilka da yar kudhiib insha Allah wuu helayaa sharciga.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. aasiya says:

    Wadani walaalo aniguba fiise ayaan .ku soo galay Swden markiiba waalayga helay farihii markay go, aankii isiiyeen ayaan ka dhuuntay sanad iyo bar ayaan ka maqnaa hadaan ku soo laabtay waanay isaamaxen lakin wiilka waa yariis markaa lama celinaayo 18 wuu ka yaryay waa caruur insh allh ilaahay ha saacido wadanada qaar farahoda waa cafis

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. wadani says:

    Jazaakum alaah qeer walaalayaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Ahmed says:

    ASC Wadani yar aan sxb nahay ayan iska dhiibay Sverige wuxu ku soo galay Shengel visa ah laba malaamood ka dib mirgarationsverket ayan balan uu soo tuuray oo uu sheegay inu ka imid Dalka Sucuudiga oo dhlashadiiso tahay Jabootiyan marka waxaan ku la talainaya yarka ha soo 6 bilood ila sanad marka u is dhiibo shengel visa waa masaxma 6 ila sanad ka dib sheekadu waa 2 isbuuc ka hor Ilaahay ha uu saxiirow

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. faarax says:

    Waxaa kahadleysaan wamaxay asxaabeey iyo mawduuca meesha kuqoran ismaleh, cajiib. Gabadhaan lasoo weeraray xaalkeda kawarama, qofkastee kudhici kartaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Gaashanle says:

    Asc dadweynow waxa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Gaashanle says:

    Asc asaxabey waxa raba in la iga cawiya waxa iskadhibay dhibay swdhan 2013 waxa la I dhahay wa lagu Cilina Malta. Wa ka dhuntay wa so tirsaday wa la I qabilay lakin interviwe gi aya la iga ciliyay mana la I shegin sababta waxi igu dhama fikir wa so dhaweyna thx all

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Bk says:

    gaashanle waxaa soo baxay sharci cusub waana dhamaday tirsi waxaa kiiskaaga lagu celina Dublin dublin förordningen oo wadankii aad sharciga ku leheyd marka saas dad badan ayay saas ku dhacday ee USA ka dalbo hada malto sharci ku ledahay sweden xee ku shegee hadi ayad famil ku eheyn waa fikirkeyga bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. luul says:

    asc
    walaal yaal waa arimo kala daran dadka qaar noloshi ayaa lagu dhibaatey nayaa qaarna sharcigii ilaahow wadan keenii nabad waarta nooga yeel oo dadkeena isu mecee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Gaashanle says:

    Bk thx sxb lakin waxa ku ahay famil lakin mashegin madama tirsaday waxa islahay wa hele carur kala keni Rabay. Marks
    A hada shegi raba in inta famil joga ani interview gi bis iga baqday wali Goan la igama grain thx. Waxi fikir ah all wa so dhaweyna.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. MOHAMMED says:

    ASC Dhamaan Gaashaanle aniga kula mid baan ahay, Marka la iga cafiyay Faraha ka dib waxay igu yiraahdeen laga bilaabo saacadaan waxaad xaq ku leedahay Sweden ka dib 2 jeer oo kale oo aanan ka ahee Interview gii 1 aad ayaan maray, Wax dhib ah na malahan , Waan ku arday dad badan oo kula mid ah.

    WAXAAN RABAY INAAN WALAALAHA WAYDIIYO HADII AY JIRTO QOF REER AANA CARUUR ISKU DHALIN OO KALA JOOGA SWEDEN IYO MALTA, OO LAGA QAABILAY SWEDEN IYAGOO AANAN CARUUR DHALIN ARINTAA QOFKII WAX IGU DHAAMA .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Gaashanle says:

    Asc Mohmmed sxb aniga waxan maraay kii 1 wax caafis aah leeymaa sheegin kii laabad waa leeyga baajiyay ee adiga goorme laagu dhaahay waa lagu caafiyay? Maardhaw miiya waxan idiinka coodsanaya qofkii ariinkas wax kaa og haa isoo jaawabo mahad sanidiin dhamaantin inshallah qeer noqoneesa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. MOHAMMED says:

    WCS Gaashaanle Maya Walaaal Ma aheen goor dhow waa Mudo hada laga joogo 3 sano sida aan qiyaassayo, Haddii aan kuu faah faahiyo , Marka hore Markaan is-dhiibay waa leyga helay , Mudo ka dib waan ku celinaynaa ayay igu dhaheen waayahay baan iri, Ma aana bixin waan joogay dhowr 2-3 bilood ayaan moogaa, hadana waan isa soo dhiibay mar 2 aad Magac iyo Waxna ma aanan bedalin, waa ay iga aamuseen, Mudo sanad ah ( 12 bilood ) ka dib Ballanta Cafiska iyo mida interview ga 1 aad ayaan maray,

    Sanad kaamil ah ayay iga aamusnaayeen ka dib ayay hadana Mid kale ii soo direen Waan tagay Marka aan waydiiyayna waxaa la ii sheegay in qofkii hore iga qaaday interviewga uusan joogin xiligaa, sidoo kalena uu ka tagay inuu i waydiiyo macluumaad loo baahnaa..

    kii ku xigay la iima sheegin sababta Waan maray, . … Marka sidaas ayay aniga taydii aheyd …… Adiga wax macluumaad ah maka heysaa, Reer aan caruur isku dhalin ( Malta-Sweden ) oo ogolaansho la siiyay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Gaashanle says:

    Asc dhaman mahamed. is ku mid mahin aniga wa sandakan marka inshallah qer noqone tadana wax fikir ah Kama hayo. Ee aniga waxi aqbar cusub ka haya arinka faratirskiga ha ISO shego am la is cilinoya mise.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Sacdiyo says:

    ASc bk walal sharciga so baxay tirsadki ma lagu joojiye aniga Norway aya i diday kadib sweden aya sanadki hore iska dhiibe waxay i dhahen waku celineyna waka dhuunta SAS aya iska sugoya hada halsano iyo sadax billød hada waxa rabay ina markale is so dhiibo sweden walal wixi so kordhe i sheeg hada kawarhayso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. nuurto says:

    Salaam calaykum walaal dhamaantin horta ilaahay haynagu xafido dhulkaan walashena waan ka xumay dhibka ku dhacay ta labaad dadka ka hadlaayo tirsiga aniga hada so tirsaday iyo dhawr qofo kale hadadana isdhiibay waxay idhehen dacwadada sweden ayaa lagu eegaya labo interfiyu ayay iga qaaden abukatena waa ku qabanayna ay idhehen wax isbadalay majiraan tirsigu waa sidii hore ilaahay haynoo sakhiro dhamaanten wabillahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. Gaashanle says:

    Asc. Nuurto walashey goorme is dhibtay xilige bishe. Aniga Hal interviw leeyga qaday. Ki kalana wa leeyga baajiyay. Hada martay wa ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. nuurto says:

    Gashanle walaalo bisha shanaad dhamadkeda kii ugu dambeeyay ayaan sugayaa insh allh dadka dhan meshan kujiro bosta ay ugu soo diren intarfiyuga anigana waan sugaaya ilaahay hano dhibyareyo dhamaanten

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Cabdiweli says:

    Waxa Lanacay waa islam, maahan soomaalinimada cidna madiidana…
    Ee laakiin hadii Aad qaadato jilbaab iwm, dhibkeeda ayay leedahay!…”.
    qoftaan Ayaa kahadashay Arimajaan 1000 jeer,,,

    booQo: https://www.facebook.com/mona.walter.182?ref=ts&fref=ts

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0