Video: Haweenay cunsuri ah oo ka shaqaysa xafiiska Röda Korset

8

Ururka Laan Qayrta Cas ee Röda Korset ayaa waxaa la soo daristay fadeexad weyn oo cunsuriyad ah. Haweenay ka shaqaysa xarun ururka uu ku leeyahay Stockholm ayaa laga duubay filim iyada oo si xun uga hadlaysa soo galootiga. Wiilka lagu magacaabo Daban Ibrahim ayaa u tagay xarunta ururka si uu uga codsado in ay ka caawiyaan sidii uu familkiisa ku keeni lahaa Sweden.

Arinta uu kala kulmay Röda Korset ayaa ku noqotay mid argagax ah. Haweeney ka shaqaysa xarunta ayaa ugu jawaabtay Daban Ibrahim in aan loo baahnayn in uu keeno dad cusub maadaama dhalinyarada “Swedishka” ah ay shaqo la’aan yihiin. Haweeneyda ayaa si cunsuriyad ah uga hadashay soo galootiga balse Daban Ibrahim ayaa ku guuleystay in uu video ka duubo dhamaan hadalka ay ku hadashay.

Ururka Röda Korset oo lagu yaqaano in uu yahay mid dadka soo galootiga ah ay caawimaad ka helaan qaasatan sidii loola mideyn lahaa reerahooda isla markaana caalamka oo dhan ka shaqeeya arimha bani’aadanimada ayaa hadalka haweeneydaan uu yahay mid lidi ku ah shaqada iyo aragtida ururka.

Maamulka guud ee ururka ayaa cambaareyn u jeediyay haweeneyda iyada oo durbadiiba shaqada laga cayriyay. Afhayeenka ururka ayaa sheegay in fikradaha haweeneydaan ay ka soo horjeedaan kuwa ururka Röda Korset .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here